𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐢𝐠𝐮𝐛𝐚𝐝𝐥𝐞 𝐞𝐞 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐡𝐚𝐰𝐝 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐚𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐚𝐝𝐤𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚.

Waxa shirkan goob joog ka ahaa Badhasaab ku xigeenka gobolka Hawd Khadar Muuse Axmed, Xoghayaha Gobolka Hawd Maxamed Faarax Sugaal ,maayirka degmada Baligubadle Maxamed Cabdi Muxumed (Shiine),Xoghaha Fulinta Dawladda Hoose ee degmada Baligubadle Saalax Muxumed Idiris iyo Taliyaha qaybta Ciidanka Booliska ee gobolka Hawd Cabdilaahi Xasan Maxamed.

 

Waxa iyaguna shirkan kasoo qayb galay maamulka degmooyinka kala duwan ee gobolka Hawd, waxaana intii shirku socday lagaga hadlay qoddobo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen adkaynta nabadgelyadda gobolka Hawd, dardar gelinta iyo midaynta cashuuraha degmooyinka gobolka Hawd.

 

Waxa ugu horayn halkaas ka hadlay Taliyaha qaybta Booliska gobolka Hawd Cabdilaahi Xasan Maxamed, waxaanu tilmaamay in ay wanaagsan tahay nabadgelyadda degmooyinka kala duwan ee gobolka Hawd.

 

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xubno kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Hawd, waxaanay cadeeyeen in nabadgelyadda degmooyinka gobolka Hawd ay meel wanaagsan marayso, wax dhibaato ahina aanay jirin.

 

Maayirka degmada Baligubadle Maxamed Cabdi Muxumed (Shiine),Xoghayaha gobolka Hawd Maxamed Faarax Sugaal ,Xoghayaha Gulinta dawladda hoose ee degmada Baligubadle Saalax Muxumed Idirisi iyo Badhasaab ku xigeenka gobolka Hawd Khadar Muuse Axmed oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in shirkoodani ku saabsanaa ,sidii laysaga waraysan lahaa xaaladda nabadgelyo ee gobolka Hawd,waxaanay cadeeyeen in xaaladda nabadgelyo ee gobolkaasi ay tahay mid aad u wanaagsan oo aanay wax dhibaato ahi ka jirin.