Wasiirnimo ma u qalantaa? aqoonteeda lahaw!(W.Q. Maxamed Cali Bile)

Markaad tahay ardey cusub oo jaamacad bilaabay, had iyo jeer waxa lagu bilaabaa maadad (course) oo hordhac u ah waxa ad takhasus ahaan baraneyso casharkaa nambarkiisa waxa la yidhaa “course 101”. Masalan haddaad dhaqaale baraneyso “course” ka u horeeya waxa la yidhaa “Economics 101”. Waa madaad si guud kuu fahamsiineysa takhasuskan aad isleedahay jaamacadda ku baro.

Siyaasadda lafteedu waxa ay rabtaa in aan casharo bilow ah soo barato. Balse haddii ad ka soo boodo casharo badan oo aad ka bilowdo meelihii u sareeyey, waxa dhici karta in imtixaanka siyaasadda ay ku jiraan su’aalo ku saabsan casharo aad ka soo booddey ileyn meel sare uunbaad ka bilowdee.

Wasiirrada iyo madaxda dawladda ee xilalka iska casiley, inkasta oo ay kala duruufo yihiin oo ay kala dano yihiin, hadana waxa ay u muuqataa in ay ka soo boodeen casharo badan oo siyaasadda ku saabsan oo ay ahayd in ay hore u soo dhigtaan. Midi iyada waa hubaal oo wasiiradani shicibka awgii iskumey casilin, reer miyiga abaartu hesheyna kameyn dhiidhiyin, Hargeysa biyo la’aanteeda iyo wado la’aanteedana iskamey casilin. Ictiraaf la’aanta dalkeena haysana iskamey casilin, damacooda siyaasadeed ayay isu casileen xaqna wey u leeyihiin.

Waxa keliya ee ay ilduufeen casharo 24 sannadood laga dhiganayey dalka ay aheyd in ay simistaradii hore ee siyaasadda ku soo dhigtaan. Balse casharada ay ka soo boodeen waxa ka mid ah:

Dawaladaha adduunka badankooda laba nidaam oo dawladeed uunbey ku shaqeeyaan. Nidaamka Madaxweynuhu dawladda xukumo iyo nidaamka Raysal wasaaruhu xukumo dawladda.

Nidaamka Raysal wasaaruhu xukumo awoodda hawl dawladeedka waxa iska leh Raysal wasaaraha iyo wasiiradiisa. Gaar ahaan, wasiiradu awood badan ayay leeyihiin oo haddii ay wasiiro badani is casilaan, Raysal wasaaruhu wuu dhaca oo xilka ma sii heyn karo.

Dawladda Madaxweynuhu xukumo, wasiiradu awood badan malaha, waxaana ay xisaabsan yihiin shaqaale farsamo yaqaan ah oo Madaxweynuhu hawl u igmadey. Haddey wasiiro is casilaan iyo haddey kuligood la eryo ama is casilaan, wax saameyn siyaasadeed ah kuma laha Madaxweynaha. Madaxweynuhu ma dhaco sida Raysal wasaaraha. Raysal wasaaraha waxa magacaaba Madaxweynaha, oo haddii dawladiisu dhacdo isna wuu la dhacaa. Balse madaxweynaha cidi ma magacawdo ee dadka ayaa doorta, wasiiro is casilaa ama la eryaana ma ridi karaan, dawladiisana lama dhaco.

Dawladdii Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) Alla Ha U Naxariistee oo aheyd dawlad dhaqaale aan laheyn oo aan ciidan adag laheyn ayay mar keli ah iska casiley 6 wasiir oo awood badani oo uu ka mid ahaa Maxamed Kaahin. Inkasta oo ay dawladdu xiligaa daciif ahayd, hadana waxba uumeyn noqon ee xiligeedii wey dhameysatey, wasaiiradii is casiley waxa lagu bedeley wasiiro kale.

Madaxweyne Cigaal (AHUN) ayaa xilkii ka qaadey mid ka mida wasiiradiisii uu uugu jeclaa uuguna awoodda badnaa markii ay arrin xasaasi ah isku khilaafeen. Wasiirkii ayaa laga wareystey idaacadda BBC-da oo la weydiiyey waxa xilka looga qaadey. Wasiirka jawaabtiisii waxa ku jirtey:

“Madaxweynuhu wuxu igu soo farageliyey shaqadii wasaaradda, waxaanan kala garan waayey in uu madaxweynuhu wasaaradda xukumo iyo in aan anigu xukumo.”

