Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa? (W.Q. Nuur Xaaji Xiiray)

Qof walba ama ummad walba Illaahay sifo gaar ah oo lagaga garto dadka kale ama ummadaha kale ayuu siiyay.  Qofku ama ummaddu garashada ay hore u garato sifadaa Illaahay ku mannaystay  ayay horumar degdeg ah ku gaadhaa. Dib-u-dhaca ku yimaad qofka ama ummadda waxaa sabab u ah sifadaa Illahay ku mannaystay oo uu garan waayo ama ummaddaasi garan waydo.  Ama iyada oo hibadaa uu Illahay qofku siiyay uu si qaldan u isticmaalo ama ummaddaasi ay si khaldan u isticmaasho.

Waxaan uga gun leeyahay sifo gaar ah ayuu Illaahay ku manaystay dadka Somaliland oo ay kaga duwan yihiin ummadaha kale. Sifadaa haddii aynu horumarino oo siysigeena, maalqabeenka, axsaabteena aynu is kaashano oo laga shaqeeyo adduunka waxbaynu ku soo kordhin karnaa. Haddii kale waxaynu ku noqon doonaa adduunka (parasite) cayayaan ku-dul-noole ah.

Haddii ay noqoto qalab (Technology) dhawr boqol oo sanno ayaa la innaga horreeyaa, haddii ay hub noqotana waa sidaa si leeg.

Hadal iyo guntii waar hibada Illaahay ina siiyay waa xoolaha nool. Ma hormarinay xooleheena mise dayacnay, haddii aynu horumarino xoolaheena in uun baynu wax noqon adduunkana wax ku soo kordhin, haddii kale ummad hadafkeedii ka lumay iska dheh. Qofkuna waa sidaa si leeg oo haddii hibada Illaahay siiyo uu garto kana faa’iidaysto wax buu noqon, haddii kale qof noloshiisii dayacay dheh.

Waxaan kula talin lahaa kuwa talada haya ama kuwa u soo tartamaya in ay u taliyaan, waa in ay ka fikiraan sidii ay xoolahaa u hormarin lahaayeen dadkana u soo bandhigaan barnaamijkii lagu horumarin lahaa. Horumarkan kale ee aynu raadinayno iyagaa u  sabab noqonaya, maxaa yeelay marka aynu hanti ka helno xoolaheena, maalgashi ayaynu meelo kale ku samayn.

Qofkuna haddii uu doonaayo in uu noqdo qof adduunkan ama ummaddan wax ku soo kordhiya waa in uu baadho hibada illaahay siiyay ee uu dadka kale kaga duwan yahay kuna dadaalaa sidii uu u hormarin lahaa hibadaa illaahay ku mannaystay.  Waxaa iska wanaagsan in aanu noqon qofku (copycat), laakiin uu isku dayaa wax ka duwan in uu la yimaad.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nur.hersi21@gmail.com