Taariikhda Sarkaalkii Yahuuddu ay ka Ledi Weyday: ..Cali Salaama

Ugu horreyn, waxa ay mahad u sugnaatay Alle Weyne, ammaan iyo adeecidna Udgoonow Nabi Muxammed (C.S.W). Taa bacdigeed, buuggan oo si guud uga hadlaya dhaqdhaqaaqyada gobonnimadoon ee Falastiiniyiinta, si gaar ahna taariikh nololeedka Cali Salaama, waxa uu qayb ka yahay tiro buugaag ah oo uu allifay qoraa/turjume Kamaal Marjaan, waxa uuna soo baxay sannadkii 2022.

Cali Xasan Salaama oo ah shaqsiga ay ku socoto taariikhda buugga, waxa uu sannadkii 1940-kii ku dhashay tuulada Qowlat oo kamid ah degaannadii ay Israa’iil qabsatay, dadkii lahaa ee degganaana ay xoog uga saartay sannadkii 1948-kii. Aabbihii Xasan Salaama waxa uu ahaa halgamaa iyo dagaalyahan wakhti dheer gumac la hor taagnaa Israa’iisha ku soo duusahy dhulkooda, taas oo uu ugu dambeyn u god galay 2-dii Juun, 1948-kii dhaawac sambabbada ah oo ka soo gaaray dagaal ay isaga iyo ciidankiisu la galeen Isra’iil.

Kadib geeridii aabbihii iyo tuuladoodii oo ay Israa’iil gacanta ku dhigtay, hooyada dhashay Cali Salaama waxa ay u werwertay mustaqbalka wiilkeeda, waxa ayna ula carartay dhanka Lubnaan oo ay qaxooti ku noqdeen xero qaxooti oo ku taalay magaalada Naabulis; si’ aan loo tirtirin tafiirta halyeygaas dhiigga badan ka daadiyey Yahuudda Isra’iil.

Cali oo lagu sheegay in uu ahaa nin aad u maskax badan, waxa uu ahaa nin dedaalkiisa uu ka weyn yahay heerka da’diisa. Waxbarashadiisii dhexe ayuu ku qaatay xeradii qaxootiga aheyd, waxa uuna caan ku noqday kaalmaha sarsare ee dugsigiisa oo uu mar kasta soo gali jiray. Waxa ay taas u suurtagelisay in uu helo waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah, waxa uu na ka bartay culuumta Injineerinka Jaamacadda Mareykanka ee magaalada Bayruut.

Cali, nacaybka ay Falstiiniyiintu u qabaan Israa’iil waxaa isaga u dheeraa godobtii ay ka galeen ee ay ku dileen aabbihii isaga oo 15jir ah. Mar kasta waxa uu saaxiibbadii iyo ardadii ay jaamacadda wada dhigan jireen ku guubaabin jiray in aanay marnaba illaabin dhulkoodii la dhacay, xoog iyo xeelad tii ay awoodaanna ay u adeegsadaan sidii dhulkoodaas ay ku soo ceshan lahaayeen.

Waxbarashadiisii kadib, bartamaha Lixdammaadkii ayay Cali Salaama ay isbarteen Yaasir Carafaat oo markaas uun aas-aasay Ururkii Xorreynta Falastiin ee FATAX, waxa uuna durba ku biiray ururkaas FATAX. Intaas kadib, waxa uu soo qabtay jagooyin kala duduwan, isaga oo marba marka kasii dambeysay noqonayay lafdhabarta dhaqdhaqaaqan: ka soo bilow agaasime waaxeed illaa uu gaaray madaxa guud ee laanta fulinta hawlagallada ee RASD ALTOWRA.

Ka go’naanshiyaha iyo dhadhanka ay u sameyneysay shaqadii uu Cali hayey darteed, waxa ay sababtay in laantii uu hoggaaminayay ee RASD ALTOWRA ay laf dhuungashay ku noqoto hay’addii sirdoonka Isra’el ee MOSAD. Waxa uu wax badan ka agaasimey weerarro culculus oo lagu beegsanayey xarumo iyo shaqsiyaad muhiim u ah danaha MOSAD illaa heer ay isku dayeen, faro ciddi lehna ay uga baxsatay, dilka Ra’uusul Wasaarihii Isra’el Gold Mier.

