Waa fikirkii ibliis god naareed ku riday (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Falsafad iyo caqligaaga/fikirkaaga oo qaawan in aad isticmaasho waa hagardaamo nololeed, ibliis ayay hodday oo badday balan naareed iyo cadaab aakhiro.

Murankii iyo falsafadaynti Ibliis u Alle kala horyimi waxaay ahaayd, markii Alle amray Malaa’iktiisa : “Usujuud Nabbi Aadam CS, isla dhamaan malaa’iktii mudeeeca ahaayd waa u wada sujuudeen marka laga reebo Ibliis ”.

Ibliis markii lawaaydiiyay sababta, waxa uu Alle kala horyimi dood, Falsafad maroorsan/muran iyo ficiltan khaldan isagoo adeegsanaya caqligiisa oo kali ah waxaana uu yiri: “Waxaad iga abuurtay naar isagana (waa nabbi Aadamee CS) waxaad ka abuurtay ciid”. Ninkaas Ibliis ahi waxaa uu diiday awaamiirtii Alle, waxaana uu kaga baxay xuduudii Alle dood qaawan oo aan lahaayn sabab, isagoo adeegsanaaya wixii caqligiisa kusoo dhacay oo kali ah umana meeldayin.

Doodaha/muranka iyo falsafadaha qaawan/qalalan ee lagala horyimaado aayadaha Alle, axaadiista saxeexa ah, waxaay la caaynyihiin dooddii Ibliis ee soo jireenka ahayd tan iyo abuurtii Aadam Calayhi Salaam.

Waxaan arkayaa caqliyayn badan oo ina hodaysa ama inagu ridaysa inaan dareeno fariidnimo badan inagoo haloowsan.

Caqli badnaantu waxa weeyaan inaad ku samirto oo fahanto ama ku tadaburtid aayaadka dunidan, awoodaha dusha ka saaran, wacadka uu Alle lagalay dadka ka baxa xuduudaha iyo kuwii ka talaabay awaamiirtiisa wixii ku dhacay intii lasoo noolaa (qisaska), sidoo kale naawishaa wanaag adigoo ku niyadsan ballanka Alle hadii aad camal wanaagsan sameeyso, noqoto mudeec waafaqay wixii la’amray.

Waxa maskax badan qofka Alle aaminay isagoon arag, lakiin darsay is-waafaqsanaanta kalaamka Alle, hab usocodka dunidan iyo abuurtiisa leh mucjisooyinka aan dhamaanayn ilaa saacada qiyaame.

Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qoray Xasan Cabdi Shire:

Shaqooyinka iyo doorka ha’yadda lacagta Adduunka u qaabilsan iyo Bangiga Adduunka 

Fulaynimada iyo dulqaadka!

Qabiilku waa wadaag caaymis ah dhanka gashiga, magta iyo guurka

Qofkasta oo dadaalaa maaha siyaasi ama hoggaamiye

Dunida xidhiidh-keeda waxa hagaya baahida dhaqaalaha!

Hambalyo ku socota dufcaddii sadexaad ee Maakhir University, Badhan

Qofkasta waxa uu leeyahay xuquuq iyo milgo dhaawrsan

Nidaamka hub-ka-dhigista, kala-daadinta iyo is-dhex-galka

Uddub-Xujo: Sheeko

Ma Dameer baa, mise waa libaax?

 Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q1aad

Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q2aad

Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q3aad

Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q1aad

Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q2aad

Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q3aad

Saxaafadda: Xor mise xaddid

Jaangoynta diblomaasiyadda

Jooji Cabashada, Iskaa wax u qabso!

Anaaniyaddu waa cudur dilaa ah

Imaamka Masaajidka

Qaarada cagaaran iyo xidhiid-ka cusub ee dunida horumartay

Daawlidnimada iyo xatooyada xoolaha dadwaaynaha

Waayo-aragnimo

Af qalaad

Doorka Sekaddu ku leedahay bulshada iyo dhaqaalaha

Awoodaha is kaaba

Ha rajo dhigin!

Guducur aan caddaba jirin: Siyaasiga maanta

Ciil-Qabe

Xasan Cabdi Shire