Madaxdhaqameed ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo in uu dib u dhigo shirweynaha kulmiye

Qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Cuqaasha iyo aqoonyahanka Gobolladda Maroodi-jeex iyo Saahil ayaa shir jaraa’id oo ku qabteen Hudheelka Crown ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in uu dib u dhigo shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye si loo badbaadiyo masiirka iyo mustaqbalka dambe ee xisbigaasi, Madaxdhaqameedkani waxay ka digeen in nidaam milateri iyo digteetar keligii taliye ah gacanta loo geliyo talada Iyo masiirka Somaliland, siday hadalkooda udhigeen

Oday Xasan Habane Gadhweyne oo halkaasi ka hadlay ayaa Yidhi:

”Keligii talisku ha dhaco, digtaatooriyadu ha dhacdo cadaaladu ha noolaato maanta inakoo askari Siyaad Barre soo marnay si wax loo dilo iyo si wax loo canaado mooye wax kale aan aqoon uma baahna Somaliland, waxay u baahan tahay nin u dhibriya carruurta agoonta ah iyo ummadda isku haya ee nin afka taagaya amar askari mooye wax kale aqoonin somaliland maanta itaal uma haysee, ilaahay haynaga qabto.”

Sidoo kalena Siyaasi Baashe Cabdi Gaboobe oo ka mid ahaa asaasayaashi Xisbiga Kulmiye  oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa ku baaqay in si cadaalad iyo hufnaani ku jirto loogu tartamo xisbiga Kulmiye, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

”Madaxweynaha ayaynu la hadlayna, Cida kulmiye maanta mindida daabkeeda haysa ee waxna dooranaysa iyo kuwa hanka leh baynu la hadlaynaa, waa in si cadaalad iyo hufnaani ku jirto loo tartamo oo cidii guuleysata loo quudho siday somaliland weligeed ku caano maashay”

Aqooyahan Cabdi Maraykan oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in aan jujuub iyo afduub lagu qaban talada Madaxweynenimo sidoo kalena Cabdi Mmaraykan wuxu ku baaqay in dib loo dhigo shirka xisbigaasi Kulmiye, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

”marku qofku u soo badheedho in uu Madaxweyne noqdo oo is sharaxo, jujuub laguma noqdo, anigaa lehda waa wax laga xishoodo waxanu leenahay ninka caynkaaso ka noqo anigaa dabaakhii ah anigaa karinaya anigaana maqalkii fadhiya, taasi kaa socon mayso madaxweyne Shirka golaha dhexe dib udhig adigaanu kula hadlaynaa ee.”

Madaxdhaqameed aqoon yahano iyo xubno kale oo tiro badan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si  isku mid ah Madaxweyne Siilaanyo  ugu baaqay in dib loo dhigo shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Halkan hoose ka daawo Warka Madaxdhaqameedka:

bandhige@gmail.com