22 ayaa ku qudh-baxay kadib markii la qarxiyey aroos ka dhacayey Suuriya

 

Goob farxadeed oo aroos lagaga tumayey ayaa mar kaliya isku bedeshay masiibo aadamanimo kadib  markii lala beegsaday qarax ba’an kaas oo galaaftay 22 ka mid ah dadkii arooska ka soo qayb-galay tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Aroosku wuxu ka socday magaalada Hasaka ee ku taalla gobolka ay dagaan Kurdidu. Xukuumadda Suuriya ayaa qaraxan ku eedaysay kooxda mayalka adag ee ISIS hase ahaatee waxaan caddayn qaabka uu qaraxu u dhacay iyo waxa loo adeegsaday.

Wararka qaar waxay sheegayaan in walax qarxaysa lagu sii rikibay xaruntii aroosku ka dhacay halka ay kuwo kale sheegayaan in laba qof oo naftooda huray ay madasha ka hillaaceen.

Arooskii iyo aroosaddii ayaa lagu soo warramayaa in ay ka badbaadeen masiibadan.

Dhacdadan ayaa aad uga argagixisay dadweynaha Suuriya iyadoo ay tahay markii ugu horraysay ee aroos ay beegsadaan kooxaha ka dagaalama Suuriya. 21-kii bishii sideedaad ee sannadkan ayaa ISIS  qarxiyeen aroos ka dhacayey Turkiga meel u dhaw xadka suuriya kaas oo ay ku naf waayeen 30 ka mid ah martidii aroosku.

Waxa haatan laga werwer qabaa in aroosyadu ku soo biireen goobaha bar-tilmaameedka u ah ISIS.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige News

Bandhige@gmail.com