Tartankii Koobka Ramadaanta Gobolka Gabiley waxa lagu furay xaflad weyn

Xaflad aad loo weyneeyey oo ay ka qayb galeen Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin, Maayarka Gabiley Mahamed-Amiin Cumar Abdi, Isu-duwaha Wasaaradda Ciyaaraha ee Gobolka Gabiley Siciid Saleebaan Muumin iyo Badhasaab-Xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdillaahi “Cali-Cadde” ayaa lagu ibo-furay Koobkii Ramadaanta ee Gobolka Gabiley.

Maayarka, Wasiirka iyo dhammaan madaxdii munaasibadda ka hadashay waxa ay mahadnaq u jeediyeen Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo agab-ciyaareed muhiim ah u dirtay gobolka. Waxayna sheegeen in xukuumadda ay ka go’an tahay in ay kor u qaaddo ciyaaraha gobolka Gabiley.

Waxa xafladda furitaanka bilic ku sii kordhiyey kooxda baanboyda oo ku furay heesta calanka Somaliland iyadoo markii ay jiibta iyo jaanta isla heleen ay u riyaaqeen dadweyne badan oo sugayey in ay daawadaan ciyaarta koowaad, kuwaas oo kala taageersanaa labada kooxood ee lagu bilaabay.

Ciyaaraha ayaa ku bilaabmay jawi deggan haddana ay ku dheehan tahay xamaasad iyo xiise ciyaareed.

bandhige@gmail.com