Wasiirka xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) ayaa kulan la qaatay ururka dadka maqalkoodu xadidan yahay.

Wasiirka xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) ayaa kulan la qaatay ururka dadka maqalkoodu xadidan yahay

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii ay wasaaraddu u bari lahayd dadka maqalkoodu xadidan yahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddaniyadda, si ay u bartaan xuquuqda ay ku leeyihiin qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay markii kulankaasi soo dhammaaday, Kulankan ayaa tilmaamay in ay wasaaraddiisa ka go’an tahay horumarinta siyaasad ay yeeshaan dadka maqalkoodu xadidan yahay, isaga oo intaas ku daray in wasaaraddu ay diyaarisay qorshihii lagu bari lahaa dadkan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Waddaniyada iyo sidoo kalena xuquuqaha kale ee ay qaranka ku lee yihiin.