Baxrayn oo xidhiidhka u goysay Eeraan

Xukuumadda Baxrayn ayaa goor dhawayd ku dhawaaqday in ay xidhiidhka u jartay xukuumadda Eeraan.

Go’aanka Baxrayn wuxu ku soo beegmayaa kadib markii ay maalmihii ugu dambeeyey isla xumaadeen Sucuudiga iyo Eeraan khilaaf ka dhashay dilkii lagu fuliyey sheekhii caanka ahaa ee Shiicada ahaa Nimr Al Nirm.

Shalay ayay xukuumadda Sucuudigu xidhiidhka u jartay Eeraan kadib markii safaaraddii Sucuudigu ku lahaa Tehraan ay mudaharaadayaal cadhaysani gubeen.

Wasiirka Warfaafinta ee Baxrayn Ciisa Al-Xamadi ayaa sheegay in xukuumadda Baxrayn ay diblomaasiyiinta Eeraan u qabteen in ay dalkeeda kaga huleelaan 48 saacadood gudahood.

Baxrayn ayaa beryihii ugu dambeeyey xukuumadda Eeraan ku eedayn jirtay in ay ka dambaysay mudaharaadyo is-daba-joog ahaa oo ay dhigi jiraan Shiicada oo aqlabiyadda dalkaas ah. Mudarahaadyadaas oo ruxay qoyska boqortooyada Baxrayn oo ku sigtay in ay meesha ka baxaan ka hor intii aanay xukuumadda Sucuudiga oo hor kacaysa Golaha Isbahaysiga Khaliijku ciidamo gurmad ah dalkaas gayn.

Bandhige@gmail.com