Taariikhda tirsiga sannadka milaadiga “Gregorian” (WQ: Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Yoonis)

Taariikhda miilaadiga ama Gregorian-ka loo yaqaana ee aan hada galnay sanadkiisi 2016-aad waa tirsiga taariikheed ee dunida loogu isticmaal badan yahay, waxaana dunida carabta iyo islaamkaba looga yaqaana taariikhda miilaadiga madaama oo ay ku arooorto ama ku tacaluqdo oo laga soo tiriyo xilligi uu dhashay Nabi Ciise (CS).

Waxa sidoo kale loogu yeedha tirsiga Gregorian-ka (Gregorian calendar) oo loogu magac daray pope-kii ama baadirigii la odhan jiray Gregory-gii 13-aad (Pope Gregory XIII) oo ugu sareeyay kaniisadi Rome qarnigii 16aad baadarigaasi oo ahaa ninkii suurta galiyay in wax ka badal lagu sameeyo tirsigii hore ee la odhan jiray (Julian calendar)

Tirsiga taariikhada miilaadigu waa mid ku salaysan tirsiga qoraxda waxaana uu ka kooban yahay (365.2425) maalmood sannadlaha caadiga ah, halka celcelis ahaana sannadka (leap year) la yidhaa oo is bad-badalana uu ka kooban yahay 366 maalmood, waxaana sannadka miilaadiga ahi uu ka kooban yahay 12 bilood.

Marxaladihi kala duwana ee u soo maray sannadka miilaadigu

  1. A) Tirsi Roomaanigii qadiimka ahaa (Roman calendar)

Boqortooyadii Roman-ku waxay bilawgii hore adeegsan jirtay tirsi sannadle ka kooban 10 bilood , waxaana markii danbe ay adeegsan jireen tirsi sannadle isku dhaf ahaan ku salaysnaa qorax-dayaxeed ka kooban 355 iyo 12 bilood, maalmaha bishuna waxay ka koobnaayeen 29 iyo 30 maalmood, waxaana wakhtigaasi u dajisnaa boqortooyadIi Roman-ka in sannadka xiga sannadka lagu jiro lagu daro 22 ama 23 malmood si (leap year-ku) u noqdo 377 ama 378 maalmood celcelis ahaan

Waxa fikradan wakhtigaas iska lahaa oo hirgaliyay imbaradoorkii/boqorkii (Noma) la odhan jiray ee reer Rome, waxase tirsigaas boqor noma hirgaliyay wax ka badal ku sameeyay baadariyadii iyo hoggaamiyayaashii diinta ee xilliigii danbe, iyagoo ku jaangooyay maalmaha bisha 31 maalmood iyagoo kasoo tiriyay wakhtigii la aasaasay Rome oo ahayd caasimadii imbaradooriyada/boqortooyada sannadkii 753C.H.

  1. B) Tirisigii Julian-ka

Wakhtigii ay boqortooyadii Roman-ku ay guumaysteen dalka Masar waxay Roman-kii si wayn uga faa’iidaysteen dadkii aqoonta lahaa ee reer Masar ee sida wayn wax uga yaqaanay cilmiga xiddigiska waxaana Imbiradoorkii /boqorkii la odhan jiray (Julius Caesar) isaga oo kaashanaya caalim sare oo cilmiga xiddigiska yaqaana oo reer Masar ahaa kuna noola maagalada Alexandria oo la odhan jiray (susegnio) waxa uu is badal ku sameeyay tirsigii ay hore u  isticmaali jireen, waxaana tirsigiisa cusub ee sannadlaha ah uu ka dhigay 365 maalmood halka sannadka (leap year-ka) la yidhaana ee is badalayana uu ka dhigay 366 maalmood, waxaana uu qorsheeyay in 4tii sannadba uu mar is badalo halka maalmahana uu ku saleeyay 30 iyo 31 maalmood marka laga reebo bisha February oo sannadka caadiga ah noqonaysa 29 sannadka (leap year-kana) isku badalaysa 30 maalmood

Waxa sidoo kale Caesar (Qaysar) uu bilaha qaar u bixiyay magaciisa julius caesar bisha 7aad ee (July ) halka bisha siddedaad uu ugu magac daray wiilkiisi ka danbeeyay xukunka ee la odhan jiray Augusstus Caesar oo uu ka dhigay bisha 8aad (August)

