Fadhigii maanta ayay mudaneyaashu ku ansixiyeen xubnaha komishanka xuquuqal insaanka qaranka, iyada oo ay 6 xubnood oo guddida kamid ahi hor yimaadeen Golaha,waxaana ka maqna hal xubin oo guddida ka tirsan.
Fadhigan oo ay fadhiyeen 54 xildhibaan ayay mudaneyaashu guddida Xuquuqal Insaanka Qaranka ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah,iyada oo aanay jirin cid la diiday xubnaha guddida.
Dhanka kalena, mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay xeerka ciidanka dab-damiska qaranka Somaliland,iyada oo ay mudaneyaashu xeerkaas ugu codeeyeen qodob qodob,waxa aanay ugu dambayn xeerka ugu codeeyeen duuduub.
Xeerka Ciidamada Dab-damiska waxa ogolaaday 38 mudane, waxa diiday 1 mudane, halka ay ka aamuseen 11 mudane.
Waxaana gabagabdii mudanayaasha golaha wakiiladda loo qaybiyay qorshaha shaqo ee kalfdhiga toddobaad ee golaha wakiiladu ku shaqan doono.