Madaxweyne Siilaanyo oo furay mashaariic Kuweyt ku caawisay Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Axmed Mazxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa Hargeysa ka furay mashaariic muhiim  ah oo xukuumadda Kuweyt ku caawisay Somaliland.

Mashaariicda uu hadda xadhiga ka jaray Madaxweyne Siilaanyo waxa ka mid ah dugsiga agoomaha hablaha ee Boodhinka ah oo laga barbar dhisay mashruucii hore ee Kuweyt u dhistay agoomaha wiilasha ah.

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxu furay cisbitaal caalami ah oo loogu talo-galay in lagu daweeyo carruurta wax ka barata dugsiga agoomaha iyo bulshooyinka hareero deggan kaasoo oo heerka adeeggiisu aad u sarrayn doono.

Xukuumadda Kuweyt ayaa beryihii ugu dambeeyey Somaliland ku caawinaysay mashaariic kala duwan oo horumar ah iyadoo hore u maal-gelisay ballaadhinta iyo dib-u-habaynta maddaaradda Cigaal ee Hargeysa iyo Madaarka Berbera.

Madaxweyne Siilaanyo mashruuc Kuweyt

Munaasibadan ayaa waxa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay dawlada Kuwayt islamarkaana gadhwadeen ka ahaa Mashruucan kheyrigaa ee lagu dhisay xarunaha Agoomaha,  ugu horaynba waxa halkaas hadal ka jeediyey Ibraahim Nuur Jaamac oo ku hadlaayey maamulka Gacan ku haynteeda leh dugsigaasi isaga oo Madaxweynaha uga mahad celiyey inuu kala soo qeyb galo furitaanka Xaruntii labaad ee agoomaha oo dawlada Kuwayt ugu deeqday dawlada Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” oo halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in mashruucan dhismayaasha dugsiyada Kuwait Charity Academy uu shacabka Somaliland ugu fadhiyo qiimo weyn, sidoo kalena ay u mahad celinayaan dawladda Kuwayt, waxaana halkaas uu Madaxweynaha lagu Guddoonsiiyey abaalmarino ay masuuliyiinta Kuwayt isaga ugu talo galeen, halka uu isna guddoonsiiyey shahaado sharafyo uu ku maamuusay masuuliyiintii ka socotay dawladda Kuwayt ee goobta ku sugnaa.

Hoos ka daawo muuqaalka furitaanka mashaariicda:

bandhige@gmail.com