Waa maxay sababta ay Fayrasyadu Inta badan China uga dillaacaan? (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Waa maxay sababta ay Fayrasyadu Inta badan China uga dillaacaan?

 

Fayrasku waxa uu u qaybsamaa qoysas qaarkoodba meel gaar ah ka abbaaaraan aadamaha. Qaarkood waxa ay ku dhacaan beerka, qaarkood maskaxda, kuwo kale maqaarka, qaar badan oo kalana qaybaha kala duwan ee jidhka ayaa uu badhma meel beegsadaa.

 

Qoyskan Fayras ee ‘Corona’ bilowgiisii hore aadamaha kuma uu dhici jirin. Waxaa lagu yaqaannay shimbiraha, Fiidmerta, Masaska, Jiirka, Digaagga iyo Doofaarka. Caadada cunto ee dadka Shiinaha oo xayawaannadan dhammaantood cuna, isla markaana guryahooda ku rabbaysta, ayaa sababtay in Fayrasyadaas kala duwan ee xayawaankan ku jiray ay is gaadhaan oo iyagu dhexdooda isku darsamaan, kaddibna uu ku dhaco dhallan-geddis hidde side. Fayraska cusub ee dhallangediskaa ku abuurmay ayaa dib ugu noqday xayawaannaddan oo isu gudbiyey, ugu dambayntiina waxa uu u gudbay dadka Shiinaha oo hilibka xayawaannadan badankoodu cunaan iyaga oo aan iska Karin (Qaydhin).  Sidaas ayaa uu xanuunku ugu soo gudbay dadka. Ayaa uu yidhi Dr. Yaxya oo sida aynu soo xusnay la hadlayey shabakadda Aljazeera.

 

Ma runbaa in dadka qaar iyaga oo xanuunka ‘COVID-19’ qaba haddana in aanay yeelanayn calaamadihiisii? Haddii ay runtahay arrintas maxaa sababaya?

 

Haa!, waa run. Waxaa jira dad qaaday Fayraska Koroona, haddana aanay ka soo bixin calaamadihii xanuunka lagu yaqaannay. Weliba dadkaasi iyaga oo Fayraska sida ayaanay haddana wax dhibaato ahi ku dhicin, iyaga oo aan dawo qaadanna ay markii dambe ka bogsadeen.

 

Dadkaas habdhiskooda difaaca ayaa awooday in uu si dhaqso ah u samaysto difaac antibaayootik oo dili kara Fayraskan. Laakiin dadka noocaas ah aan la ogaan Karin marka uu xanuunkani ku dhaco, sidaas awgeed ay adagtahay in la baadho oo shaybaadh lagu ogaado in xanuunku ku dhacay, iyo in ay ka bogsadeen ama faahfaahinta bogsashadaas.

 

Ragga iyo dumarka midkee uu xanuunka Karoona-Fayras ku khatar badan yahay?

Fayraska Karoona raga ayaa uu kaga khatar badan yahay dumarka, iyada oo dadka illaa hadda u dhintay ay u badan yihiin rag. Waxa aanay xeeldheereyaashu arrintaas la xidhiidhinayaan awoodda habdhiska difaaca haweenka oo jinsiga dheddig ku badan, marka la barbar dhigo laboodka, taasina ay dumarka u fududaysay in ay si ragga ka awood badan ula dagaalamaan fayraskan.

 

Dr. Yaxye Cabdalmu’min oo ku xeeldheer cilmiga fayrasyadu waxa uu madax ka yahay ah qaybta Fayrasyada ku dhaca habdhiska neefsiga iyo Kansarka ee maxadka caafimaadka dalka Faransiiska, sida oo kalana waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta xeeldheerenimada dhinaca Fayrasyada ugu diiwaangashan hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO

 

Al Jazeera Channel – قناة الجزيرة