Clinton oo mar labaad ka jiidatay Donald Trump

 

Haweenayda u sharaxan xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton ayaa mar labaad ka goosatay dhiggeeda u sharaxan xisbiga Jamhuuriga Donald Trump iyadoo sahan telefishanka CNN ka qaaday dadweynaha uu muujiyey in ay dheer tahay shan dhibcood ama 5% marka la eego tirada dadka isku diwaangelisay in ay codeeyaan.

Dhawaan ayaa rajada Donad Trump ay kor u kacday isaga oo Clinton xoog ugu soo dhawaaday mararka qaarna la weriyey in ay dhibco isku mid ah haystaan. Sababta hoos-u-dhaca Clinton ayaa wakhtigaas lagu sheegay in ay ahayd iyadoo laba jeer ku xanuusatay fagaare warbaahintu joogtay taas oo keentay in dad badan oo Maraykan ahi ay shaki ka qaadaan caafimaadkeeda.

Hase ahaatee waxa wax badan u taray dooddii ay 4-tii September la gashay Donald Trump taas oo la isku raacay in ay iyadu si weyn uga gacan sarraysay odayga la tartamaya oo aan lagu ogayn khibrad badan oo siyaasadeed.

Marka la eego wakhtigii doorashada oo ay ka hadhay bil iyo afar maalmood, dadka siyaasadda faalleeyaa waxay leeyihiin waa ay adag tahay in uu Trump ka soo kabto shan dhibcood. Hase ahaatee wax kasta ayaa dhici karta sida ay sheegayso maahmaada Maraykanka ah ee tidhaa “Hal maalin oo siyaasadda Maraykanka ahi waxay u dhigantaa cimri qof.”

BANDHIGE NEWS