Madaxweyne Cigaal ayaa shirkii wasiirada ee asbuucaasi ku yidhi wasiiradiisii:

“Waaryadheheen, miyeydaan wax akhriyin oo aydaan baran nidaamka dawladuhu u shaqeeyaan. Waasarad kasta anaa xukuma, wasiirkuna waa qof aan hawsheydii badh u igmadey. Wasiirku kuma shaqeyn karo talo uu leeyahay ee wuxu ku shaqeyn karaa oo keli ah talada anigu u igmado. Sida an anigu ku taliyo iyo siyaasadda an jeexo uun buu wasiirku ku soconayaa.”

Cigaal uun maahee, waa sida ay u shaqeeyaan dawladaha Madaxweynuhu xukumo ee adduunka oo dhan.

Dawladda Madaxweynuhu xukumaa, Madaxweyne-ku-xigeenku wax awood ah haba yaraatee malaha, distoorkana uguma jirto. Madaxweyne-ku-xigeenku waa gacanyaraha Madaxweynaha, shaqadiisuna waa hadba waxa uu Madaxweynuhu u igmado. Haddii madaxweynuhu hawl u diran waayo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa, halkaasuu iska fadhiyayaa oo far ma dhaqaajin karo.

Taa macneheedu waxa weeyi, inkasta oo Madaxweyne-ku-xigeenka la soo doortey sida Madaxweynaha oo aan la eryi karin, hadana shaqadiisa iyo awoodiisu waxa ay ku xidhantahay hadba sida uu xidhiidh wanaagsan ula leeyahay Madaxweynaha. Badhtamihii sagaashamaadkii ayuu Dahir Riyale kahin oo Madaxweyne-ku-xigeen ahaa, tahniyad u direy Madaxweynaha dawladda Jabuuti. Madaxweyne Cigaal (AHUN) oo ka xanaaqasan tahniyadda Riyaale direy, ayaa warqad u qorey ku xigeenkiisii isaga oo ku leh, side baad aniga oo aanan awood kuu siin dal kale tahniyad ugu dirtaa. Warqad keli ah kumuu eekeysiine, Madaxweyne Cigaal wuxu nuqul warqaddii ka mida siiyey warbaahinta. Dad badan ayaa la yaabey sida uu Madaxweynuhu afka u goostey ku-xigeenkiisii. Madaxweynuhu wuxu dawladda iyo Daahir iyo dadkaba tusayey in aanu Madaxweyne-ku-xigeenku awood laheyn ee uu ku shaqeeyo waxa uu Madaxweynuhu u diro.

Madaxweynuhu waa abbaanduulaha ciidamada qalabka sida. Wasiirku gaashaan dhiggu abaanduule maaha. Amarka kama danbeysta ah ee ciidamada iyo dagaalka waxa bixin kara oo keli ah Madaxweynaha. Wasiirka Gaashaan-dhiggu waa shakhsi farsamo yaqaan ah oo Madaxweynuhu hawsha u dirtey. Wasiirku malaha go’aanka iyo amarka toona.

Badhtamihii sagaashanaadkii ayaa Madaxweyne Cigaal ka shakiyey dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo ciidan. Inta uu Madaxweynihii Raadhiyowgii milatariga fadhiistay ayuu la hadley dhammaan abbaanduulayaashii ciidamada meel kasta oo ay joogaanba, waxaanu ku yidhi:

“Caawa laga bilaabo, wixii amar ah aniga uunbaad iga qaadaneysaan, cid kalena amar kama qaadan kartaan.”

Taasi waxa ay markiiba meesha ka saartay in wasiirkii gaashaan-dhigga iyo wasiir-ku-xigeenkii gaashaan-dhigga iyo abaanduulihiiba ay meel cidlo ah isasoo taagaan oo taliyayaashii ay amar ka qaadan waayaan.

Ragga dawladda iska casiley, waxa ka maqnaa aqoonta qawaaniinta asaasiga ah ee nidaamka dawladnimaddu ku shaqeyso. Haddii bileys kuu yimaaddo adiga oo waddada taagan oo is shiideysaan dad kale oo guri ku jira, horta adiga ayuu bileysku ku qabanayaa. Haddii marka uu ku qabto ku dooddo guriga anigaa leh oo dadkan ku jiraa xoog ayay igaga heystaan, adiga ayuu ku qabanayaa oo uu ku xidhayaa, waayo dadka kale guriga ayay ku jiraan, adiguse dibedda ayaad ka soo shiideysaan.