  1. c) Tirsiga Gregorian-ka ama miilaadiga ee xilligan

tirsiyadii hore ee Julianka iyo Roman-ku waxay ku salaysnaayeen oo laga soo tirinayay xilligi la aasaasay caasimadii imbaradooriyada/boqortooyadii Roman-ka ee Rome oo ahayd sannadkii 753-kii, laakiin markii lasoo gaadhay qarnigii 6 aad baadarigi la odhan jiray Dionysius Aksijunos ayaa wuxu soo bandhigay in taariikhada miilaadiga lagu saleeyo xilligi uu dhashay Nabi Ciise sannadkaas oo ku beegnaa 532-kii.

Macnaha iyo asalkii hore ee bilaha sannadka miladiga

  1. January: waxa asal ahaan ka soo jeeda magaca ’’Janus’’ oo macne ahaan ah Ilaahyadii ay caabudi jireen  Romankii hore.
  2. February: waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa erayga ‘’febra’’ oo macne ahaan noqonaya latinka is nadiifin waxaana xilligan oo kale Roman-kii wakhtiyadii hore ay qabsan jireen xaflado balaadhan oo ay isku iman jireen si ay u nadiifiyaan deegaanka ay dagan yihin iyo nafahoodaba.
  3. March: waxa uu ka mid ahaa Ilaahyadii ay caabudi jireen Roman-ku waxaana ay u yaqaaneen iIaahi dagaalka, xilligan oo kalana waxay gali jireen dagaalada.
  4. April: waxay asal ahaan kasoo jeeda erayga ‘’avril’’ oo macnihiisu yahay Gu’ga ama xilliga barwaaqada xilligan oo kale waxa uu ku beegna xilliga barwaaqada ee roobabku curtain.
  5. May: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda ereyga’’Maya’’ oo ah Ilaahyadi ay caabudi jireen, waxaana xilligan oo kale khubaradoodi xiddigisku ay cirka ka saadaalin jireen khuraafaad ah in ay arkayaan Ilaaha ay caabudaan.
  6. June: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga”jonious’’ oo macnihiisu yahay laatin ahaan dhalinyarnimo, waxaana xilligan oo kale ay qabsan jireen xaflado waawayn oo ay dhalinyarta ugu talo galaan
  7. July: waxa loogu magac  daray imbaradoorkii/boqorkii reer Roman-ka ee la odhan jiray “julius caesar”
  8. August: waxa loogu magaca daray imbaradoorkii/boqorkii labaad ee reer roman-ka oo ahaa wiilkii uu dhalay Julius ee la odhan jiray “Augustus’’
  9. 9: September: waxa uu ka soo jeeda asal ahaan erayga “septa’’oo looga jeedo macne ahaan number 7 (magacyada numbaradii ee ay isticmaali jireen roman-ki hore)
  10. October: waxa uu ka soo jeeda asal ahaan erayga “octa’’ oo looga jeedo macno ahaan number 8 (magacayada numbaradii ee ay isticmaali jireen Roman-kii hore)
  11. November: waxa uu asal ahaan ka soo jeeda erayga ‘’nova’’ oo macne ahaan noqonaya number 9 (magacayada numaradii hore ee ay isticmaali jireen roman-kii hore)
  12. December: waxa uu asal ahaan ka soo jeeda erayga”deca’’oo macne ahaan u dhigma number 10 (magacyada numbaradii hore ee ay isticmaali jireen roman-kii hore)

Gabagabo

tirsiga sannadlaha ah ee miilaadiga ee taariikhdiisa aan kor kusoo xusnay waxa si wayn looga isticmaalaa dunida oo dhan waxaana ka mida meelaha hadda sida xooga ah looga isticmaalo waddamada Islaamka iyo Carabta marka laga reebo tiro yar oo kooban oo isticmaasha tirsiga Islaamiga ah ee Hijri-ga loo yaqaan.

Waddamada Carabta badankoodu waxay isticmaalan tirsigan sannadka miilaadiga ah waxase qaarkood ay badaleen magacyada uu ka kooban yahay sannadku ee iyagana aan kor kusoo sheegnay oo ay ku badasheen magacyo bileed iyagu ay leeyihiin oo macne ahaana ka duwan kuwa aan kor kusoo xusay.

 

WQ: Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Yoonis