Xalka Degmooyinka Daldalan (WQ: Ahmed Nour Guruje)

Sanadkii 1999 ayaa Maxamed Ibraahin Cigaal magacaabay Degmadda Saba-wanaag oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex , magacaabistaas oo ku soo baxday xeer madaxwayne xiligaas.

Magacaabista degmadaa waxaa la waqti ahaa degmooyinka Fara-wayne , Bali-dhiig iyo Duruqsi , kuwaasoo dhamaantood waagaas la magacaabay.

Degmooyinkaasi waxay ka qayb galeen Aftiddii Distoorka oo ahayd codayntii ugu horaysay ee wadanka ka dhacday 2001 , waxay ka qayb galeen doorashadii deegaanka ee 2002 oo ahayd doorashadii ugu horaysay ee wadanka ka dhacday.

Waxa kale oo ay ka qayb galeen doorashooyinkii kala danbeeyey ee waddanka ka dhacay oo dhan iyagoo watay Magaca Degmo , lahaana goobo codbixineed oo la yaqaano oo qeexaan , waxa kale oo degmooyinkaa ka codeeyay doorashadii ugu danbaysay 2017 mid walba cod ka badan 10 kun oo qof.

Sidaas oo ay tahay 20 sanadood ee degmooyinkaasi jireen waxaa maqan xaquuqdoodii degmanimo ee degmooyinkaasi lahaayeen , haday tahay ansixinta degmo nimo , samaynta darajadda rasmiga ah , mashaariicdii degmo nimo iyo qiimayntii wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidaa markay tahay , ma jirro fashil ka wayn oo soo wajihi lahaa wasaaradda arrimaha gudaha oo ka wayn in ay 20 sanadood soo qiimayn kari wayday degmooyinkaa daldalan rubuc qarniga.

Maxaa yeelay 20 sanadood waa muddo laggu diri karayay dayax gacmeed haddii shaqadiisa la bilaabo ama hadii badaha loo jeesto patrol lagga soo saari lahaa.

Sidaa awgeed , iyadoo fashiladda wasaaradda arrimaha gudaha ee ku saabsan qiimayn la’aanta degmooyinkaa ku gaboobay qiimayn la’aanta ay weheliso waajib gudasho la’aanta Golaha wakiiladda , waxaan usoo jeedin lahaa Madaxwaynaha in uu degmooyinka daldalan baab’iyo kol hadii qaranku tahli waayay in uu qiimayntooda diyaariyo.