Waxaan akhriyay maqaal uu Yusuf Garaad ku qoray boggiisa Internetka oo uu kaga hadlayo arrin uu isagu markaa u arkayo inay xal u tahay in Somaliland dib ula midowdo Soomaaliya. Yuusuf in kasta oo uu yahay nin suxufi ah waxna qora haddana fikirka uu Somaliland ka haystaa ma aha mid qoto dheer kuna salaysan cilmi iyo aqoon dheeraad ah waxase uu fikirkaa kala mid yahay qaar badan oo Muqdisho fadhiya oo markii halgankii SNM socdayna Siyaad Barre ku odhan jiray “Afarta yaryar ee Injirta leh waynu soo qabanaynaa” Markii dambana iska aaminsan in wax Somaliland la yidhaahdaa aanay jirin ee ay Xamar uun sugayaan.
Anigoon hadalka badinayn aan mid mid u soo qaato Hadalkii Yuusuf isla markaana isku dayno inaan qodob qodob wax uga idhaahdo.
Dowladda Soomaaliya iyada ayaa goosatay istaraatiijiyad ku dhisan midnimo iyo in aan la aqbalin in dalka la kala gooyo.
Yuusuf wuxuu u haystaa in go’aanka dowladda Muqdisho uu yahay mid cid walba ka soo go’ay sidaana ay Muqdisho tahay ta u go’aaminaysa Somaliland waxa ay yeelayso. Sidaas awgeed maadaama dowladdu goosatay inaan dalka la kala goyn in Somaliland ay u hoggansanto oo ay amarkaa yeesho. Waa aratgi ku dhisan tii dowladdii milatariga ee ahayd “Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin” ama ay odhan jireen “Nalkaaga Xamar aa laga daaraa”. Waxa halkaa ka cad caqligii xilligaa shaqaynayay inaanuu weli is beddelin in ka badan 30 Sannadood oo Soomaalidu silcaysayna aanuu wax garaad, garasho iyo garawshiyo ah u kordhin dadkii ay ahayd inay xal iyo in arrinka si kele loo eego ku fekeraan. Taasina waa mid u quus goynaysa kuwa weli naawilaya in inta Xamar lagu noqdo halkaa jacayl ka abuurmi doono oo barwaaqo iyo badhaadhe dambeeyo. Waa fikirkii uu Siyaad Barre laftiisu eeday ee isaga oo dadkiisa la heshiin karaya oo tabashadooda dhegeysan karaya uu ka door biday inuu gacan iyo cudud militari ku muquuriyo taas oo isagii oo keliya maahee xataa dalkii galaafatay. Inta fekerka xamar yaallaa uu yahay annagaa sidaa idiin go’aaminnay waxa aan ku faraxsanahay inaan meeshaa wax wanaag ah oo Somaliland u yaallaa aanuu jirin.
Sidaa darteed, dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku jira loollanka aan sahlaneyn ee siyaasadeed ee Muqdisho yaalla, gaar ahaan kuwa u hanqal taagaya xilalka Federaalku waxay mudan yihiin in saamigooda ama ugu yaraan in ka daba dhow ay helaan.
Xataa haddii fikirkaas sidiisa loo qaato oo la yidhaahdo waa sax miyay tahay in 55 Sannadood ka dib midowgii labada gobol in ilaa maanta la baryayo Xamar inay saamiga reer Somaliland xaqa u leeyihiin la siiyo ?
Sagaal sannadood oo xukun rayid ahaa, 22 Sannadood oo xukun milatari ahaa iyo intii ka dambaysay iyo maanta oo sida uu Yuusuf Garaad sheegay dowladdu ay leedahay dalku yaanuu kala go’in haddana in weli xukuumadahaas kala dambeeyay la baryayo ina aanay Somaliland wax dheeraad ah siinin ee bal wixii ay xaqa u lahaayeen uun la siiyo waa mid ku tusaysa inaanay meesha reer Somaliland waxba u oollin ayna tahay inay aayahooda ka tashadaan inta Xamar ay garaadka yeelanayso.
Yuusuf Garaad isaga laftiisa ayaaba laakiin halkaa ii caddeeyay markii uu isla maqaalkaa ku yidhi:
Inkasta oo ay kaabayaasha siyaasadda ee reer Koofureedku uu haysto aanay ayaga u dhammeystirneyn, haddana waa in loo tixgeliyo xuquuqdooda muwaaddinnimo oo la siman muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed. Weliba xilalka keliya ma ahan ee waa in lala wadaagaa deeqaha waxbarasho iyo takhasusyada maamulka iyo amniga.
