TALO KU SOCOTA GOLAHA WAKIILADA JAMHUURIYADA SOOMALILAND

 

 

 

Waxa wadanka ka dhacday doorasho ay ku tartameen sadexda xisbi qaran ee Kulmiye, Ucid iyo Wadani. Waxa sida la ogyahay guulaystay oo doorashadii kuso baxay xisbiga kulmiye oo mar labaad fursad u helay inuu wadanka sii hogaamiyo. Xiligii ay doorashadu dhacday mudo bil dabadeed ah waxa qasriga madaxtooyada lagu qabtay xaflad balaadhan oo isugu jirtay caleema saar, dhaar iyo xilka oo lagula kala wareegay halkaa.

Hal maalin dabadeed waxa uu madaxwaynaha cusub Mudane Muuse B. Cabdi ku dhawaaqay golihiisa wasiirada. Shacbiga soomaaliland dareeno kala duwan ayay ka bixiyeen golahaa wasiirada ee madaxwaynuhu digreetada kusoo saaray. Waxase huubaala in aanay umadda kuraastu wada deeqi karin. Tiro kasta hadii laga dhigana cidbaa caban doonta. Waxase wada gaadhi kara cadaalad iyo waxqabad loo simo gobolada iyo degaanada kala duwan.

Waxa jira hadaba waajibaad shacabka saaaran oo la rabo inay gutaaan iyo waajibaad masuuliyiinta heerkay doonaan ba ha ahaadaane saaran. Waxan hadaba leeyahay shacabka soomaalilad si milgo iyo maamuus leh bay u guteeen waajibaadkoodi doorasho. Waxa uu xisbiga Kulmiye iyo Marashaxiisuba sidii axsaabta kaleba inoo ballan qaaday oo uu codka inagu waydiistay in uu soo dhisi doono dawlad tira yar oo tayo badan haddii aan doorano. Sidaa darteed taasaan u baahanahanay inan hada kula xisaabtano.

Madaxwaynaha jamhuuriyadda soomaliland waxa uu inoo soo xulay masuuliyiin uu ugu talagaly inay noqdaan adeegayaasha bulshada ama masuuliyiinta xilka la fulinasa. Waxa ay hadaba warqadaydani ku socotaa Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaliland. Waxa aynu u samaysanay laamaha ama waaxyaha kala duwan ee qaranka si loo helo shaqo hufan anay noqdan kuwa is dhamaystira oo midba midka kale toosin kara. Hadaba waxa aan leeyahay anoon haba yaraatee wax ka sheegayn masuuliyiinta laso magacaabay, golaha baarlamaanka ee ay masuuliyadiisa tahay qiimaynta iyo ansixinta masuuliyiintani ay doorkooda u qaataan si qaranimo marka la hor keeno. Madaxwaynuhu dadaal buu sameeyay dabcan qofwalbana waxa uu ku qancay awoodiisa iyo khibradiisaa sida ku cad digreetada.

Waxan hadaba leeyahay xubnaha baarlamaanka ee sharafta lihi ha xasuusnadaan inay umaddan iyo waddankan u dhaarteen, hana u gutaan waajibaadkooda si sharciga waafaqsan oo ay wax walba ka hormarinayaan danta qaranka. Shaqadani maaha mid madaxwaynaha mucaarid ku noqonasa ee waa mid kaabasaa ama toosina hufnaanta masuuliyiinta la shaqayn doonta. Waa waajibaad qaran in arrimaha mar, laba iyo sadexba la iska daba qiimeeyo si loo helo natiijo ay dadka iyo dalkuba u aayaan. Waxa la hubinayaana waxa ay tahay masuulkani ma yahay mid khibrad iyo waayo aragnimo u leh wasaarada lagu soo qoray?

 

 

W/Q : Siciid Xasan Habane