Talo ku socota Guddida COVID19 iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Talo ku socota Guddida COVID19 iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Mudanayaal talooyinkii Dr. Gaboose oo aan filayo inaad qaadan doontaan, waxaad ku darsataan in muddada bilaha ah ee aad “Guryaha jooga” tidhaahdeen, in aad ku lamaanaysaan go’aano aad soo saartaan si waafaqsan sharciga kuwaas oo taabanaya arimahan:

1) In cidna aan laga goyn korontada, biyaha iyo tilifoonka iyo televisionka lacagtii biilka bisha oo ay bixin waayeen awgeed. Biyaha ciddi wakaaladdo dawladeed siiyaan gebi ahaanba iyaga yaan la dallacin ama qiimo dhimis wayn ha lagu sameeyo. Ciddii booyaddo u dhaamiyaana booyaddaha gaarka loo leeyahay ha la siiyo shidaal kab ah iyaguna hoos ha u dhigaan qiimaha.

2) In dadka guryaha kirada ah ku jira, meheraddaha kirada ku jira in aan kiradda oo lagu yeesho awgeed looga saari karin guryaha/meheradaha muddo saddex bilood ah oo ka bilaabmaysa xiligii xanibaadda la galay.

3) In macalimiinta dugsiyadda ay xukuumaddu u samayso barnaamij kab dhaqaale oo la siiyo mushaharka 3 bilood. Kaas oo loo qaybsan laro saddex meelood: meel waalidku bixiyo, meel dugsigu bixiyo iyo meel dawladdu bixiso.

4) In la laalo cashuurta laga qaado ganacsiyada yar yar iyo dhexe ee dalka si ay ย kab ugu noqoto taasi kadib markay dib u furaan meheradaha.

Ugu dambayn xukuumada waxaa laga rabaa maaha lacag ee waa talo iyo “arin-keenimo” loo aayo iyo in dadka ay dadka bogoodda burcad isku mariso. Fursad Somaliland la wada leeyahay iyo qaran-dhis ah baa xataa ku jirta hawshan oo waxaynu ka bixi karnaa xaaladdan inagoo intii hore iska dhow, waa haddii la garto.