Bal u fiirso hadalkaa. Siyaasadii oo keliya maaha ee xataa waxbarashadii, takhasusyadii maamulka iyo amniga iyo weliba dhamaan khayraadkii dalku inuu Xamar ku kooban yahay oo reer Koonfur weliba aanay iyaga ku filnayn baa halkaa ka cad. Adigu meel aanay Somaliland waxba u lahayn uun ka soo qaad oo 55 sannadood ka dib weli la baryayo waar dadkaa xaqoodii ha la siiyo.
Isla maqaalkaa Yuusuf Garaad waxa uu qiray in rag badan oo ruug caddaa reer Somaliland ah oo rajo ka qabay midowgu ay quus ay Xamar ka qaadeen awgeed ay Somaliland ugu noqdeen oo ay ka noqdeen arrintii midowga isaga oo tusaale u soo qaatay Axmed Samatar, Buubaa iyo Galaydh oo uu sheegay inuu isaga laftiisu arrinkaa quus ka joogo. Waxa uu soo qaatay hadalkii Galaydh uu yidhi in Midnimada Soomaaliya Xamar laga burburinayo. Ugu yaraan Yuusuf wuu qiray inay taasi jirto oo cid kasta oo hunguri ka qabtay Midowga ay tahay Xamar ta u quus goysay. Intaasi waa intii reer Somalilan weligoodba ay sheegayeen uun ee maalinba mid baa soo fahmaya. Haddii Xamar ay garaadkaa yeelan lahayd 55 sannadood ka hor dalkuba sidaa kumuu dambeeyeen Afrika oo dhana tusaale fiican ayuu u noqon lahaa. Intaa uu Galaydh sheegay Yuusufna uu qiray uun baanu sheegaynay weligayo, imikana aanu sheegaynaa. Reer Somaliland waxba uma yaallaan Xamar iyo Soomaaliya oo dhan midna.
Laakiin Yuusuf wuxuu sheegay wax uu u arko tallaabo wanaagsan oo rajada dib u soo celin karta in la qaaday:
In Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhowaan loo magacaabay General khabiir ah oo degaan ahaan ka soo jeeda Woqooyi waa tallaabo horusocod ah, waanan bogaadinayaa.
Taliyaha Ciidan aan jirin oo magac u yaal ah xilli dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo Koonfurtaba ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM ayuu Yuusuf u arkaa rajo wanaagsan iyo inay reer Somaliland soo celin karto. Malaa arrinkani inaan faallo ka bixiyaba ma istaahilo aanse iftiimiyo in Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo maamul goboleedyo badan oo oo kele oo hadda soo socdaba uu ciidankoodu gaar u yahay kaa uu sheegayana aanay hoos tegin. Tusaale ahaan ciidanka Jubbaland waxa uu si toos ah ula shaqeeyaa una hoos tagaa ciidamada AMISOM ee gobolkaa jooga rajo laga qabay inay dowladdu soo faragelisaana oo dhowr jeer ilaa hadda fashilmay. Malaa waxaaba fiicnayd in loogu yeedho “Taliyaha Xoogga Dalka ee aan Jirin”. Inaanay meeshaa reer Somalilan waxba u oollin ayay kuu caddaynaysaa sida Taliye ciidan uu ula yahay wax weyn oo ay Somaliland u gooyeen ugana tanaasuleen. Bal adba.
Malaa qoraalka Yuusuf Intaas uun baa ugu muhiimsanayd inkasta oo waxyaalo kelena uu wax ka tilmaamay. Waxa uu tusaale ahaan walaac ka qabaa baarlamaanka soo sodaa uu noqon doono mid gobollada koonfurtana la soo doorto halka kuwa Somaliland la socdaana ay noqon doonaan qaar Xamar uun laga qorto oo magac u yaal ah. Laakiin inuu taas ka walaaco may ahayn waayo qaabka xukuumadda Xamar ee maantu ay u dhisan tahayba waa sidaas ee ay markii horena u dhisnayd.
Malaa garowshiyaha ugu wanaagsan ee Xamar wakhtigan xaadirka ah laga heli karaa waa inay fahmaan in midowgii lagu fashilmay ee ay tahay in bal muddo la kala nasto lana ogaado inaanuu modow khasab ahi xalka maanta ahayn. Taas uun baa labada shacbiba dan u ahaan lahayd in bal qolo waliba aayaheeda ka tashato oo laga wada shaqeeyo uun sidii labada shacab aanay u kala fogaan lahayn ee iyaga oo laba waddan ah uu xidhiidhkooda Soomaalinmo u fiicnaan lahaa.
Ilaahay ha ina garansiiyo dariiqa toosan.
Rooble Maxamed