Waxa maanta dib loo furay jaamacadda Gaarisa

Sagaal bilood ka dib waxa maanta dib loo furay jaamacadda Gaarisa oo kooxda Al-shabaab weer ku qaadeen sannadkii hore, kaas oo ay ku dhinteen 150 qof oo iskugu jira arday iyo shaqaale.

Inkasta oo aanay wali bilaabmin waxbarashadu hase yeeshee waxa maana shaqada bilaabay shaqaalaha jaamacadda, sida ay qortay warbaahintuna waxbarashadu waxay bilaabmaysaa 11-ka bishan aynu ku guda jirno.

Markii uu weerarkan dhacay ayaa jaamacadda ay bahwadaagta yihiin ee Eldoret, waxa ay u yaboohday 650 ardayda jaamacadda ah in ay wax barashadooda ka sii wadan karaan halkaa, lamana oga inay ku soo noqonayaan jaamacadda iyo in kale.

Furitaanka jaamacadda Gaarisa ayaa waxa aad ugu ololeeyey dadweynaha deegaanka Gaarisa oo arday badani wax uga dhigan jireen.

bandhige@gmail.com