Soomaalidu ladnaanta ma xejiso! (WQ: Xildhibaan Farxaan Cabdi Aw Xirsi)

Asalaamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatu.

Dhammaan ummadda Somalililand meel kasta oo ay daafaha adduunka ka joogtaanba waxaan idiin soo gudbinayaa sheeko aan ku muujinayo arrin ka mid ah arrimaha siyaasiga ah ee dalka hadda ka taagan khaasatan kuwa xisbiga Kulmiye.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” waxan leeyahay waa halyey qaran oo halgan dheer u soo galay mustaqbalka ummadda reer Somaliland iyo sidii dadkan iyo dalkani uga mid noqon lahayeen qaramada adduunka ee xorta ah. Halgankaas waxa uu u soo huray wakhtigisii, naftisii, maalkisii isaga oo ka door biday noloshii cisiga iyo sharafta lahayd ee uu ku haystay xukuumadii kaligii-taliyaha ahayd ee Maxamed Siyaad Barre in uu dagaal kala hor yimaado.

Haddaba maanta Madaxweyne Siilaanyo kama mudna ummadda Somaliland xagxagsho iyo ixtiraam la’aan ee waxa uu ka mudan yahay maamuus iyo ka talo-qaadasho iyo ixtiraam.

Mar labaadka dalkan aynu ku nool nahay halgankii loogu jiray muu dhammaan. Nin walibana halgankaa waxa uu ka qaato taariikhda ayaa qoraysa, kii wiiqa iyo kii waxtaraba. Waxaan uga gol lee yahay ragga is mooday in ay siyaasiyiinta yihiin ee isku magacaabay garab Kulmiye ka go’ay kana hor yimi halgankii loogu jiray dalkan iyo dadkan kana door biday masuuliyaddii ay dalka iyo ummadaba u hayeen danahooda gaarka ah ee siyaasadeed ee aan ummaddan dani ugu jirin, taas oo ay ku kaceen falal aan hore uga dhicin jamhuuriyadda Somaliland, falkaasi oo halis galin kari lahaa jiritaanka qaranka Somaliland haddii aanu madaxweynaha qaranku go’aankii geesnimada lahaa ka qaadan lahayn. Haddana ummaddii ay caynkaas ku sameyeen ayay la dhex taagan yihiin annagaa saxan.

Waxaan leeyahay waxaad ka dhigan tihiin ninkii xaabaystaha ahaa ee waddada uu xaabada u soo doonto ku sii mari jiray kuna soo mari jiray shimbir geed ku taagan oo ku dhawaaaqaysa “Soomaalidu ladnaanta ma xejiso” ee uu maalintii dambe ku yidhi waa beentaa oo haddii aniga la ii dhiibo waan xeejin lahaa nimcada ee ay shimbirtii ku tidhi:

“Ninyahow bal aan eegno in aad ladnaanto xejiso’e waxan kuu dhiibaya waxaad ladnaanta ku gaadho.”

Ka dib waxa ay u sheegtay in boqorka deegaanka ay ku noolayeen ay inantiisu bugto dhul badana la mariyey oo dawadeedii laga quustay boqorkuna uu ballan-qaaday in ciddii inanta dawadeeda soo heshaa uu inantana u guurinayo boqortooyadana ku darayo. Ka dib shimbirtii waxa ay xaboolihii u dhiibtay geedkii daawada u noqon lahaa inanta boqorku uu dhalay, waxaanay ku tidhi.

“Geedkii daawada u ahaa ina boqor waa kane qaad oo u gee boqorka, sidaana kaga mid noqo qoyska boqortooyada. Laakiin ballanteenuna waa inaad ladnaanta xejiso!”

Ninkii xaboolaha ahaa waxa uu qaaday geedkii waxaana uu u geeyey boqorkii waxaana uu ku yidhi
“boqorow waxaan sidaa daawadii inanta.”  Intaa ka bacdi inantii waa ay ku bogsatay xaboolihiina waa loo guuriyey sidaana waxa uu kaga mid noqday qoyskii boqortooyada boqorkiina waxa uu xaaboolihii ku wareejiye taladii iyo maamulkii boqortooyada waxaana uu u dhiibay furayashii qarsigii boqortooyada hal qol mooyaane.

Muddo ka dib waxa dhacday in ninkii xaboolaha ahaa uu ina boqor oo xaaskiisa ahayd uu ku yidhi “aabahaa wuu i neceb yahay sababtuna ay tahay qolkaa xidhan furahiisa muxuu iigala hadhay.  Markii uu muddo ku celcelinayey inantii hadalkaa inantuna ay boqorkii u sheegaysay maalintii dambe waxa uu boqorkii go’aan ku gaadhay in la kaxeeyo xaboolaha loona furo qolkaa, marka loo furo ee uu arko waxa yaalana in uu qaato ka bacdina laga saaro qasriga boqortooyada lagana furo ina boqor oo xaaskiisa ahayd.

Sidii ayaanay u dhacday markii la kaxeeyey ee loo furay qolkii uu inta badan doonaayey, waxa kaga soo baxay lebiskii yacsunaa iyo qorigii xaabada ahaa ee uu sitay markii uu daawada u keenay ina boqor waxaana lagu yidhi qaado oo ka bax qasriga.

Markii ay arrintaasi dhacday ayaa waxa uu xaboolihii dib u bilaabay shaqadisii hore ee ahayd xaaboolaha waxaana uu isla wadadii kula kulmay shimbirtii oo sidii caadada u ahayd ku tiraabaysay “Soomalidu ladnaanta ma xejiso” Waxa uu si degdeg ah xaboolihii ugu jawaabay “Waa Runtaa! Waa runtaa…oo anaa xejin lahaa!”

Waxaan uga jeeda sheekadan ragga maanta shacabka ka dhex qaylinaya ee macalinkoodii ku tilmaamaaya in uu qaldan yahay waxaan leeyahay “ladnaantii waad xejin waydeene nin walowba iska xaabayso!”

Wa Bilaahi Tawfiiq

Xildhibaan Farxaan Cabdi Aw-Xirsi
Burco, Somaliland

abditacabir@hotmail.com