Taladdii sheekh Mustafe ee aan qaattay (WQ: Rashiid Odowaa)

Waxan soo galay abaaro 10;30 gurigaygii waxan anigoo hiiftaamaya aan galay Qolkaygii wakhtigan waxan ka soo kacay Qayilaad Sigaarka guudkayga ka qiiqayaa ma malayn kartid waayo waxan ka mid ahaa beel weynta u saaxiibka ah ee ku ibtilaysan bahalkaas ama suntan cagaaran ee loo yaqaan Jaadka iyo Ka kale ee Dilaaga ah ee loo Yaqaan Sigaarka ee aan if iyo Aakhiro toona faaiido alahayn waxba yaan hadal kugu daaline anigoo bestay ah ayaan furtay TV Miis halkan ah yaalla wax yar markii aan daawanayay ayaa waxa soo gashay Muxaadaro Cinwaankeedu yahay (Awoodaha la dayacay) waxa soo jeedinaya Sheekh Mustafe ismaaciil Haaruun.

Si fiican ayaan u dhegeystay intaan barkimo dhigtay Markiiba sheekhu waxa uu guda galay Muxaadaradii oo ku saabsamnayd sida ay dadku u dayaceen Awooddii qaaliga ahayd ee ilaahay ugu deeqay ee ay Kow ka tahay Maskaxda iyo caqliga uu ilahay ku manaystay Aadmiga,wuxuu si xeel dheer u sharaxay Maskaxda iyo mugga ay culuum iyo aqoon qaadi karto inay ka wayn tahay inta inagu aynu malaysanayno.xattaa haddii Fooq dheer loo beddelo ay u dhigmi karto.ama haddii maskaxdeenna Xididada ku kaydsan haddii la fur furo oo la isku xidhiidhiyo inay gaadhi karto masaafo aad u dheer oo boqolaal kiiloo mitir ah maxaa loogu talo galay? Waa inay mug yeelato.tacliin ka buuxsanto iyo fikir.

Wuxuu sheekhu tusaale u soo qaattay dad kala duwan oo muddo gaaban ku qaybay Quraanka kariimka ah oo xattaa Dumar leh carruuro dhalay oo howlo badan haya iyo rag shaqooyin badan haya,Muxaadarada uu akhriyayo sheekhu waa Reserch iyo Cilmi baadhis aad looga baaraan degay.Wuxu sheekhu tusaale u soo qaattay Nin 54 sano dadiisu markay gaadhay baraarugay oo wax barasho bilaabay ka dibna ku guulaystay inuu Jaamacad ka mid ah jaamacadaha ugu wayn dunida maamule ka noqdo Cilmigu ma laha da iyo carrabkaa iga waynaaday ayuu sheekhu ku cel celiyay.

Wuxu sheekhu ku dheeraaday in nafta la tababari karo Akhlaaq iyo aqoon ba hadaad meel cidlo ah fadhiisto oo aad ku cel celiso waan baran, karaa waan baran karaa maskaxdaadu way xejinaysaa Sidaas darteed ka tag dadka caajiska ah ee yidhaa waxba lama baran karo oo dadka duulaya la duul waa hadallada dhaxal galka ah ee aan sheekha ka qaattay.sidaas ayaan habenkii ku dhamaystay muxaadiradii
Horta habeenkii waxan tukaday salaatul layll,ka dib aroortii ayaan kacay asxaabtii aan raaci jiray waan ka baydhay Kolba telefoonkayga ha soo garaacaan kamaan qaban.markii danbe been ayaan sheegay oo waxan ku idhi waar Habar yartay oo Xanuunsanaysa ayaan u tagay.waxan maalintaas iska xaadiriyay Masaajidka Rusheeye Sheekh dirir ,Haddana Cali mataan iyo sheikh maxamed aadam waxan noqday qof Cibaadada intii itaalkiisa ah ku xidhan.Axaadiista iyo Tafsiirkana uma yaraysto Alxamdulilah.Balwaddii iyo qudhunkiina waan ka hadhay.

Halkii kumaan joogin ee waxan raadiyay Fursad waxbarsho oo ay bari aan dhowayn iigu danbaysay Waxan helay Wax barasho jaamacdeed oo Degree ah (Bachelor) Political Science &International Relation waanan dhamystay , haddana umaan nasan illayn Dar daarankii Sheekh mustafe ayaan qabaa Waxan haddana ku xigsiiyay Master Diplomacy and International Relation iyadiina waan dhamystay Illaa afar shahaado oo yar yar iyagana waan qaattay oo Security Studies iyo Diplomacy Communication ah.Waxaan jecelay haddan fursado kale helo inaan sii wado Aqoonta ilahay mahadi ha ka gaadho e.

Waxan Doonayaa inaan sheekha oo ah macalinkayga Warbaahinta oo aanan wali is hor fadhiisan aan halkan Duco uga diro Illahay ha barakeeyo ,Waxa xusid mudan sheekha dhowr jeer oo aan arkay waddo isagoo gaadhi watta (VITS) waxan dareemay inay ka tahay Tawaaduc iyo is dhul dhig waayo waxan hubaa inuu yahay Qof caalamka iyo magaca Somali iyo Carab laga yaqaanno Hantina aan waayin lkn farriin ayuu gudbinayaa inuu Vits kaxaysto waa tawaaduc iyo is dhuldhig addoonimo ilaahay uu muujinayo Waxan u soo jeedin lahaa dhalinta Somalida iyo kuwa reer Somaliland inay ka faaiidaystaan Duruusta iyo Cilmiga qaaliga ah ee uu gudbinayo Sheekh mustafe isagana ilaahay Ajri iyo Xasanaad badan ha ka siiyo.
Wa billaahi Towfiiq

Rashiid odawaa

Khadarsalaan@gmail.com
063-4101213