11 sarkaal oo bilayska Bujumbura ah ayaa ku dhaawacmay weerar bambo-gacmeed ah

Dalka Burundi waxa ka socda wax u ifafaalo eg dhacdooyinkii Soomaaliya ka dhacayey dhammaadkii sideemaadkii kuwaas oo markii dambena sababay in xukuumaddii Siyaad Bare afka u dhacdo.

Mudaharaadyo rabshado wata ayaa in muddo ah ka dhacayey magaalo-madaxda Bujumbura, kuwaas oo lagaga soo horjeedo in Madaxweyne Nkurunziza uu mar saddexaad isku soo sharaxo xilka madaxweynenimo.

Saraakiil boolis ah ayaa soo werinaya in 11 boolis ahi ku dhaawacmeen weerar bambo-gacmeed oo lala beegsaday Sabtidii saldhig bilays oo ku yaala Bujumbura.

Markii uu weerarku dhacay waxa magaalo-madaxda laga maqlayey rasaas iyo qaraxyo kala duwan oo cabsi ku beeray dadweynaha halkaas deggan.

Weerarka ayaa ka dhacay degmo ay ka socdeen mudaharaaddo lagaga soo horjeedo is-sharaxaadda Madaxweyne Nkurunziza.

Booliska ayaa weerarradan ku dhaleeceeyey mucaaridka dalkaas, sida uu soo werinayo sarkaal ka tirsan ciidamada Burundi oo aan la magac-dhabin.

Ururada xuquuqal insaanka ayaa sheegay in 70 qof ku dhinteen, 500 qofna ku dhaawacmeen isla markaana in ka badan 100,000 ay barakaceen tan iyo intii mudaharaaddadu ka bilaabmeenka Bujumbura April 2015.

Mudaharaad Burundi rabshad

Mucaaridka Burundi iyo ururrada xuquuqda aadamaha ayaa ku doodaya in musharaxnimada uu Madaxweyne Nkurunziza mar saddexaad isu soo taagay jagada madaxweynenimo ay xadgudub ku tahay dastuurka dalkaas iyo heshiiskii nabadda ee 2006dii lagu soo gebogebeeyey dagaalladii sokeeye ee socday 13-ka sanno.

Maxkamadda sare ee Burundi ayaa Nkrunziza u ogolaatay in uu mar saddexaad isa soo sharaxo, iyadoo maxkamaddu ku go’aankeeda ku sababaysay in Madaxweynaha ay dadweynuhu soo doorteen hal mar oo kaliya, markii horese ay doorteen baarlamaanka taas oo aan loo tirinayn, sidaas daraadeedna ay markani noqonayso doorkiisii labaad ee ay dadku doortaan.

Lama hubo in doorashooyinka baarlamaanka ee la qoondeeyey in ay dhacaan 29-ka Juun ay qabsoomi doonaan maadaama ay mucaaridku shuruudo adag ku xidheen ka-qayb-qaadashadooda.

Bandhige@gmail.com
.