Sideedaba taariikhdu waxa ay leedahay weji fool xun iyo mid qurux badan, in dhammaan la wada sheegeena waa caddaalad loo sameeyey taariikhda. In inta quruxda badan la soo qaataan waa gef, sidoo kale in inta foosha xun la soo bandhigaana waa dulmi kale. Sidaasi darteed taariikhdii Daraawiishtii uu hogaaminaayey Sayidku waxa ay lahayd in fool xun iyo in qurux badan. Qoraalkan kooban waxa aynu dul istaagi doonaa waxyaabihii dhaawaca u geystay sheekhnimadii Ina Cabdille Xasan.
- Cayda:
Diinta Islaamku way inaga reebtay cayda in la adeegsado si kasta oo ay tahayba, sidoo kale dhaqanka Soomaalidu cayda ma ogola, waxaana la isaga qaadaa xaal, marka qofku lagu caddeeyo inuu cid ama qolo ku gefay. Sayid Maxamed Cabdille Xasan wuxuu tiriyey gabayo cay ah, oo fara badan, qaarkood wuxuu u tiriyey dumar, halka kuwa kalena uu reero ku caayey. Waxa aynu soo qaadan doonaa reeraha uu ku caayey gabayo, tuduc ka mid ah:
= Beelaha Majeerteen wuxuu ku yidhi, inta habar Majeerteeniyo halamash naagaa leh,
= magannimo Alla lehe nimaankaan muskow galay, aan meherba lagu dhalin minadood ha gubatee.
= waa niman sidii dumar lagu danaystaaye.
=Beelaha Isaaq wuxuu ku yidhi, Naagaw tihiin ferenigii noloshka dheeraaye, nacalluhu kuwuu fuulay baad daba nashlaysaane, naamuuskiin wuxuu jabay markaad nacabka raacdeene, nasab haddaa tihiin gaaladaad nici lahaydeene.
=Beelaha Hawiye wuxuu ku yidhi, maandhow Hawiye maandiran maanta ka horowe, bal inaad halyey leedihiin waa la hubsan doonaanye, qaado haylaamahaagii iyo bustihii habacsanaa.
=Beelaha Warsangeli wuxuu ku yidhi, Warsangeligu haybtuu yahay iyo horror dugaag baa leh.
=Beelaha Ciisaha wuxuu ku yidhi, Ciisaha bakhtiga hiigayo iyo haqay midgaaba leh.
=Beelaha Gadabuursi wuxuu ku yidhi, hilbo qudhmay Gadabuursigii huursan jiray baa leh.
- Dilka:
Sayidka ayaa amray in dhammaan ragii daraawiishta ahaa ay reerahooda u soo raraan xarunta dariiqada ee uu deganaa, dabadeed nin la odhan jiray Shide Dhabarjilic oo ka mid ahaa daraawiishtii ayaa amarkaasi ka horyimid, ka dib Sayidku wuxuu amray inuu xujoobay, oo la dilo, waana la dilay. Dilkiisuna wuxuu u dhacay si fool xun, oo inta markii hore xabbad lagu dhuftay, ayaa markii dambena meydkiisii loo dhigay fardo, ka dibna fardihii ayaa hilibkiisii qoobka ku googooyey.
= Sannadkii 1909-kii ayay ciidan daraawiishtii Sayidku weerareen deegaanka Biyoolay, waxaanay halkaasi ku dileen Sheekh Uweys Bin Maxamed Al-Baraawi, oo deegaankaasi ka ahaa sheekh caan ah.
= Ilma Cabdalla Shixiri, Sayidku wuxuu dilay 7 will oo ilma Shixiri ahaa iyo hooyadood, ka dib xoolahoodiina ayuu dhacay. Cabdalle Shixiri wuxuu ahaa wasiirkii arrimaha dibada ee Sayidka, balse markay isku dhaceen ayuu ka baxsaday, sidaasina ayuu carruurtiisa u laayey. Sayidku markii uu dilkan samaynayey wuxuu raaciyey tuducdan” Andacootayaa iyo waraaqo ku ashkatootayaaba, arkimeysid ina Shixiriyow inamadaadiiye, adigu axmaar baad tihiyo ehel jinaaseede.
