Xisbiga Kulmiye kasoo bax,Waddani ayaa ku daahirinayee! (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

Waagii baryaaba waayo leh, aroor kasta oo aad soo toostana waxa aad arkaysaa war iyo wacaal iyo wax kugu cusub oo ku yaab galiya, layaabi maayo oo nolosha oo dhan ayaa qaabkaas Illaahay ugu tala-galay.

Siyaasadu waa jidka iyo majaraha loogu tala galay in dadka iyo dalkaba lagu hagaajiyo, waxkasta oo ka qaldana lagu saxo, siyaasiguna oo haggaha iyo hoggaamiyaha isteerinka u haya siyaasada markaasi uu waddanku ku jiro.

Xisbiga muuxaafidka ah markasta waxa uu u taagan yahay, in dadka iyo dalka uu taladooda hayo uu u jiheeyo hadba halka uu isleeyahay waxa ay ku gaadhayaan horumar la taaban karo, maalinba maalinta ka danbaysana waxa loogu tala-galay in uu jaangooyo iyo jid cusub oo horumarineed uu jeexo.

Xisbiyada Mucaaridka ah waxa ay shaqadoodu tahay, ku hagista xukuumadda hadba halka ay ka liicsan tahay ama ay ka liidato, waxa kale oo ay xaq iyo xuquuq u leeyihiin xisbiyada mucaridka ahi in ay dawladda markaasi jirta ay kula tartamaan xiliyada doorashada iyaga oo dadka u soo bandhigaaya waxa ay kaga duwan yihiin dawladda markaasi jirta oo la taaban karo.

Haddaba waxa maanta dalkii ka jira, waxyaabahaasi aynu soo sheegnay wax ka gadisan ama aan u dhawaynba, taasi oo ku tusinaysa in aanay wali dadku u bislaan xisbiyada qaranka iyo waxa ay qabtaan ama loogu talagalay.

Waxa aan halkan idiinku haya qiso aad u layaab badan oo ka dhex dhacday laba qof oo dhallinyaro ah, kuna balansanaa in ay qoys xalaala ay wada abuuraan, taladii arrintaasi ay ku gorfoynayeen oo meel fiican u maraysa, ayaa waxa soo kala dhex galay muranka labada Xisbi waa Kulmiye iyo Waddani.

Waa nin dhallinyaro ah oo si aan gabasho lahayn u taageera Xisbiga Mucaridka ah ee Waddani, waa nin ku caan ah hadal tirada faraha badan ee ay dhallinyaradu xiliga siyaasada ay ku kaftamaan, waana nin yaqaana abbaarka iyo halka la iska weeraro xiliyada ololahu ay soo dhaw yihiin.

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu agtiisa yahay sayid karaamo iyo sharaf ka leh, waxba kuma aha in uu gacanta ku saaro haddii aad hoggaamiyahiisa wax ka sheegto, shaqo iyo shaxaad waxa uu kusoo helaba waxa uu ku bixiyaa xisbiga, haddii maanta looga baahdo in uu shubo dhiig xisbiga loogu yaboohaayo waa ninka u horeeya.

Wakhtiga ugu badan waxa uu ku qaata, raadinta iyo u kuurgalka arrimaha Xisbiga Waddani iyo kolba wixii kusoo biiray, ma jecla in uu markaliya maqli hoos u dhac ku yimaada siyaasada xisbiga uu taageeraayo ee Waddani, hadii cidi uga sheekaysana dhagaha ayuu ka furaystaa.

Gabadhuna maaha mid ka liidata, si kale kuma garatide, waa mid samada laga soo hindhisay, astaanta iyo calanka Kulmiye waxa ay u taqaana wax Muqadas ah, ma jecla agteeda in lagu waxyeeleeyo ama lagu soo hadal qaado iyada oo dhaliil loogu jeedinaayo xisbiga Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye iyo hoggaamiyayashooda waxa ay u haysataa sidii Saxabadii Rasuulka csw, kaba sii darane Muuse Biixina waxa uu u taagan yahay halkii Cumar Binu Khadaab, wakhtigeeda inta badan waxa ay ku lumisaa hadal haynta iyo u hiilinta Xisbigaasi Kulmiye.

Marka ay wax ka sheeegayso Xisbiga Waddani iyo Guddoomiyahiisa, biyo uma kabato, waxa ay Cabdiraxmaan Cirro u taqaanaa fulay xiligii halganka ka muquurtay kagana gabaday xilkii uu Maxamd Siyaad u hayay.

Wegeray ka waawayn, ninka dhallinyarada ahi maaha isaga laftiisu mid hadh u jiidaaya qolada Kulmiye, waxa uu u yaqaana wax-matarayaal, dalkii iyo dadkiiba xaalufiyay, una baahan in sida uga dhakhsaha badan dalka looga qabto.

