U Fikir Sida Qudhaanjada! (Waxaa Turjumay: Axmed-Keyse Cali )

Wali ma aragtay qudhaanjo jidkii ay maraysay wax ka hor istaageen oo inta ay godkeedii ku laabatay iska fadhiisatay? Maya. Qudhaanjadu waa noole cajiib ah oo wax badan laga baran karo.

1. Qudhaanjadu isma dhiibto

Qudhaanjadu jidka ay hayso haddii wax ka hor istaagaan waxay uga wareegtaa dhan kale oo waxay sii wadaa socodkeeda ilaa inta ay gaadhayso halka ay u socoto. Ma dhici karto in ay ka joogsato hawsha ay u socoto oo ay isdhiibto.

2. Qudhaanjadu isma dhigato
Wakhtiga iyo waayaha soo socda ayey u sii diyaar garowdaa. Wakhtiga barwaaqada ee xagaaga waxay ku mashquushaa in ay urursato sahaydii ay jiilaalka kaga bixi lahayd. Wakhtiga iyo maalmaha wacan ee ay ku jirto ma dagaan oo isma dhigato, waxay ka warhaysaa wakhtiga ku soo socda oo way ka sii tashadaa, kana tabaabulshaysataa.

3. Qudhaanjadu kama daasho waxay qaban karto
Qudhaanjadu ma taqaan caqliyadda ah waa qabanay ama intan ayaa innagu filan. Si ay jiilaalka uga sii gaashaamato, waxay qabataa wax kasta oo ay qaban karto.
Ha isdhiibin, meel dheer fiiri, niyad sami ku noolow, qabana waxkasta oo aad qaban karto.

Qoraalkii: Jim Rohn
Turjumaddii: Axmed-Keyse Cali