WIILKII NAFTIISA SIRDOONNADU KU LOOLLAMEEN (Q:1)…W/X:(Kamaal Marjaan)

Cumar Balbiisi waa Falastiini 1991 kii ku dhashay Qasa, magaaladaas ayaa uu ku barbaaray, kuna qaatay waxbarashadiisa illaa heer uu jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa ka qaatay shahaadada Bachelor oo culuumta Kombiyuutarka ah (Computer Science). Intii uu Qasa joogay waxa uu ku shaqeeyey curinta iyo horumarinta barnamaijyada Kombiyuutarka, isaga oo sida oo kalana noqday macallin culuumta kombiyuutarka ka dhiga akademiyado kala duwan.

Cumar intii uu Qasa joogay, wasaaradda arrimaha gudaha ee Qasa ayaa uu u sameeyey barnaamij lagu jabsan karo nidaamyada kombiyuutarka oo ay wasaaraddu u baahnayd.

Sannadihii 2015 iyo 2016, Cumar Balbiisi waxa uu ku guulaystay in uu sameeyo barnaamij awood u leh in uu dhexgalo nidaamka kombiyuutar ee ay ku shaqeeyaan gantaalaha difaaca gantaalaha ee Israaโ€™iil, gantaalahan oo aad u horumarsan waxaa lagu magacaabaa koofiyadda birta ah (Iron Dome), waxa aanay ka hortagaan gantaalaha lagu soo weeraro Israaโ€™iil oo loogu talagalay in ay hawada ku burburiyaan. Laakiin Barnaamijka Cumar sameeyey waxa uu awood u yeeshay in uu indhatiro gantaalaha โ€˜Iron Domeโ€™ oo ay arki waayaan ama khalkhal ku dhaco oo ay qaban kari waayaan gantaalaha ay Xamaas ku soo riddo Israaโ€™iil.

Cumar waxa kale oo uu sameeyey barnaamij isaguna dhexgalay talefannada gacanta ee ay adeegsadaan masuuliyiinta Israaโ€™iil.

Baadhitaan saddex sanno ay wadday ayaa ay MOSSAD ku heshay raad ku hagay, isha ay khatartaasi kaga imanaysay oo dabcan Injineer Cumar ah.

Muddo kaddib Cumar waxa uu tegey magaalada Qaahira, halkaas oo intii uu joogay ay sannadkii 2019 kii shirkad samaysa Barnaamijyada kombiyuutarka oo fadhigeedu uu Norway yahay u soo bandhigtay shaqo. Laakiin waa uu diiday shaqadaas, kaddib markii uu ka shakiyey in ay ujeeddo qaldan leedahay.

Bishii Maarso 2020, Cumar waxa uu u guuray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, markaas oo ay MOSSAD oo ku dabajirtay ay u aragtay in ay fursad fiican u helayso ka aargoosiga Injineer Cumar.

Sannadkii 2021 kiina waxa ay heshay fursaddii ugu horreysay ee ay kulan fool ka fool ah kula yeelaty Injineer Cumar.

Basaas lagu magacaao Raaโ€™id Qasaal ayaa bishii Abriil 2021 ku guulaystya in uu xidhiidh isbarasho la sameeyo Cumar, isaga oo iska dhigaya in uu madax ka yahay qaybta shaqaalaha ee shirkad Faransiis ah oo lagu magacaa โ€˜Think Hireโ€™, ayaa uu ku dadaalay in uu ku qanciyo in shirkadda laga shaqaalaysiiyo.

Illaa bishii Ogosto ayaa uu socday xidhiidhka Injineer cumar iyo basaas Raaโ€™id Qasaal, kaddib si aanu Cumar uga shakiyin muddada dheer Raaโ€™id Qasaal waxa uu hawshii qancinta Cumar ku wareejiyey basaas kale oo lagu magacaabo Cumar Shalabi. Labadan basaasba ujeeddada ugu weyn ee loo soo diray waxa ay ahayd in ay fududeeyeen sidii MOSSAD ay u afduubi lahayd injineerka, kaddibna ay ka dejin lahayd magaalada Tel Aviv.

Shalabi waxa uu Injineer Cumar u soo bandhigay qandaraas ah in uu sameeyo barnaamij kombiyuutar oo lagu siinayo 10 kun oo doolar. Cumar waa uu aqbalay, waxa aanu sameeyey barnaamijkii (APP) oo markii uu dhammaystiray ee uu shirkadda u diray lacagtii loogu soo dhiibay nin kale oo isna basaas ahaa oo lagu magacaabo John Foster.

 

LA SOCOโ€ฆ

 

FG: Sawirka hoose waa Injineer Cumar Al-Balbiisi

Xigasho:Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com