Haddiiba marka lagu xidho aad bileyska u warranto oo aad tidhaa guriga anigaa leh oo waa kuwan waraaqaheygii, bileysku inta ay dhaqaaqaan dadka kale guriga kama saari karaan. Balse waxa ay ku odhanayaan orod oo dacwad furo oo maxkamadda tag. Waxa dhici karta in aad xanaaqsan tahay ood tidhaa meeshan sharci ma jiro iyo hadallo kale oo laga yaabo in ay adigiiba xadhig kuu keento.

Dawladnimada waxa jira qeybo dastuuri ah oo sharcigu difaacayo oo dhawrsanaan leh. Haddaad rabto in aad olole siyaasadeed sameyso, waa inaad hay’adahaa dastuurku ilaalinayo meel kaga jirtaa. Dawladda sharci ayaa ilaashanaya, xisbiga muxaafidka ah iyo xisbiyada mucaaridka ahba isku si ayuu dastuurku u ilaalinayaa oo waa isku nidaam. Nasiib daradu waxa ay tahay, haddii aad dawladdii ka baxdo oo aad dibedda ka soo shiitanto, xisbi kale oo mucaarid ahna aad geli weydo, waxad tahay uun qof shicib ah oo cabanaya, waxaanad ka mid noqoneysaa 5 malyuun oo shicib ah oo dawladii ad ku jirtey 5 sannadood ka cabanayey ee aan cidi dhageysan. Dagaalka siyaasadda waxa ad awood u leedahay markaad dawladda dhexdeeda ka dagaalanto ama ad xisbi mucaarid ah ka dhex dagaalameyso. Balse haddii aad dawladdii ka baxdo oo aad dibedda ka soo shiido, adiga uun buu bileysku ku qaban.

Weligaa ha dhayalsan Madaxweyne xilka haya. Dhinaca uu faataxada ku tufo awood ayay leedahay. Ma lihi lagama badin karo oo waa laga badin karaa sidii UDUB ku dhacday oo kale, balse ma sahlana. Muuse Biixi ka wareyso waxa ku dhacay. Muuse oo lagu xanto nin adag oo weliba ahaa guddoomiyihii xisbiga dawladda markii uu kal hore yidhi Madaxweynaha ayaan la tartamayaa, wixii ku dhacey waa la ogaa.

Waxa lagu kiciyey junuuddii siyaasadda ee ay ka mid aheyd siyaasiyiintii, warbaahintii, odayaashii, ra’yigii dadweynaha. Iyada oo aan la weydiin doodiisa oo aan garba la qaadin ayaa laga dhigey nin samihii dalka diidan.

Cashar fiican oo ka maqnaa ayuu Muuse halkaa ka bartay. Odey Siilaanyo ayuu gacanta ka dhunkadey oo uu yidhi xertaada ayaan macalin ka mid ahaanayaa.  Waxaanan garan, caqliga wasiirada is casiley ee ku doodayaa Madaxweynaha ra’yigiisa waanu diidan nahay, dawladiisana waan iska casilayaa anaga oo ku xumeyneyna, dacaayadna waanu ku fureyaa, hadana isaga ayaanu u cabanayaa oo an leenahay, Madaxweyne arrinkaa ergo ayaan kaaga nahay ee wax ka qabo. Nimankaasi waxa ay u muuqadaan niman aan casharkii koowaad ee siyasadda sooba dhigan. Maxaad ugu maleysey, in uu inta uu madaxweynuhuu iska eryo 10 kan wasiir iyo madaxda xisbiga ee ag taagan ee u dhaga nugul, in uu adiga oo iskagaba tegey oo dawladdii uga baxay in uu taada raaco. Qofkaad is heysaan maaha xisbiga ee waa Madaxweynahan aad u cabaneyso. Haddaanad weli taa garan, wax badan ayaa kaa maqan.

