Dadka Jamhuuriyadda Somaliland waxaay si baaxad wayn ugu codeeyeen aftidii loo qaaday sanadkii 2001-dii dastuurka JSL. Dhamaan shuruucda iyo siyaasadaha oo dhan waxa waajib ah inay hoos yimaadaan oo ay waafaqsan yihiin dastuurka. Iyada oo xisbiga Waddani uu u aqoosan yahay mabaadida dastuuriga ah inay yihiin kuwo muhiim ah oo udub dhexaad ah, wuxuu halkan ku cadaynaya mawqifka dawladda Waddani ay ka yeelan doonto warbaahinta.
Tan iyo markii lagu dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland, waxa jiray khilaaf ka dhexeeyay dawladihii kala duwanaa iyo warbaahinta soo koraysa ee dalka. Inkasta oo la qaaday talaabooyin isadaba joog ah oo looga gol lahaa in loogu maaro helo dhibaatada, hadana wax xal ah oo kama danbays ah lama gaadhin. Gal-daloolada u wayn ee dadaaladaasi ay lahaayeen waxaay tahay inay ku guuldaraysteen inay wajahaan asalka dhibaatadu ka imanayso. Dhinac waxa ka jira dastuur si mug wayn u damaanad qaaday xorriyadda warbaahinta iyo xorriyada hadalka guud ahaan. Dhinaca kalena waxa jira dhaqankii iyo shuruucdii uu ka tegay taliskii Maxamed Siyaad Barre oo weli lagu dhaqmo.
Isku dhaca ka dhexeeya mabaadida dastuuriga ah ee ku sallaysan halbeegyada dimoqraadiga ah ee caalamiga ah iyo isticmaalka la dhaqangelinayo xeerarka gaboobay waxaay caqabad wayn ku yihiin horumarka warbaahinta. Suxufiyiin ayaa la xidhay marar badan, qaarna waxa lagu soo oogay dacwado ciqaab ah iyada oo la raacayo Xeerka Ciqaabta. Goobo warbaahineed ayaa la xidhay kuwo kalena mudo aan cayinayn ayaa la xayiray. Falalka caynkaasi ahi kuma aha oo keliya tacaddi xuquuqda iyo xorriyaadka suxufiyiinta, ee sidoo kale waxaay waxyeelo u gaysteen sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee ahi nay tahay dal ay ka jirto dimoqraadiyadi.
Xeerka Saxaafadda (Xeer Lr. 27/2004) ee hada jira kama hadlo idaacadaha, telefiishanada iyo warbaahinta interneetka ah (online media). Gaabiska caynkaas ah ee Xeerku leeyahay waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waa wayn ee jira. Inkasta oo dadka waxna qora waxna akhriyaa ay yar yihiin tiro ahaan, hadana Somaliland waxa ka jira hal idaacad oo ah Idaacadda Hargeysa (Radio Hargeisa). Sidaasdarteed, waxa lagama maarmaan ah in si dhamaystiran loo buuxiyo gal-daloolada sharci ee jira.
Waxa sidoo kale jira walaac aan la dafiri karin oo ku saabsan anshaxa iyo xirfadda qaar ka mid ah suxufiyiinta. Ma jirto hal jaamacad oo dhigta culuumta saxaafadda. Tabo-barada mudo kooban ah ee ay bixiyaan hayโadaha qaar waxa ka batay baahida balaadhan ee ay keentay dhaqanka dimoqraadiga ah ee Somaliland. Intaas waxa dheer inaanay jirin habab qoran ama rasmi ah oo ciddii wax tirsanaysaa ay kaga caban karto suxufiyiinta.
Xisbiga Waddani isaga oo ogsoon cakirnaanta arinka islamarkaana ay ka goโan tahay in loo helo xal waara, siyaasadda xisbiga Waddani waa in loo wajaho arimahan hanaan sal balaadhan oo wax lagaga qabto caqabadaha kor ku xusan. Sidaasdarteed, dawladda Waddani, marka la doorto, waxaay qaadi doontaa talaaboyin ku haboon oo xal lagu gaadho. Kuwaas oo lagu sallayn doono hanaan wada tashi loo dhan yahay oo daah-furan ah oo ay ka wada qayb qaataan dhamaan daneeyayaashu; warbaahinta iyo suxufiyiinta, aqoonyahanka, dadka u dooda xuquuqda suxufiyiinta, bulshada rayidka ah, ganacsatada reer Somaliland, dadwaynaha iyo daneeyayaasha caalamiga ah iyo sidoo kale laamaha dawladda. Sida hore loogaga dhawaaqay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani yeeshay 19-21 October 2016, islamarkaana lagu cadeeyey Barnaamijka Xisbiga, Waddani wuxuu goโaansaday in ciqaabta laga daayo dacwadaha warbaahinta oo lagu dhaqo xeerka madaniga ah. Iyada oo laga duulayo hanaanka wada tashiga, Waddani wuxuu dooonayaa inuu dejiyo Xeerka War-bahinta (Media Law) oo dhamaystiran oo ay ku jiraan dhamaan arimaha muhiimka u ah warbaahinta oo ay ka mid yihiin hanaan lagu caban karo iyo inuu casriyeeyo bixinta aqoonsiyada (certifications).
Dawladda Waddani waxaay wada shaqayn la yeelan doontaa jaamacadaha dalka si loo abuuro qaybo lagu barto culuumta saxaafadda (journalism faculties). Dawladdu waxaay taageero siin doontaa abuurista qaybahaas, waxaayna dhiirigelin doontaa qaadhaan gudaha ah iyo mid debedeed islamarkaana waxaay u fidinaysaa gacan qabasho buuxda si ay u guulaystaan. Iyada oo maanka lagu hayo caqabadaha dhaqaale ee suxufiyiin iyo warbaahin badan haysta, dawladda Waddani waxaay la shaqayn doontaa dhamaan daneeyayaaha si loo bixiyo deeqo waxbarasho oo loo tartamay oo la siiyo suxufiyiinta shaqeeya ee aan iska bixin karin lacagta jaamacadaha (university fees).
__________________________________
Md. Cabdirashiid Maxamed Aadam (Jeeni)
Ku-xigeenka Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani