Waxa magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya lagu soo bandhigay buug xambaarsan xog ku saabsan awoodda guri-dhisida ee dalalka Afrika. Ma hawl yara in qof guri dhistaa, inta badana sannado badan ayay dadka ku qaadataa in ay guri hanti ah dhistaan. Somaliland waa meelaha ugu badan ee kharashka baloodhada iyo guri-dhisiddu ay sida xawliga ah cirka iskugu sii shareerayaan.
Haddaba akhriste, buug si faahfaahsan uga hadlaya caqabadaha ku gadaaman in dadweynaha qaaradda Afrika ka soo toosaan guryo hanti ah oo ay leeyihiin, ayaa nasiib wanaag u soo gacan galay mareegta Bandhige. Waxaan jeclaysanay inaan akhristaha la wadaagno xaaladda wadamada qaar oo aan idiin soo bandhigi doono. Waxaan maanta eegi doonaa duruufaha guriyeynta ee dalka Jabuuti
Guudmar
Jabuuti waa dal yar, dadkiisuna ka yar yihiin hal milyan, kuna yaalla Geeska Afrika, inta u dhexysa Soomaaliya, Ereteriya iyo dalka aan badda lahayn ee Itoobiya. Dadka dalkaasi 80% magaalooyinka ayay ku nool yihiin, gaar ahaan caasimadda Jabuuti oo dadkeeda lagu qiyaaso ilaa 520,000 oo qof. Dalku waxa uu xorriyadiisa ka qaatay Faransiiska sanadkii 1977-kii, dhawaanahanna waxa ka hanaqaaday fursado cusub oo ka dhashay koboca dhaqaale ee Itoobiya iyo boqcadda istraatijiga ah ee dalku dhaco. Kobocan dhaqaale ayaa xoojinaya ilaha dhaqaale ee dalka, gaar ahaan dhinaca maalgalinta guryaha iyo baahida sii kordhaysa ee loo qabo guryo tayo leh oo la goyn karo.
Dhaqaalaha Jabuuti waxa uu ku tiirsan yahay arrimaha ganacsiga la xidhiidha sida adeegyada maaliyadda iyo wax iibsiga, taasi oo u dhiganta 75% tacabweynaha guud ee dalka. Sannaddadii 2013 iyo 2014, dhaqaalaha Jabuuti oo uu dhaqaajinayo adeegga dekedu iyo maalgalin shisheeye oo toos ahi, waxa uu kobcay 5.9%, halka sixir-bararku hoos ugu dhacay 3.6% iyada oo la saadaalinayo in sannadka 2015 kana uu hoos ugu sii dhaco 3%.
Dalku waa marsada ugu mudan iyo albaabka badeecaduhu ka galaan dalweynaha Itoobiya; labada dalna xidhiidh soo-jireen ah ayaa ka dhexeeya, in kasta oo muddo marka la joogaba muran xagga khadamaadka iyo cashuuraha ahi soo kala dhex galo. Sidoo kale, Jabuuti waxay noqotay saldhig muhiim ah oo ay ka hawlgalaan dhaqdhaqaaqyada milatari ee Maraykanka ee ku aaddan Bariga Africa iyo Gacanka Cadmeed. Dalkaasi waxa uu marti galiyaa saldhiga ciidamada Maraykanka ee ugu wayn dalalka Afrikada saxaaraha ka hooseeysa, kaasi oo loo yaqaano, xerada Lemonnier.
In kasta oo dhaqaaluhu si joogto ah u korayay, dadaal yar ayaa la galiyey sidii dalka looga samayn lahaa isbeddel siyaasadeed ama horumar bulsheed oo ku aaddan dadka reer Jabuuti ee danyarta ah. Siyaasaddu wali way hebeleysan tahay in yar oo kooban ayuun baa na horboodda. Shaqaalaha dawladdu, bulsho-weynta waxay ka yihiin qayb yar oo kooban, kuwaasi oo inta badan si fiican wax u bartay, mushahar fiicanna qaata. Balse bulshada qayb lagu qiyaasay 23% ayaa ku nool xaalad faqri oo aad u liidata. Sidoo kale camal la’aantu aad bay u sarraysaa, waxana lagu qiyaasay sannadkii 2012-kii inay maraysay 60%.
Dadka Jabuuti marka saddex meelood loo qaybiyo, laba meelood ayaan helin cunto ku filan, waxaanay ku nool yihiin xaaladdo nololeed oo qalafsan, maxaa yeelay qiimaha korontada, cuntada iyo alaabta la soo waarido, intuba aad bay u sarreeyaan. Helitaanka Maaliyadda Xaddiga daymaha ee tacabweynaha guud ee dalku waxay kor u kacday 31% sanadkii 2014. Sidaasi oo ay tahay, Jabuuti waxay ku jirtaa dalalka ugu hooseeya Afrika marka laga eego dhinaca dhaqdhaqaaqa ganacsi ee bangiyada.
Ilaa 2006 dii laba bangi oo kaliya ayaa ku jiray suuqa ganacsi (Banque pour le Commerce et l’Industrie – Mer Rouge (BCIMR) iyo Banque Indosuez Mer Rouge (BIMR). Labadan bangi wali waxay maamulaan ku dhawaad 85% hantida dalka. Sanadihii u danbeeyey, Bangiga Dhexe ee Jabuuti wuxuu qaaday talabooyin dhawr ah oo looga dan lahaa fidinta helitaanka maaliyadda. Talaabooyinkan waxa ugu muhiimsanayd furitaanka laamaha cusub, taasi oo ka dhigtay tirada baananka Jabuuti 11 dhamaadkii 2013, iyo 17 hay’ad-maaliyadeed.
Talaabooyinka kale ee dhinaca siyaasad dejinta la xidhiidhay ee la qaaday waxa ka mid ah, awaamirta faraysa in qof kasta oo shaqaale dawladeed ah, mishaharkiisuna dhan yahay 40,000 oo Faranka Jabuuti ah ($25) loogu shubo lacagtiisa bangiga. Dhawaanahanna, waxa jiray dadaalo lagu dardar galinayo dhaqaalaha maxaliga ah sida hirgalinta bangi-telefoonka iyo dadaalo kale oo hay’adda lacagta dunida u qaabilsani ka caawinayso dalka Jabuuti sidii loo samayn lahaa qawaaniin lagu xakameeyo lacagaha sida sharci daradda ah la iskugu gudbiyo iyo hab lagu xoojiyo isla xisaabtanka.
Maalgalinta guryuhu maaha mid wali si fiican u horumarsan. Imika ahaan, waxa la bilaabay guryo lagu bixinayo dayn mudo dheer ah (ilaa 15 sanno) walise waa fursaddo kooban. Xaddiga dulsaarka guryuhu wuxuu u dhexeeyaa 7-15%. Codsiga dayn qaadashadu billo ayuu qaataa si loo dhameeyo, waxana sabab u ah maqnaanshaha xog sugan, nidaam xisaabeed aaladaha casriga ah ku shaqeeya iyo isticmaal la’aanta qaabab casri ah oo hawlahan oo kale badiyaa fududeeya. Bishii Janaayo, 2014, waxay dawladda Jabuuti ku dhawaaqday hindise lagu hirgalinayo bangi dhiirigaliya guryo dhisida, ha yeeshee xog danbe oo dheeraad ah lagama soo saarin hindisahan. Helida daymuhu guud ahaan way adag tahay, xaga dayn helidana, Jabuuti waxay dunida kaga jirtaa dalka 180aad, sida lagu xusay warbixinta Ganacsi Abuurka ee 2015.
Waqti xaadirkan, bangiga Jabuuti waxa uu dersayaa istraatijiiyado lagu horumariyo qiimaynta iyo maamulka deymaha iyo fududaynta helida deymo guryo lagu dhisan karo. Soo ifbaxa nidaam maaliyadeedka Islaamiga ah, kaasi oo jaangooyo bangiga dhexe, ayaa noqday marin kale oo lagu dhiirigaliyo koboca maaliyadda. Bangiyadda ay ka mid yihiin Saba iyo Salaama ayaa dhawaanahan bixinayay adeegyo maaliyadeed oo lagu maalgaliyo guryaha, kuwaasi oo waafaqsan shareecada (sida mudarabah, musharaka iyo ijaara). Tan iyo intii ay suuqa soo galeen bangiyadani sanadkii 2006, koboc xoog leh ayaa la dareemay.
Maalgalinta maxaliga ah, il gaar ah ayaa dhawaanahan lagu eegayaa, Raysal Wasaaraha ayaana guddoomiya shirarka ay yeeshaan hay’adaha arrimahan ku shaqada leh, kuwaasi oo maalgalin xoog leh ku sameeya sanduuqa Iskutiirsanaanta Qaran ee dhinacyada horumarinta maalgashiga. Jabuuti waxa ka jira laba xafiis oo bixiya daymaha, kuwaasi oo kala ah CNEC iyo CPEC, waxaanay bixiyaan daymo gaadhaya 30,000-100,000 oo Faranka Jabuuti ah (USD 170-560), kuwaasi oo lagu soo celinayo ugu badnaan muddo 18 bilood ah iyada oo ay la socota 2% dulsaar bille ah. Awooda Dhisida Guryaha Helitaanka guryuhu waa caqabad guud oo dalkaasi ka jirta, gaar ahaan meel qiimaha guri dhisidu ay qaali tahay, maxaa yeelay inta badan qalabka dhismaha waa in dibada laga soo waaridaa, dakhliguna wuu hooseeyaa, helida dayntuna way xadidan tahay.
Qiimaha guri saddex qol ah lagu kiraysto ee badhtamaha magaaladda ayaa waxa uu u dhexeeyaa 840$ ilaa $1,270 bishii, taasi oo macquul ah marka halbeegga caalamiga ah lagu eego, balse ka saraysa inta badan awooda dadka reer Jabuuti. Inta badan waxa kaliya guryo dhisan kara dadka hantida leh ama shaqaalaha dawladda ee shaqo joogta ah haysta ama tiro kooban oo ganacsato ah, kuwaasi oo ka macaasha ganacsiga xawliga ku socda. Saboolnimadu maa mid baahsan oo meel sare maraysa. Sanadkii 2012-kii dadka noloshooda ka hoosayso halbeegga saboolnimada ee caalamiga ahi, waxay gaadhayeen 60%, halka dadka faqriga aadka u ba’an ku nool lagu qiyaasay 40%. Saboolnimo iyo camal la’aan saraysa ayaa hoos u dhigay awoodda guryo ay ku dhisan karaan inta badan dadka reer Jabuuti, xitaa marka xaddiga sixir-bararku uu hoos u dhacay.
Marka laga yimaado helitaanka dhulka, qiimaha dhismaha ayaa sareeya sababtoo ah waxa lagu tiirsan yahay alaab la soo waarido. Qiimaha dhismaha ee guriga daarta ah waxa lagu qiyaasaa inuu u dhigmo lix jibaar dakhliga sanadlaha ah e qoysaska iyo ku dhawaad saddex jibaar guryaha laga dhiso alaabta fudud sida looxa loo yaqaano balay-wuudhka ama guryaha jiingadaha ka samaysan. Baahida Guryaha Tirada guryaha cusub ee dadka reer Jabuuti ay sanad walba u baahan yihiin ayaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 2500 ilaa 3,000 oo guri. Baahida loo qabo guryo cusub, marka saddex meelood loo qaybiyo meel ahaan uun baa la daboolaa, iyada oo guryaha Jabuuti ka dhisan kaliya 34% lagu xisaabiyo dhismayaal rasmi ah oo raandhiis leh.
