Tolow ma waxbaa is badalaya (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Doorasho ayaynu galnay dadkii aad bay u rajaynayaan in is badal yimaad.  Markaa waxaa is waydiinleh tolow wax ma is badalayaan mise waxba isma badalayaan?  waa suaal dadka u taal.

Bal aan aragtidayda ka dhiibto.  Horts waxaan idiin sheegayaa siyasada  gabigeedu waa shax, shaxdana rag qarsoon ayaa ciyaara.  Bal ka waran raggii  shaxda ciyaarayay hadii ay dhagaaxdii ay ku ciyaarayeen badalaan oo dhagaax kale ay soo dhigtaan  ma waxbaa is badalay mise waxba ismay badalin, waxba dee ismay badalin, isla ragii ciyaarayay ayuunbaa dhagaaxdii cad cadayd ee ay ku ciyaarayeen inoogu badalay qaar cas cas.

Markaa waxba isma badlayaan.  laakiin meesha mid ayaa ku jirta, nimankan shaxda ciyaarayaa waa niman maskaxbadan oo dadka ku dhex jira sida xarka, waanay la socdaan xaalka dadka halka uu maraayo, markaa hadii ay siyaasadii hore ku sii wadaan kacdoon dad ayaa dhacayaa, markaa waa inay dadk siiyaan woxooga xumad jabin ah, sanad ama laba sano, si ay dadku u moodaan inay wax is badaleen.

meeshan nidaam rag dajisteen ayaa shaqaynaaya, illaa nidaamkaas Is badalo mooyee, ha  filan inay wax is badalaan, nidaamkan caalamka oo dhan ayuu ka shaqeeyaa , kay doonaan ayay madax ka dhigaan kay doonaan way casilaan.  Bal tusaale maraykank nin yar oo madow, gabadh yuhuudiyad ah dhashay, oo intaas oo caruur oo kala duwan dhashay, ayaa u taliyay maxay arintaas ku tusaysaa, waxay ku tusaysaa in ay niman kan yuhuudu caalamka sidaa uga waageerteen.  Adigana kuwii lagugu beeray sidaa ayay kaaga waageerteen kay doonaan ay casilaan kay doonaan dhulka la dhacaan.

Haddii aan kuu sii yara cadeeyo xaalkeena, dhaqaalihii, siyaasadii waxay gacanta u galiyeen, tuulo joogii, dadkii laga tirada badnaa. Iyagoo dadkii dhaladka ahaana ka dhigay wax ay xiniinyo siibeen, iyo wax ay dhulka la dheceen, iyaga oo waliba magacoodii iyo koodii garaad gaabka ahaa isticmaalaya, tuulo jooga iyo kuwa kalana magacaa ay huwan yihiin ugu habranayaan.

Bari hore ayaa nin imika  ka mid ah kuwa madaxda ah wada soconay, ninku hadal aan garan waayay ayuu  yidhi, inta uu ooyay ayuu yidhi aniga ayay kolba raganimadayda dib u riixayaan, maan fahmin barigaa laakiin imika ayaan fahmay, illayn kuwan shaxda ciyaaraya ayaa yidhi wali u kaadi kuumay gaadhin eh.

Markaa waxaan idiin sheegayaa waxba ismay badalin eh ha lugi ina, hadii ay ugu badato woxoog  xumad jabin ah  ayaa laydin siin hadii kalena waxba laydin siinmaayo.  Nin wayn ayaa maalin igu yidhi dadkan cid u naxda lama rabo.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com