Waxtarkiisu waa waxyeelo iyo wadne cadaad, haddaad tidhaa dabkaa igu soo dhaji waa habeenkii xaley ahaa oo tagey in uu kugu soo dhajiyo, caajiska iyo caga jiidnimadu waa u caado, daandaansiga iyo damacuna waa dabeecadihiisa lagu yaqiin, afxumada iyo gacan ka hadelkuna way ka horeeyaan. Danihiisa intuu yaraa waa loo raaci jirey imakana raaco baa loogu taaglaayahey, Abadan!, hooyadii waxay intaa naawileysay in uu sidan mar uun dhaami doono.
Nimaad dhashey kuma dhalin. Waalidku ina jecelaa inaguna dhib iyo dhago adeyg badaninaa, watii la odhan jirey:
“Midi saawira iyo madax muuqda midna lagama quusto”
Rajada samaha iyo yididiiladu ka buuxdo ayaa la taraarey Hooyo Baxsan.
Waxa uu aad uga helaa in goor iyo ayaan wax kasta loo soo diyaariyo waliba cuntada iyo cabitaanka, abateedkiisuna waa maasha allah. Sheekadiisu waa Yaa waxuun cuna oon waxbaba qaban. cid alla cid uu ammaan iyo abaal toona ugu hayaan majirto hawsha loo hayo hadh iyo habeen, far haddaad saartidna shantuu ku saarayaa, xoogana xamaal ayaad moodaa.
Dugsiga markuu tago waxa aan rabshad iyo dhibaato aheyn lagama dheefo, waalidkii waa u dacwad iyo hadal joogto ah, isagana waa u dagaal iyo nabaro noloshiisa qeyb ka noqdey, Wadna-qabad imika waa nin weyn oo dugsi sare sii gabagabeynaya, waxa laga rajeynayaa in uu jaamacad bilaabo si uu hadhawto naftiisa uun wax ugu tari lahaa.
Kala war la,aa isna tu habaar qabto ah oo aan loo soo duceyn ayey ku heshiiyeen guur, oo haddii loosoo duceeyay ma Wadna-qabad bey u soo dhawaan laheyd? Guurkiisii cidna kama farxin aan ka aheyn hooyadii Baxsan oo iyadu aan ka quusan marnaba, laga shaqee oo reer loo dhis balse yaa u hayn dee?!! Waagu markuu baryo iyo gabalku markuu dhacaba buuqa iyo qeylada kama danto gurigiisa, gabadhiina goor aan habeena aheyn maalina aheyn bay ka huleeshay markuu lafaheeda u dili gaadhey.
Isagiina khayr muu soo sidine maalinkii danbe nin dhawr kalmadood dhex mareen ayuu abley sudhey, si ula kas ah, dabadeedna xagaa iyo xabsi daa,in.
Qalinkii: Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”
hibafaakhir@gmail.com