Sannadkii 2022, Shalabi xidhiidhkii Cumar waxa uu ku wareejiyey basaas kale oo ahaa 44 jir lagu magacaabo Nicola Rundage, kaas oo marar badan ku dadaalay in uu Cumar ku qanciyo in uu u safro Faransiiska. Rundage oo Cumar kula kulmay hudheel ku yaalla Istanbuul, waxa uu u soo bandhigay shaqo haddii uu qabto isaga oo Istanbuul jooga la siin doono mushahar bishii ah 5200 oo doolar, haddii uu Brazil tago si uu halkaas uga shaqeeyana uu mushaharkiisu noqon doono 20 oo doolar bishii.
Nicola Rundage waxa kale oo uu injineerka reer Falastiin u sheegay in ay ka wada shaqayn doonaan mashruuc internet ka ah, iyaga oo la shuraakoobayaa rag kala ah Cabdalbar Muxamed Kaya, Fuโaad Usaama Xijaasi, iyo Yuusuf Daxmaan.
Maadaama oo uu Cumar ku celceliyey walaac la xidhiidha dhukumantiyada socdaalka, basaaskani waxa uu u sheegay in uu yaqaanno masuuliyiin ka tirsan laanta socdaalka ee Turkiga, waxa aannu Cumar ka dalbaday in uu u soo diro xogtiisa shakhsiga ah oo ay ka mid tahay cinwaanka guriga uu ka deggen yahay magaalada, isla markaana uu u soo diro sawirka baasaboorkiisa, si uu ugu soo saaro fiise uu ku tago Faransiiska, isaga oo ku andacoonaya in shirkadda shaqada siinaysaa ay rabto in uu Faransiiska yimaaddo, waxa aanu ku tirtirsiyey in uu safro si lacagtaas badan uu u helo.
Markii xaalku halkaa marayey, waxaa qisada soo dhexgalay sirdoonka Turkiga oo sida muuqata si hoose dusha ugala socday hawshan.
Waaxda la dagaalanka basaasiinta cadowga ee hayโadda MIT, ayaa u yeedhay Injineer Cumar, waxa aanay si cad uga digtay in uu dalka Turkiga dibadda uga baxo, maadaama oo ay khatar geli karto naftiisu, sirdoonka MO SS AD oo daba socda awgeed.
Bishii Julaay 2022, Cumar si iskii ah ayaa uu u doonay in uu dalxiis ku tago dalka Malaysia, laakiin sirdoonka Turkiga oo ogaa shaqooyinkii MO SS AD ku soo dhuumanaysay ee sannadihii u dambeeyey loo soo bandhigayey Cumar si Turkiga looga saaro, waxa ay ka baqeen in uu u safrayo xidhiidh lagu qalday awgii, ama in dalka dibaddiisa uu khatar kula kulmi karo. Sidaas awgeed, Saraakiisha MIT waxa ay Cumar uga digeen khataraha ku xeeran, iyo feejignaanta looga baahan yahay in uu sameeyo, haddii uu goโaansado in uu safro.
MIT intaas kagama ay hadhin Cumar, balse waxa ay talefankiisa gacanta ugu shubeen barnaamij suurtagelinaya in la soo helo meel kasta oo uu joogo, xitaa haddii talefanku uu xidhanyahay.
KU DHICISTII DABINKA
Cumar sidii qorshihiisu ahaa waxa uu tegey Kuala Lumpur oo uu si nabadgelyo ah dalxiis ugu tegey meelo kala duwan oo ka mid ah caasimadda, bogagga uu ku leeyahay baraha bulshada ayaanu ku faafinayey meel kasta oo uu booqdo. Muddo saddex toddobaad ah markii uu damaashaadkaas ku jiray ayaa ay timid Maalintii darnayd.
28 kii Sabtembar 2022, Cumar iyo nin kale oo Falastiini ah ayaa goor fiid ah soo dhammaystay casho ay u tageen maqaaxi ku dhex taalla xarun ganacsi, badhtamaha magaalada Kuala Lumpur, intii aanay gaadhin gaadhiga ay wateen, balse ay ku socdaan ayaa waxaa soo abbaaray gaadhi midabkiisu caddaan yahay, afar nin oo si degdeg ah uga soo booday ayaana inta ay qabteen garaacay oo gaadhigii ku qaatay, halka uu saaxiibkiisii kale baxsaday markii laga awood batay.
Isla daqiiqado yar kaddibna waxaa la masaxay dhammaan farriimihii uu Cumar ku faafiyey baraha bulshada ee tilmaamayey joogitaankiisa dalka Malaysiya.
Koox ka tirsan MO SS AD ayaa gacanta ku dhigay Injineer Cumar, waxa aanay geeyeen guri u sii diyaarsanaa oo ku yaalla degmo 50 kiiloomitir u jirta caasimadda Malaysiya ee Kuala Lampur.
LA SOCOโฆ