Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii? (W.Q. Nuur Xaaji Xiiray)

Hadafka xarakaadku wuxu ahaa in ay khilaafadii Islaamka soo celiyan ama dhisaan mujtamac islami ah laakiin labadaba way ku guuldaraysteen.  Maaha macneheedu dhinac walba way ku dhaceen. Waxay ku guulaysteen in ay ashkhaas islami ah dhisaan, qoysas islami ah dhisaan isla markaan abuuraan baraarug guud.

Laakiin hadafkoodii ugu waynaa way guuldaraysteen kaas oo ahaa Khilaafo (maamul) Islaami  in ay soo celiyaan ama mujtamac Islaami ah abuuran. Tusaale, mar baa dagaalladii islaamka dhawr saxaabi aad loo dhaawacay. Biyo  ayaa  loo keenay, mid walba walaalkay siiya isagaa iga daran eh ayuu yidhi, ilaa ay wada geeriyoodeen. Xarakaadka Islaamigu way ku dhaceen in ay abuuraan dadka sidaa nafta isugu huraaya.

Haddaba markii aan in badan ka fikiray sababta ay ugu guul-daraysteen hadafkoodii waynaa waxaan ka gayn waayay  in la badhxay  (infiltration  lagu sameeyay), dad lagu dhex beeray, dadkaas oo xarakaadkii majarohabaabiyay.

Mar baa Abuubakar iyo Cumar siyaarteen islaan ay Rasuulka (scw) wada siyaaran jireen. Markii ay aragtay ayay oyday. Waxay waydiiyeen sababta ay u oyday. Waxay tidhi waxyiga go’ay ayaan u ooyayaa. Iyagiina way la ooyeen sababtoo ah dadka waxyiga ayaa kala saari jiray muumin iyo munaafaq, maanta  waa la isku dhex darsamay, cid kala saaraysaana ma jirto.

Duqsi, nin siyaasi ah oo dhintay alla ha unaxriistee, ayaa daraaseeyay wadaaddada. Isaga oo  maalin dadka khayriyada kala halaya ayuu yidhi “kuwana waxba idiin ma soo wadaan (wadaaddadu). Hadalkiisa maalintaa waan la yabbanaa laakiin maanta ayaan ugraabay.

Maalin kale waxaan ka qaybgalay shir lagu magacaabay aqoonyahanka. Shirkaa waxa kalmad ka yidhi Sh. Ibraahim  Sh. Yuusuf Sh. Madar Alle ha u naxariisto’e. Wuxu yidhi “cidina uma maqna ceelna uma qodna shacabkan.”

Waxa kale oo ay noloshu i bartay in kuwan wadaaddada sheegta intooda badan cid iska leedahay oo loo yeedhiyo, lana kiciyo lana fadhiisiyo. Iska daa in ay cid xoreeyaan eh iyaga ayaa u baahan in la xoreeyo. Waranluhuna kaba daran. Markaa waxa dadka lagu dawakhinayaa riwaayad uu midiba dhinac ka metelayo.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa hadalkayga, nin walba oo ummadda wax u qaban karaa inuu dhinaciisa ka kaco oo fongortiisa awdo.

Allaa mahad leh.

Hoos ka akhri maqaallo kale oo uu qoray Nuur Xaaji Xiiray :

Life is three days!

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

 

nur.hersi21@gmail.com