๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—๐—ฆ๐—Ÿ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐˜† ๐—ฆ๐˜‚๐˜‚๐—พ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ท๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฒ

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa ka hadlay dabka ka kacay suuqa degmada Wajaale.

Wasiir Saleebaan wuxuu sheegay in dabkaas oo bilaabmay 8:00 fiidnimo uu socdo ilaa 12:00 habeenimo, la qiyaasi karayo khasaaraha uu geysan karo.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in Xukuumadda Somaliland ay hore qorshe magaalo (master plan) ugu samaysay Wajaale isla markaana ay ka hirgelisay adeegga debdamiska. Waxaanu dadka hantidoodu ku gubatay suuqaas uu Ilaahay uga baryay inuu cawil celin ka siiyo.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in xukuumaddu si mug leh gurmad uga bilowday lagu bakhtiinayo dadbkaasi, wuxuuna xusay in debdamiska magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Boorama ay u gurmadeen bakhtiinta dabkaa.

Wasiir Saleebaan wuxuu si ballaadhan ugu mahadceliyay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo markiiba u soo gurmatay Wajaale, iyadoo uu gurmadkooda hoggaaminayo Hoggaanka nabadgelyada ahna ku simaha madaxweynaha Dayib oo horkacayey debdamiska Jigjiga.

Sidoo kale, wuxuu Wasiirka Warfaafintu intaas ku daray in masuuliyiinta Xukuumaddu u xaqiiyeen in dabkaas la xakameeyay, iyadoo la midaynayo hawsha daminta dabkaas.

Wasiirka Saleebaan wuxuu sheegay in halista dabku ay ku soo noqnoqotay suuqyada Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidaba.

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in gurmadkaas ay ka qayb ka yihiin wasiirro iyo badhasaabyada saddexda gobol ee Awdal, Maroodijeex iyo Gabiley.