Somaliland, maxbuuska doorashooyinka, Q.1aad (WQ: ย Axmed Cali Kaahin)

Sida ka dhacday waddanka Imaaraadka Carabta midoobay, wakhti hore oo hadda muddo la soo moogan yahay, Sheekh Saaid Allaah ha u naxariistii isaga intii dhimatayba, mar uu shaqaalihiisa la joogay, nin ildheer oo xikmada badan runtiina aad uga fog ragga haatan ka taliya ayuu ahaa, ka dib markuu sifiican iskugu qooshay, tuulooyinkii yaryaree, ee reeraha kala jaadki daganaayeen, dunidoo dhana kusoo xidhay.

Maalin maalmaha ka mid ah isagoo shaqo maalmeedkiisii caadiga ahaa wata, waxa uu imtixaan yar oo xagga ragganimada ah ka qaaday shaqaalihiisa, ulโ€™buu soo qaatay, saf dheerna wuu galiyay shaqaalihii kolba mid buu madaxa kaga yar dhuftaa, midkastaa oo shaqaalaha ka mid ahaa wuu sii foorarsadaa, isagoo muujinaya ixtiraam iyo is dulayn, shaqaalahaasi waxay ahaayeen ajaabin waddamo kala duwan kasoo kala jeeda, ha u badnaadeen Muslimiinta Eeshiya iyo ummaddo kaloo faro badan, balse waxa dhacday arrin uu aad ula yaabo, markii uu marayay oday reer Somaliland ah, oo ilaa hadda nool sida uu ii sheegay wiil uu adeer u yahay, in uu isagu ushii iska qabtu Sheekhu madaxa shaqaalaha kala dhacaayey, una sheego in aanu ku dhufan karin gacantiisana iskaga qabto, Sheekh Saaโ€™id muu xanaaqine waxa uu si caadiya u yidhi Soomaalidu waa rag.

Waxa jira waddamada reer galbeedka, ee loo dabo fadhiisto dimuqraadiyada iyo qaabkeeda dacarta iyo malabka meel kuwada yaal ah, in ay jiraan shaandhooyin ka miira wixii aan miid ahayn ee la socda doorashooyinka, u fiirso gollaha odayaasha Maraykanku ciddii ay soo saaraan uun baa soo baxda, inaga odayaasheenii waxaynu u aragnaaba in doorashada, lagu dilo oo lagu gawraco, si meesha loogu baneeyo ninka hadda shaashadaha haysta, ย ee loo yaqaan aqoon yahan, bal imisa Phd ayuu Xaaji Cabdi Waraabe Alle ha ilaaliyee ka waxqabad badan yahay kaligii, bal si hoose u eeg Boqorada Ingiriisku waxay u haysaa Ingiriiska, Ingiriisnimadii, oo cid aanay shaambada ugu dhufani magali karto guriga nambar 10, ee uu Raysal Wasaaruhu uga arrimo dalka oo dhan, hadda waxa socda mashruuc balaadhan oo lagu baabiinayo Saldanadeenii, marka lasameeyay Suldaano badan iyo raggaa aqoonyahanka sheeganayaa, ciyaalka hadda siyaasada ku haftayna waxay si cad oo aan gabasho lahayn kuu odhanayaan odayaashii waa laga baxay, waar Ingiriis iyo Maraykan may ka baxaan.

Hadda waxa socda mashaariic lagu daloolinaayo, shaandhadaa ,si siyaasiyiintu is kugu soo goostaan cid kala haadisa loo waayo, marka dambana dabka inawada saara sdii hore u dhacday, waxa taariikhda dhaw iyo tii hore ee reer Somaliland ku xusan wax kastoo siyaasi xuni kharibo in suldaan iyo oday dhaqameed hagaajiyaan, ragna waxaaba laga hayay odayaasha halaga jaro lacagta yare ee raqiiska magaca u yaalka ah ee cawri gafka loo dhigo, taasi oo tilmaamaysa bisayl laโ€™aan iyo dhugasho hoosayn, aan hufnayn oo dano shakhsi ku dhex jirto, Suldaamada oo aan hadalkoodu haboonayna maaha in lagu tiigaalaayo.

Dimuqraadiyada galbeedku waa sawir warbaahintu maamusho gacantana ugu jira dad gaara oo la yaqaano, ninka la doonayao in lasoo saaro ama in salaanka laga tuuraana, sida rimuudkaa loo sidhimyaa, waxana jira in ilaa 50 sanadood saansanta siyaasada waa la saadaaliya, lana jaan gooyaa, dadku ย haba codeeyaan, ama ha xiiqaane, oo waxaad dib u raacdaa doorashii Buushย  iyo Algoor ee cariga Maraykanka muddo sii horaysay, waxa cod badnaa Algoore balse shaandhadaa reebtay oo wax aynaan fahmayn oo la yidhaado electorals ayaa dhexda u fadhiistay, guushiina qoorta Buush u sudhay ninkii ogaa uunbaa ogaaye, waxaana u taliya shirkado qoysas leeyihiin iyo rag raga oo isku duuban si fiicana, iskugu duba dhacsan.

Haddaba cidii, inakala saaraysay in aynu ku tumanaa malaha gar maaha, waliba waxa kasii daran in gacmo shisheeya ay doonayaan in ay dumiyaan, waana inta aynu Soomaali meelkastay joogto dheernahay. Odayaashu waa qaabkii electoralka Maraykan ee aynu ku kala baxaynay, u fiirso doorashadii Daahir Riyaale waatii sida dadku ku sheekaystaan Sheekh ibraahim Allaah ha u raxmadee, Cumaamadiisa saaray kafadii, taasi oo keentay in dhinac u ciirto, dadka qaar baa u haystay in uu ka hiilayay Madaxwayne Siilaanyo, balse dad badan baa qaba in uu ahaaย  hiil qaran ย iyo mid labada musharaxba waayo Madaxwayne Siilaanyo waa kaa maanta kursigii loo salaxay gorada uga baxay isagoo kasii qurux badan sidii hore, balse xaalada waagaasi malaha sidaas odayaashaa xal ahayd, dadka iyo dalkaba, xaaladii taagnaynd.

Dimuqraadiyada maaha ta galbeedkoo kaliya, ta Turkiga waa tu cajiiba oo isku laaqan islaam iyo reer galbeed qaabkoodii filimkana sifiican bay u fahmeen, waana lagu wareeray ilaa maanta, oo rag maskax furan baa haysta oo la fahmay dunida sida loo noolaado wakhtigan, dhinaca dhaqaalahana waa dalalka dunida ugu horeeya, waxaanay gaadheen in ay noqdaan waddanka 6aad ee dhinaca ciidamada ama afantariga, dee bahasha biyay iskaga dareen sideenan kumay beercadaan intaynu wadda liqnee.

Markii xornimada la helay aad baa loo farxay balse Abwaano badan oo Qaasim iyo Tima cdade iyo Barkhad Cas iyo rag badan oo kale, waxa u bildhaamay in bulshadu ku dhacday dabin sii qorshaysnaa oo ninkii caddaa uu badalay mid madaw oo sidiisii u fikiraaya, taasi oo ilaa maanta taagan inkastoo lagu soo doogay, hoogna laga kulmay.

La soco qaybta 2aad haddii Alle idmo.

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

Axmed Cali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com