Weerarradii uu qaybta ku lahaa Cali Salaama waxaa kamid ahaa:

1) Qaarijinta Ra’iisul Wasaarahii Urdun Wasfi Mustafa oo ay u arkayeen in uu gacansaar la lahaa Isra’el, sidoo kalana dad badan oo Falastiiniyiin ahi ay xasuuqday xukuumaddiisu Sept 1970-kii.

2) Weerarkii xaruntii Safaaradda Mareykanka ee Sudan oo ay ku dilleen Safiirkii Mareykan u fadhiyey Sudan.

3) Afduubka mid kamid ah diyaaradaha shirkaddii diyaaradaha Isra’el ee El Al 1968.

4) Weerarradii baqshadaha oo ay u diri jireen bashqado qarxaya xarumaha dowladeed ee Isra’iil, iyo sidoo kale saraakiisheeda sarsare. Waxaana u suurtagashay in ay qasaaro badan ku gaarsiiyaan Isra’iil.

5) Iyo kii ugu qasaaraha badnaa ee ay gaarsiiyeen muddadaas oo ahaa Weerarkii Munich 1972 ay ku dileen ciyaartoydii Isra’el uga qaybgali lahaa koobka Olombikada oo ka dhacayay Jarmalkii Galbeed.

Cali, waxyaabaha uu cajiibka ku ahaa waxaa kamid ah: in uu ku guuleystay qarinta wejigiisa. Mosad, in ka badan 10 sanno ayay ku hawlaneyd qaarijinta Amiirka Cas, iyada oo aanan garaneyn wejigiisa. markastana waa ay ku guuldareysan jirtay fulinta qorshahaas. Dhowr goor waa ay sigtay, in ka badan inta ay sigtayna waxa uu helay xogtooda ah in ay ku soo maqan yihiin, taas oo ugu dambeyn keeni jirtay in ay fashil kusoo dhammaadaan.

Intaas waxaa dheer, Cali Salaama waxa uu ku guuleystay in uu xiriir la sameysto hay’addii sirdoonka Mareykanka ee C.I.A, isaga oo gaaray heer ay casuumaad u soo diraan lana fariistaan madaxda ugu sarreysa C.I.A. Wada shaqeyntan Amiirka Cas iyo C.I.A waxa ay dhirbaaxo siyaasadeed oo culus ku noqotay MOSSAD oo iyadu xilligaa aheyd isha keliya ee ay C.I.A-du ku kalsoon tahay, ayna ka dhageysato xogaha sirdoon ee Bariga Dhexe.

Intaas kadib, Amiirka Cas waxa uu kamid noqday ragga aan laga waayin miiska doodaha saraakiisha sarsare ee Mosad, iyada oo qaarijintiisu ay noqotay mid aan gorgortan geli karin. Magacan Amiirka Cas waxaa bixisay Islaantii Ra’iisul Wasaaraha ka aheyd Isra’iil ee Golda Mier markii la laynayay ciyaartoydii ka qaybgali laheyd Olombikada. Magacaas ayaana intaas wixii ka dambeeyey noqday mid la wada adeegsado mucaarad iyo muxaafad, labaduba.

Weerarro iyo dibindaabeyn badan kadib, Mossad waxaa ciriiri ku noqday isbeykii ay u haysatay la dagaalanka Falastiiniyiinta, waxa ayna sammaan iyo xummaanba ka dhex aragtay guusheedu in ay ku jirto qaarijinta Cali, balse waxaa caqabad ku noqday oo ay kala saari weyday maaddaama Cali Salaama uu xiriir kala dhaxeeyey C.I.A in uu iyaga ka tirsan yahay iyo inkale. Wey ku dhici weysay iyada oo aan xajiijin in uu ka madax bannaan yahay C.I.A in ay qaarijiso, dhowr goor oo ay weydiisay in uu ka tirsan yahay iyo in kalena, way u suurtageli wayday in ay xog ka hesho C.I.A-da.