Marka uu Muuse Biixi Cabdi wax ka sheegaayo, waxa uu ku tilmaamaa dagaal oogo, dhiigya-cab aan taariikh fiican ku lahayn Somaliland, waxa kale oo uu ku tilmaamaa Muuse Biixi nin aan si fiican ugu suntanayn halgankii SNM ama aan qayb libaax ku lahayn halgankaasi.

Haddaba dhallinyarada halkaasi siyaasad ahaan kala taagan, ayaa haddana waxa ka dhexeeya arrin guur iyo in ay reer dhistaan, balse waxa aad arkaysaa in ay jiraan caqabado badan oo aan u suura galinayn in ay ka gun gaadhaan arrintooda qoyska, sababta oo ah waxa ay ku majara habaabeen hirdanka ka dhaxeeya siyaasiyiinta aan dantooda wadin.

Taasi waxa ay keentay in labadii qof ee dhallinyarada ahaa ay horumar ka samayn kari waayeen arrimihii ay ku balan sanaayeen, aakhirkiina ay ku danbeeyeen burbur iyo kala shaki ay ka dhaxleen siyaasadii madhalayska ahayd ee ay isla hor-fadhiyeen.

Waa ay adag tahay haddii aad maanta dhallinta waddanka qaar ka mida aad waydiiso, sababta ku kaliftay in uu Mucaarid noqdaan ama uu muxaafid noqdaan, waxa kaliya oo laga yabaa in ay ku tusiyaan in midkastaaba uu tageero mid uu iska jeclaystay ama iska caashaqay sabab la’aan.

Waxa fiicnaan lahayn in dhallinyaradu ay xisbiyada ku doortaan wax intaasi ka wayn, waa laga fiican yahay hebel ayaa sidaa ahaan jiray iyo guddoomiye hebel ayaa taariikhdiisu ay sidaasi ahayd.

Waxkasta waxa ka muhiimsan in la iswaydiiyo maanta maxay ayuu xisbigani dalka u qabtay barise maxay ayuu qabanayaa, waxa kale oo iyana meesha ku jirta in la iswadiiyo xisbiyada mucaaridka ahi maxay ayay dalka u qabanayaan haddii ay bari xukunka qabsadaan.

Wali anigu maan arag Xisbi mucarid ah oo qorshe siyaasadeed oo dhab ah la yimi, sidoo kale xukuumadda lafteedu waxa aad dareemaysaa in ay wakhtigeedii ugu badnaa ay ku lumisay wax ka sheega xisbiyada mucaaridka gaar ahaan xisbiga Waddani.

Waxaan idin kula talin lahaa dhallin-yarow, yaanu wakhti aad u badani idinkaga lumin siyaasada aan lahayn ujeedada iyo hadafka saxa ah ee Adduunka laga yaqaano, waxa muhiim ah in aynu xisbiga ku doorano hadba inta uu leeg-yahay waxqabadkiisa dalku.

Waxyaabaha kale ee aan rabo in aan qoraalkan kaga hadlo ayaa isaguna waxa uu yahay, waxa aan rabaa in aynu qiimayn ku samayno ninka dalka wax u qabanaaya iyo kan wax mataraha ah ee xilkii uu hayay ku saaqiday.

Waxaa ii muuqata in siyaasiyiintii ay fahmeen dadkii, oo aan ku dooranayn wax ujeedo ah taas waxa aan ku caday nayaa, dhawaan waxa aan arkay guruub kasoo firdhaday Xisbiga Kulmiye, kuwaasi oo naflacaaridkii  soo galay Xisbigay Waddani.

Xiligii ay xisbiga Kulmiye ku jireen madaxda Xisbiga Waddani waxa ay nimankan u yaqaaneen wax ma tarayaan, waxa kale oo ay u yaqaaneen xaraan quutayaashi dadka iyo dalkaba baabiiyay, balse markii ay Kulmiye kasoo baxeen ee ay Waddani soo galeen waxa ay noqdoon Xalaal miirad, taasi waxa ay ku tusinaysaa in aanay jirin ama ay inaga maqan tahay qiimaynta qofka iyo waxa aynu ku dooranayno.

Waxaana ii muuqatay in haddii maanta uu Muuse Biixi soo galo xisbiga Waddani in dhammaan loo sarakacayo, noqonayana halyay iyo hoggaamiye dhab ah, taas badalkeedana haddii Mudane Cabdiraxmaan Cirro uu maanta ku biiro xisbiga Kulmiye isna sidaasoo kale waxa loo aqoonsanayaa halyay qaran.

Xisbiga kale ninkiisa la xun ma waxa uu daahir noqdaa marka uu xisbiga kasoo horjeeda uu ku biiro. Kulmiye kasoo bax, Waddani baa ku daahirinayee,Waddani kasoo bax Kulmiyaa ku dahirinayee, maa jirto ujeedo iyo hadaf waxna lagu doorto waxna lagu diidaa.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar