Waxaan imika dhamaystay wareysi uu bixiyay madaxweyne Mustafaha dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa waraysanayay Cabdixafiid oo ka tirsan telefishanka Universal.
Barnaamijka oo socday 59.39 ayaa inta badan aad moodaa in labadoodu ay sidii dad tol ah iskugu arxamayeen tusaale ahaan daqiiqada 2aad ama 57aad daawo si aad u ogaato waxa ka dhexeeya.
Mustafe lama su’aalin su’aalo badan oo khuseeya deegaankiisa mararka qaarna waxuu tusaale u soo qaadanayay magaalooyinka deegaankiisa isagoon haba yaraatee kuwa kale ee deegaanka aan waxba ka xusin.
Daqiiqadda 39aad waxaa ku sheegan musuq wariyuhuna kuma uu dul istaagine waa uu dhaafiyay, musuqaas Mustafe waxa uu ku dhaleecaynayaa qof uu xil u dhiibay oo systemkiisa ku jira in uu musuq sameeyay isna waxa uu ka afeefanayaa in wax musuq ahi ka dhicin intuu xukunka joogay.
Wariye Cabdixafiid waxaa lagu yaqaanay dhiiranaan iyo baadhis badan oo uu sameeyo ka hor inta aanu barnaamijku hawada soo gelin taasi ma ay dhicin, waxaana ka muuqata in uu ii dheh u samaynayo sidii ruux musharax ah.
Mustafe waxyaalaha uu sheegay ee wanaagsan waxaa ka mid ah dib u soo celinta huyuuntii ummadda Soomaaliyeed awal horeba iyadoo iska liicaysay haddana taas deegaanku ay gumayn ku haysay. Iyagoo uga faaidaysanayaa kala qaybsanaanta iyo sida ay cadawgood isugu loogeen.
Waxaa Mustafe laga dareemayaa inuu wali aad mooddo inuu NGOskii ku dhex jiro, iyo in uu ciil qabe yahay in ka badan 7ba jeer ayuu Ina Iilay soo hadal qaaday isagoo heli karayay inuu isticmaalo systemkii ka horeeyay ama erayo kale oo u dhaw taas.
Shacabka Soomaaliyeed uma baahna dhaqaale gaar ahaan kuwaas Itoobiya, waxayse ugu baahi badanyihiin in caqligooda dib loo dhiso daaro iyo duunyaba iyadaa markaas iska imane.