Ku soo noqnoqshada MOSSAD ee C.I.A-da waxa ay walwal ku beertay C.I.A-da, taas oo ah in Cali ammaankiisu uu halis ku jiro. Waxa ay oggaayeen in aysan MOSSAD Cali dhaafeyn haddii ay oggaadaan in aanu ka tirsaneyn C.I.A. Cali waxa ay ku wargelisay C.I.A-da sida ay wax yihiin, waxa ayna ka codsadeen in uu aqbalo in uu iyaga basaas u noqdo si uu uga nabad galo qaarijinta MOSSAD. Cali oo ahaa nin hankiisu sarreeyo, mustaqbal siyaasadeed oo fogna ka rajeynayay hoggaanka dadkiisa waa ay u cuntami weysay in uu C.I.A u noqdo basaas. Waa uu na diiday soo jeedintoodii. C.I.A-duna uma aysan jawaabin MOSSAD, iyaduna aamusnaanta C.I.A waxa ay u aragtay in aanu ka tirsaneyn Amiirka Cas sidaas ayay ugu hirgashay dilkiisa.

Ugu dambeyn, dhawr iyo toban sanno oo ugaarsi ah kadib, 22-kii Jan, 1979-kii ayaa Cali lagu qarxiyey kolonyo baabuur ah oo uu la socday isaga oo xilli galab ah ka soo baxay gurigiisa, kuna sii jeeday xafiiskiisa shaqo ee ku yiilay magaalada Bayruut, waxaa na lagu aasay qubuuraha shuhaddada ee magaaladaas.

 

Intaas haddaan uga soo tagno taariikhdiiisii, waxaa jiray qaladaad sirdoon oo xilliyadii dambe ee cimrigiisa uu sameeyey Amiirka Cas, taas oo loo aaneyn karo in ay soo dedajisay qaarijintiisa, waxaanan kamid ah qaladaadkaas:

1) Arooska gabadhii boqoradda quruxda caalamka la siiyey ee Giorgina Risq. Amiirka Cas, muddooyinkii ugu dambeeyey noloshiisa waxa uu la noolaa minyaradan loo boqray quruxda caalamka, waxaanay quburrada sirdoonku ku fasireen middan in ay aheyd qalad weyn oo uu sameeyey Amiirka. Sideedaba, qofka sirdoonka ahi waxaa lagula taliyaa inta uu is-uruurin karo, oo xogtiisu uu koobi karo in uu koobo; halka dadka caanka ahi ay fududahay dad dhexgalkooda, sidoo kalena ay aad ugu nugul yihiin in la rakaateeyo; si’ dano gaar ah loogu fushto.

2) Qaladka labaad ee uu sameeyey waa in uu u raacay Yaasir Carafaat xarunta Qaramada Midoobey ee New York qudbaddii taariikhiga aheyd ee uu Yaasir ka jeediyey halkaas. Tan waxa ay fududeysay in MOSSAD ay ka dheragto oo ay si fiican u barato wejiga saxda ah ee Amiirka Cas. Sababtii uu u soo raacay hoggaamiyihiisu waxa ay aheyd iyada oo ururkii FATAX loo aqoonsaday urur diblumaasi ah oo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta iyaga lagala hadli karo. Tan waxay Yaasir Carafaat ku keentay in uu u baahdo dad uu ku haleyn karo howlaha qaar ee xasaasiga ah, Amiirkuna waxa uu muddadaasba aha ragga uu ugu kalsooni badan yahay Yaasir dhammaan xubnaha ururka. Sidaas daraaddeed, waxa ay ku fikireen in si nabdoon wax lagu raadiyo, Calina aan loogaga maarmin howshan, intaan kadibna aan la isa sii qarin karin, balse waxa ay aheyd qalad aad u weyn.

3) Qaladka saddexaad ee uu sameeyey Amiirku waxa la dhihi karaa, in uu ku dagmay nabadda uu ururkiisu qaatay, kadibna uu yareeyey juhdiga amnigiisa iyo istaafkiisa intaba. MOSSADse’waxa ay isugu naanesytaa in aanay marnaba cafin ciddii dadnaheeda caqabad ku noqotay mar qura nolosheeda. Tanna waxa ay ku keentay habacsanaan amni oo ugu dambeynna galaafatay noloshiisii.

Marka aan isku soo duuduubno, sheekada Amiirka Cas waxa ay na bareysaa sida ay dadka Falastiiniyiinta ee xaq-u-dirirka ahi ay u yihiin dad gobannimadoodu aan wax ay ku doorsanayaan aanay jirin. Intaas waxaa dheer, sheekadan waxa ay fahan iyo xog sal adag naga siineysaa heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray halkganka dadka Falastiiniyiinta ahi ay ugu jiraan hanashada dhulkooda.

 

Xuquuqda sawirka: Page-ka Kamaal Marjaan.

#AmiirkaCas