Guud ahaan, aqlabiyadda guryaha Jabuuti ayaa xaalad xun ku sugan, dadkuna mulkiyad uma haystaan. Waxa la qiyaasaa in guryaha jiingadaha ama ku meel gaadhka ahi ay kordheen tiro dhan 2400 sanadkii 2014 oo kaliya. Saboolnimada iyo tayada guryaha xidhiidh xoog leh aya ka dhexeeya. Tusaale ahaan, xXaafad weynta Belbela, mid ka mid ah xaafadaha ugu qadiimsan uguna balaadhan Jabuuti, saboolnimaduna ay biyo dhigtay, in ka badan 85% guryuhu waxay ka samaysan yihiin jiingaddo, alwaax ama biro la isku soo ururiyey. Sharicyada lagu maamulo dhismayaashu waa daciif. Celcelis ahaan, sanadkii araajida 200 oo dhisme cusub ah uun baa la ebyaa, taasi oo u dhiganta wax ka yar 10% baahida dhismayaasha cusub ee sanadlaha ah.
Hanaanka lagu helo ogolaanshaha dhismaha cusub waa mid diif badan isla markaana qaali ah. Sanadkan 2015 helida warqadda ogolaanshaha dhismuhu wuxuu qaatay 117 maalmood, 18 habraac, qiime ahaana kharashkaasi waxa uu u dhigmaa 7.4% wadarta kharashka dhismaha ee guriga. Marka laga soo bilaabo 2003, dawladdu waxay dhismaha guryaha ku kharash garaysay laba ilaa saddex boqolkiiba wadarta guud ee miisaaniyadda dawladda, ama xisaab ahaan sanadkiiba 15 malyuun oo Doolar, iyada oo la marinayo Sanduuqa Qaran ee Guriyeynta.
Sanadkan 2015, kharashkaasi waxa lagu kordhiyey 3.6 malyuun oo Faranka Jabuuti ah, taasi oo lagu kharash gareeyo guryo dadka danyarta ah loo dhiso iyo helitaanka dhul dhismayaal laga bineeyo. Guryahaasi waxa lagu bixiyaa iyada oo la eegayo in qofku aanu guri hanti ah lahayn, laguna soo xusho iyada oo la tixgalinayo dakhligiisa iyo ta ugu muhiimsan oo ah qaab bakhtiyaa nasiib ah. Tobankii sanno ee u danbeeyey, shirkadda dhista hantida ma guurtada ah ee SID, waxay hirgalisay ku dhawaad 2,000 oo guri iyada oo taageero dhaqaale ka helaysa Sanduuqa Qaran ee Guriyeynta, guryahaas oo intooda badan laga dhisay siiteega Hodan. Ha yeeshee cabasho ayaa ka dhalatay dib u dhaca mashruucaasi la soo darsay iyo waliba tayada guryaha ay dhiseen SID.
Dadka guryahaasi degayaa waa inay bixiyaan kiro muddo ku siman 10-15 sanno, ay soo qaddimaan boqolkiiba 10 qiimaha guriga oo dhan ilaa 30,000 oo Dollar inta aanay hantiyin guriga. SID kuma guulaysan inay kharashkii dhismaha galay macaamiisha ka soo celiyaan. Sidaasi oo ay tahay, dawladdu aad bay u danaynaysaa inay mashruucan sii wado. Waxa jira qorsheyaal cusub oo lagu dhisi rabo ku dhawaad afar kun oo guri, kuwaasi oo ku kacaya lacag dhan 5.4 Bilyan oo Faranka Jabuuti ah, una dhiganta 30.5 Milyan oo Doolar.
Hantidaasi waxa ku deeqay Sanduuqa Horumarka ee Sucuudi Carabiya. Guryaha hore si deg-deg ah oo aan qorshaysnayn ayaa loo dhisay, iyada oo adeegyada bulshana ay ku yar yihiin. Soonayaasha sida bilaa qorshaha ah loo dhisay, waxa ku yar biyaha nadiifta ah ee la cabo, adeegyada fayadhowrka, jidadka gaadiidka iyo waliba hubaal la’aan dhinaca mulkiyadda ah. Muddooyinkii hore, dawladda ayaa dhabarka u ridan jirtay jaangooynta baloodhyada, adeeg bixinta, sida hore uga dhacday siiteega Barwaaqo. Dawladdu waxay soo warisay in ilaa lix kun oo baloodh la diyaariyay tan iyo sanadkii 2000.
Waxa idiin diyaariyey Bahda Bandhige