Warbixin: Saamaynta saaxiibbadu ku leeyihiin caafimaadka

 

Waa muhiim in aad yeelato saaxiibbo noloshaada qaali ku ah oo aad isku hallayn karto. Maaha oo kali ah in saaxiibbadu nolosha adaygeeda kaa caawinayaan laakiin waxay saamayn weyn ku leeyihiin caafimaadka iyo samo-ku-noolaanshaha. Waxay hoos u dhigaan fursadda aad ku qaadi karto dhiig-karka, qulubka iyo isku-buuqa iyo waliba naaxidda ama cayilka aan caafimaadka u wanaagsanayn.

Sida uu faafiyey cusbitaalka caalamiga ah ee Mayo Clinic oo ka mid ah hay’adaha ugu caansan faafinta caafimaadka bulshada, saaxiibbadu waxay leeyihiin faa’iidooyin la taaban karo oo dhinaca caafimaadka ah. Warbixinta cusbitaalku waxay tibaaxday in ay kala cimri dheer yihiin dadka bulshada dhex gala ee saaxiibbada wanaagsan leh iyo dadka soolanaha u nool ee oodantida leh.

“Saaxiibbada wanaagsani waxay sii ballaadhiyaan farxaddaada, waxayna hoos u dhigaan murugada. Waxay kor u qaadaan kalsoonidaada adigoo aaminaya in aad haysato cid aad ka tirsan tahay oo kuu soo gurman karta ama kula qaybsan karta dhib iyo farxadba. Maalmaha ay kugu ciirsan tahay, iyaga ayaad ka heli kartaa mashquulinta iyo maaweelada naftu u baahan tahay si aad qulub uga badbaado. Sidoo kale waxay ka qayb-qaataan in aad ka gududbto haddii aad leedahay hab-dhaqanno aan wanaagsanayn sida cabidda sigaarka iyo jimicsi-la’aanta. Sidaas daraadeed ha seegin in aad kasbato saaxiibbo wacan.”

Daraasaddu waxay intaa ku dartay in la ogaaday in wakhtiyada ay dadku ugu farxadda badan yihiin ay ka mid tahay marka ay wada joogaan saaxiibo ay isku kalsoon yihiin ama is sheeko yaqaanaan. Waxa kale oo ay sheegtay in loo baahan yahay in qof kastaa wakhti geliyo sidii uu u kala xulan lahaa saaxiibbada, ugalana soo bixi lahaa kuwo la isku hallayn karo oo aan dhallanteed ahayn.

“Maadaama farxadda laga helo saaxiibnimadu ay caafimaadka kor u qaaddo, way u qalantaa in aad wakhti geliso xulashada saaxiib wacan. Ogsoonow muhiimaddu maaha in aad tiro badan oo saaxiibbo ah lahaato laakiin waa in aad saaxiibbo tayo leh lahaato.”

Hase ahaatee cusbitaalka Mayo wuxu xusay in ay marar badan adag tahay sidii aad ku heli lahayd saaxiib wanaagsan oo aad si dhab ah ugu kalsoonaan karto ama saaxiib noloshaada ku yeelan kara saamayn togan sababtuna ay tahay mashquulka faraha badan iyo danaha dadka oo kala duwanaada marka ay da’doodu kor u kacdo.

La soco qaybta dambe si aad u ogaato astaamaha aad ku garan karto saaxiibbada kugu habboon iyo sida aad u kasban karto.

Waxa turjumay soona koobay Bahda Bandhige

saaxiibo-kasbo