Maxamed Mukhtaar Maxamuud oo kaalinta 2aad ku guulaystay tarkanka caafimaadka taranka ee qoreyaasha da’da yar, akhriso maqaalka uu qoray

Ururka horumarinta dhallinyarada ee Somaliland Y-PEER ayaa bishii saddexaad qorayaasha da’da yar ee dhallinyarada ah u qabtay tartan ku saabsan caafimaadka taranka iyo dhallinyarada. Guddidii qiimayntu waxay kaalinta 2aad guddoonsiiyeen Maxamed Mukhtaar Maxamuud oo ku nool Hargeysa. Hoos ka akhriso maqaalkiisa.

Dhibaatooyinka gudniinka gabdhuhu u leeyahay caafimaadka taranka (WQ: Maxamed Mukhtaar Maxamuud) 

Hordhac
Gudniinka gabdhuhu waa mid ka mid ah caadooyinka gurracan ee weli ay ku dhaqmaan dad kala duwan oo ku nool waddamo badan oo adduunka ah. Inkastoo horumarka dhanka caafimaadka iyo tiknoolojiyadda ee la gaadhay ay wax badan ka tareen hoos-u-dhigga gudniinka, haddana  Ururka Caafimaadka Adduunkaa ee WHO waxa uu ka digayaa in weli gudniinka gabdhaha si baahsan loo sameeyo.

Gudniinka gabdhaha oo ah jaritaan guud oo lagu sameeyo xubinta dareen wadka dumarka ayaa gabdhaha ku keenta dhibaatooyin fara badan maadaama xitaa dadka qaar ay jarjaraan goobaha ku dhow dhow xubintaas. Intaas kadib waxaa xiga qodbitaan ama tolliin lagu sameeyo dhammaan meelihii la jar jaray taas oo ka dhiggan in la baabi’iyey shaqadii ay gudan lahayd xubintii dareen wadka dumarka .

Inta badan waxaa dhacda xilliyada caadada marka la gaadho in gabdhaha sidaas loo guday ay xinjiro dhiigga ku istaagaan taas oo keenta xanuun fara badan oo gumaarka ah iyo sidoo kale kelyo xanuun.

Aniiso Maxamuud oo ka mida gabdhaha la guday dhibaatooyin badanna kala soo kulantay ayaa tidhi “ Gudniinka dhibaatooyin badan ayaan kala kulmay. Waan xanuunsan jiray marka dhiigga caadada uu ii soo socdo mindhiciraha iyo kelyaha ayaa i xanuuni jiray.’’

Raadreebka caafimaad daro ee gudniinka gabdhaha ka dhasha waxaa kaloo ka mid ah jeexitaan lagu sameeyo xubinta taranka xilliga dhalmada.

Gabdhaha la gudo dhibaatooyinka ugu badan waxay la kulmaan xilliyada gabadhnimadeeda, maalmaha guri galkeeda ugu horreysa, iyo marka ay dhalayaan. Waa saddexda marxaladood oo qatartooda leh sida ay sharaxayso mar kale Aniiso Maxamuud .

‘‘Markii la i guursaday waan dhiigbaxay, dhalmadii markaan gaadhayna waan ku dhibtooday, waa la i jarjaray. Toddobo beri kor waa u kici waayay dhiig badan ayaa iga baxay cengerigii oo i mud mudaayo dhimasho ayaan ku dhowaaday’’.

Waa kuwee dhibaatooyinka ka imaan kara gudniinka gabdhaha?

Dhibaatooyinka jidhka soo gaadhaya:

  • Caado xanuun leh
  • Kaadidoo dhib iyo xanuun leh
  • Cudurrada kaadimareenka oo bata
  • Dhib iyo xayirnaan kolkay marayso shaybaar ama baaritaanka xubinta taranka
  • Xanuun ama karti la’aanta galmada
  • Nabarro xubinta taranka gaadha
  • Ciriiriga xubinta taranka haweenka
  • Raaxo ama istareex la’aan marka la isu tagayo
  • Dhibaatooyinka ama qatarta dhalmada oo sababaya in ubadka lugu qalo ama ay dhiciso
  • Qatarta dhiigbax daran iyo ummulraac oo ay sabab u tahay marka la jaro meel hore u biskootay oo gudniinka kaddib is qabsatay

Dhibaatooyinka dareenka qalbiga iyo cilaaqaadka wax u dhimaya:

  • Isku kalsooni la’aan
  • Qalbi jab
  • Walaac
  • Cilladda walaaca ka dhasha shoog kaddib

Xaggee ka soo jeedaa gudniinka gabdhuhu? 
Waxa la sheegaa inuu gudniinkani bilowday waqtigii Faraaciinta Masar, ka dib markii reer Bani-israa’il oo waqtaasi la gumeysan jirey nin faalalow ahi u sheegay boqorki xilligaas inuu talada kala wareegi doono wiil ka dhalan doona dadka ay gumeystaan. dabadeedna uu amar ku bixiyey in la (gudo) oo la tolo dhammaan naagahooda, waxana muhiimaddaasi qabanayey umulisooyin la shaqeenayey boqortooyada, si loo kantaroolo guur-kooda, uurkooda iyo dhalitaankooda, ka dibna wixi wiil ah oo xiligaasi dhasha lagu amri jirey in la dilo.

Noocyada gudniinka 
Waxa loo qeybiyaa ilaa 3 nooc

  1. Waxa la jaraa kintirka (Clitoris).
  2. Jaridda kintirka + faruuryaha yaryar iyo faruuryaha waaweyn (Labia Minora & Labia Majora).
  3. Jaridda kintirka + faruuryaha + tolliin.

Saddexdaasi nooc ayaa intaba laga isticmaalaa dhulka Soomaalida, inkastoo nooca u danbeeya aad looga isticmaalo waddanka Sudan.