= Gabadh la odhan jiray Dhiimo Ciise oo ka mid xaasaskii faraha badnaa ee Sayidku qabay ayaa aad u naaxday, dabadeed Sayidk ayey basaasiintiisii ku yidhaaheen waxa ay samaysay gogol dhaaf, oo abtigaa Looyaan ayaa la seexday, ka dib wuxuu amray in la dilo, oo caloosheeda laga soo saaro ilmaha ku jira. Xukunkii Sayidka oo aan racfaan laga qaadan Karin darteed waa dilay, balse calooshii waxa loogu tegay xaydh keliya.
= Garaad Cali Garaad Maxamuud oo ahaa Garaadka guud ee beelaha Dhulbahante ayuu Sayidku u soo bandhigay inay ku soo biiraan xerta Saalixiyada ee Sayidku hogaaminaayo. Dabadeed Garaad Cali wuu diiday arrintii, waxa aanu yidhi ina Cabdille Xasan ha ku eekaado wadaadnimada, talada reerkuna aniga ayay ii taalaa. Iyadoo halkaasi arrintu taagan tahay, ayuu Garaad Cali laba waraaqood u kala diray Ingiriiska iyo boqor Cusmaankii Boosaaso ka talinaayey, isaga oo leh wadaad Ogaadeen ah oo dariiqo aan dhulka laga aqoon wata ayaa dhulkii walaaqaya ee askari ii soo dira. Ka dib waraaqdii Ingiriiska loo dirayey ayay qabteen Daraawiishtii, dabadeedna Sayidka ayaa loo geeyey, isna wuxuu amray in Garaad Cali uu xujuubay oo la dilo, ka dib Garaad Cali waxa lagu deldelay laascaanood dhexdeeda.
= Sayidka ayaa doonay sabab uu laba in ku dilo, dabadeed wuxuu soo qaaday geed qalal, ka dib labadii nin ayuu u keenay kuna yidhi” waar Geedkani miyuu qoyan yahay mise wuu qalalan yahay” , jawaabtii ayaa lagu margaday, ileyn lama garanayo tuu Sayidku doonayee. Dabadeedna nin la odhan jiray Ina Cali Qablax oo run sheegista ku caan baxay ayaa ydih” Haddii Alle laga baqo geedku wuu qalalan yahay, haddiise adiga lagaa baqo geedku wuu qoyan yahay”, ka dib Ina Cali Qablax wuu daayey, kii kalane wuu dilay.
= Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo ka mid ahaa madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo Puntland ayaa ku qoray Buugiisa” Halgan iyo Hagardaamo”, hadal sidan u dhignaa. Waxa qoyskayga weerar ku soo qaaday Daraawiishtii Ina Cabdille Xasan, oo isku meel ku khaarajiyey awoowgay Axmed Yey, Ayeyday iyo toddoba wiil oo ay dhaleen.
- Dhaca Xoolaha:
Daraawiishtii Sayidku waxa ay caado k dhigteen dhaca xoolaha beelaha Soomaalida, gaar ahaan beelihii aan taageersanayn dariiqada Saalixiyad. Daraawiishtu waxa ay ka duuli jireen tuducdan” Makhrib dumay sidiisii xeryaha ma u madoobeeyey”.
= Sannadkii 1900 ayey Daraawiishtu ku duushay deegaanka Gaaroodiga oo u dhexeeya Hargaysa iyo Oodweyne, oo ay deganayeen beelo soomaali ah, balse ay ku tuhmayeen inay Ingiriiksa xidhiidh la leeyihiin, waxaanay halkaasi ku soo dhaceen geel tiradiisu ahayd Kun neef. Duullaankaasi wuxuu caan ku yahay oo lagu yaqaanaa” Dayax Weerar”.
= Abwaan Cali-Dhuux oo col wata ayaa xer geel ka dhacay, dabadeed waxa lagu ceebeeyey inuu xaaraan qaatay, oo xool ummadeed dhacay, Cali-Dhuux wuu is-baraxay, waxaanu tuducdan soo socota ku sheegay inuu Sayidku dhaca geela xalaaleeyey, waxaan yidhi”
Sayidkii wadaad oo dhan xidhay weris xalaaleeye, xaaraan hadduu yahay xule ma qaadeene, xoolaha kaleetiyo isagu waaba kala xeere, nin kastoo xadreeyaba waa u xusul duubaaye, haddaan xaajiyadu weerareyn xer uma duuleene.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah
Hargaysa, Soomaalilaan.
Tix-Raac:
Cabdiraxmaan C. Barwaaqo… Sooyaal (2012).
C/qaadir Aroma….Tiirka Colaadda (2005).