Wasiir Samsam waxa ay isku shaandhayn ku samaysay qaar ka mid ah madaxda kastamada

Wasiirradda Wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan ayaa isku bedel ku samaysay qaar ka mid ah madaxda kastamadda dalka, sida ka muuqata dikreeto soo baxday Sabtidii.

Sahal Cabdillaahi Aadan oo ka tirsanaan jiray Xarunta Waaxda Kastamada wuxu hadda wixii ka dambeeya ahaanayaa Maamulaha Kastamka Cashuuraha ee Madaarka Cigaal, Hargeysa.

Maamulihii hore ee Kastamka Madaarka Hargeysa, Saleebaan Maxamed Maxamuud, wuxu noqonayaa Isu-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Togdheer.

Dhanka kale, Wasiir Samsam waxa ay laba bilood ka hor xilkii ka qaadday maamulihii Kastamka Abaarso.

Xidhiidho aan la samaynay Wasaaradda Maaliyadda waxay noo sheegeen in isku-shaandhayntan lagu samaynayo madaxda Wasaaradda Maaliyadda ay Wasiirku uga gol leedahay dardargelinta dakhliga dalka.

Bandhige@gmail.com