Dhibaatooyinka gudniinka 
Aad ayay u fara badan yihiin, waxa loo kala qaadaa laba nooc.

Dhibaatooyin soo deg-dega:

  1. Waxa ka mida dhiig-bax fara badan oo sababi kara dhiig-yari
  2. In la jaro qaar kamida kaadi-mareenka sida ibta oo kale (Urethra)
  3. Xanuunka daran ee waqtida gudniinka oo sababi kara suuxdin
  4. Huritaan ama nabarka oo infekshan qaada
  5. Kaadida oo ku dhegta (Incarceration of urine)
  6. U gudbin cudurada faafa sida teetano qalabka oon nadiif ahayn dartii.

Dhibaatooyinka mustaqbalka:
a. Dhiigga-caadada oo ku adkaada
b. Foosha oo ku cuslaata (Obstructed labor)
c. Xanuun xilliga galmada
d. Dhibsasho galmada himiga jinsiga oo yaraada awgii
e. Furitaanka lammaanaha is qaba oo siyaada

Dhaqanka Soomaalida iyo fikirka ku aadan gudniinka gabdhaha 
Dad badani waxay ku doodaan in aan laga tegin dhaqankan, waxayna aaminsan yihiin inuu fa’iido u leeyahay dhallinta, gaar ahaan gabdhaha, iyagoo ku andacoonaya in gudniinka lagu ilaalinayo gabadhnimada hablaha.

Halka qaar kalena rumaysan yihiin inay tahay wax diini ah oon laga tallaabsan karin marna. Sidoo kale waxa jira Soomaali badan oo qabta inuu yahay kintirka dumarku (Najaaso) ama cad xun, sidaa darteedna ay ceeb tahay i gabari noqoto kintirleey.

Sidoo kale gudniinku waxa uu tirtiraa dhammaan wasladda hammad-kordhinta ee haweenka ee ku daboolan xubinta tarankeeda iyo xataa dhinacyada xubintaba. Ma jirto meel ay Shareecada Islaamka kaga soo aroortay gudniinka darran ee lagu sameeyo gabdhaha. Shareecada Islaamku waxay oggoshahay in gabdhaha lagu sameeyo gudniin fudud kaas oo ah in caarada kore la saro ama caarada kore laga laga jaro wasladda hammad-kordhinta ee xubinta taranka haweenka iyada oo aan laga daadin dhiig, loo geysan dhaawac xun hareeraha xubinta taranka isla markaana aan saamayn xun ku yeelan caafimaadka nolosheeda iyo raaxada galmadeeda marka gabadha la guursato. Gudniinka noocan ah ee fudud waxba uma dhimo abuuritaanka hammada gabadha.

Galmadu waa shay dabiici ah oo qofka Eebbe ku abuuro inta uu nool yahay waana raaxo muhiim ah oo naftu iyo jidhku u baahan yihiin inay helaan [Spiritual pleasure and physical gratification]. Xilliga hordhaca galmada [Sexual foreplay] haweenka wakhti ka dheer ka ragga ayaa ay ku qaataan kicinta hammadooda waxaana arrintaas sii murgiya oo sii dheereeya gudniinka, sababta oo ah waxaa ka go’an wasladda dedejisa kicinta hammadda galmada. Goynta wasladda hammad-kordhinta ee gabadha waxay la mid tahay goynta qaybta hore ee xubinta taranka ragga. Xubin ka mid jidhka qofka oo Eebbe (S.W.T) u abuuro raxaada nafta iyo jidhka ee sayga iyo oorida xilliga galmada ma banaana in la gooyo sababta oo ah waxa ay ka horimanaysaa abuuritaanka Eebbe.

Shareecada Islaamku aad ayay u difaacdaa xuquuqda raaxada galmada ee haweenka waxa ayna qabtaa in ragga iyo haweenku ka siman yihiin xuquuqda galmada oo dhinac kastaba xaq u leeyahay inuu helo. Ujeeddada guurka waxa weeye in lammaanuhu kala helaan raaxo, ubad, iyo inay ka horjoogsato dembiga macsida ah ama sinada. Waxay kale oo raaxada galmadu u suurtogelisaa lammaanaha inay ku noolaadaan xasilooni, jacayl, kalgacal, iyo naxariis. Eebbe (S.W.T) isaga oo tilmaamaya wanaagga iyo qiimaha guurku leeyahay ayaa waxa uu Suuradda Arruum, aayadda 21aad ku leeyahay, “Oo waxaa ka mid ah Aayadihiisa inuu nafihiinna idiin abuuray ooriyo si aad ugu xasishaan, waxaanu ka yeelay dhexdiinna [Ragga iyo haweenka] kalgacal iyo naxariis. Waxaa runti arrintaas ugu sugan calaamooyin [Caddaymaha jiritaanka Eebbe] qoomka fekera.”

Haddii ooridu ka dhawacan tahay xagga galmada oo aanay ka helin raaxadii ay xaqa u lahayd ee gudniinku ka duudsiyay waxaa hubaal ah inuu dhaawacan yahay isna kalgacalka ama jacaylka ay u hayso saygeeda oo runtii aad u sarrayn lahaa haddii aan hammadda laga dhaawicin.

Tixraacyo: 

  • Somaliwayn.com
    • Goobjoog.com
    • BBC.com
    • Caasimada.com

Maxamed Mukhtaar Maxamuud
Tell: +252 63 4664349
Email: maxamedamiin4664@gmail.com

Hoos ka akhri maqaalka tartamihii galay kaalinta koowaad:

 

Kamaal Xasan Cadnaan oo ku guulaystay kaalinta 1aad tartan loo qabtay dhallinyarada qoraaga ah, Akhriso maqaalka uu qoray