Xubin kasta oo golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ka tirsan waxa ay leedahay hal cod marka ay timaaddo doorashada musharaxa xisbigu soo saarayo. Wasiirku hal cod ayuu leeyahay, xubnaha kalena hal cod ayuunbey leeyihiin, Guddoomiyaha xisbigu hal cod ayuu leeyahay, wasiirada is casiley badankoodu min hal cod ayay leeyihiin. Madaxweynuhuna hal cod ayuu leeyahay. Sharciga ayaa dhigaya in uu qof walbaa codkiisa siiyo musharaxa uu u garto.

Ma jiro qof gacanta la qabanayo oo lagu qasbayo in uu qof aanu dooneyn u codeeyo. Wasiirka ku doodaya Madaxweyne anigu hebel ayaan dhisayaa oo an codkeyga siinayaa adiga oo Madaxweyne ihina codkaaga cid ha siin ee dhexdhexaad ahaw, waa nin kitaab kale soo akhristey. Waar sheekhaasi faan weynaa!.

Ninka ku leh Madaxweyne codkaaga dastuurku ku siiyey haddaad isticmaasho oo aad musharax siiso waan kaa cadhooneyaa. Waddooyinku laba haad ayay leeyihiin oo midba dhinac u socdo. Siyaasaduna waa sida waddada. Wax dhexdhexaad la yidhaa ma jiro. Labada haad mid uun ayaa la qaadaa ee ma jiro baabur badhtanka istaagaa. Siyaasaddu malaha wax dhexdhexaad la yidhaa.  Wasiirkan laftiisa ayaanu Madaxweynuhu dhexdhexaadnimo xilka ugu dhiibin. Iminkadanna wasiirku dhan ayuu jiraa, Madaxweynihiisiina waxa uu ku leeyahay adigu dhexdhexaad ahow. Ninka dhexdhexaadka ah maxaa marka horeba siyaasadda dhex dhigay muu masaajidka iska fadhiisto.

Dawladdu ma dad beesho, mana xoolo beesho. Maalintaad is casisho, waxa la heleyaa boqolaal 5 sannadood shaqo la’aa, oo ad adigu albaabka ka furi la’eyd, oo aqoon kula mid ah ama kaaba aqoon badan, oo harraad iyo xanaaq badanina hayo. Kuwaasaa xilkaagii loo dhiibayaa oo meesha soo fadhiisanaya.

Hadda ogow oo, adiga laftaadu dawladnimada ayuunbaad wax ku noqotee, awoodo kale oo waaweyn maad laheyn dawladda horteed. Markaad dawladda ka baxdo awoodaadii wey yaraaneysaa. Xoolihii badnaa ee aad wax ku kala furfuri jirtey sidii ahaan maayaan. Ileyn intooda badani xoolo ummaddeed ayay aheyde oo sidii hore qasabaddu kuuguma socoto. Inta yare ee aad guntateyna waad walaaceysaa oo waxa ad is odhaneysaa malaha haddii aad ku khamaarto dhan walba waad seegi.

Idaacaddii iyo Telefishankii kuu heelanaa ee aad ka hadli jirtey wey kaa aamusayaan. Taagta ugu weyn ee aad leedahay waa laba oo kala ah in aad mucaarid noqoto oo aad dhaleeceyso dawladda iyo in aad shicibka cabanaya ku soo biirto.

Dawladnimadu waxa ay ku shaqeysaa talo iyo go’aan. Talada waa la wada leeyahay waana waajib in la iska dhageysto oo weliba la tixgeliyo. Wasiirku talo ayuu dawladda ku leeyahay oo waa ku waajib inu Madaxweynihiisa u soo jeediyo waxa uu u arko in wanaag ku jiro ama horumar keeni kara. Balse, go’aanka lama wadaago!!!!!.

Go’aanka hal qof uun baa iska leh. Wasiirku talo ayuun buu Madaxweynaha ku leeyahay, Madaxweynuhuna go’aankiisa isagaa ayaa keligii iska leh oo cid kala tashan maayo.

Qasab maaha in go’aanka Madaxweynuhu gaadhaa uu yahay kii aad ku talisey. Go’aanku waa ka ay isaga la noqotey in uu saxyahay. Go’aanka lama wadaago. Wasiir haddaad tahay waxa aad raaceysaa siyaasadda iyo ajandaha uu Madaxweynahaagu dhigo oo aan aheyn shaqo kale eeg eego.

 

Ardaaga Maxamed Cali Bile

Aqoonta U Adeegta Nolosha