55-guurada xorriyadda Somaliland oo si weyn loo xusay

55 sanno oo gaw ah ayaa ka soo wareegay maalintii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska ee uu Timacadde-na yidhi “kaana siib, kanna saar.”

26-kii June 1960 abaaro 12.00 AM waxa hoos loo jiiday calankii Ingiriiska, waxana kor loo jiiday calankii buluugga ahaa ee Somaliland, kaas oo hadda looga guuray Soomaaliya. Waxa halkaas lagu soo gunaanaday ku dhawaad 80 sanno oo ay Somaliland maxmiyad u ahayd Boqortooyada Ingiriiska.

Sillaanyo xuskuu 26 June
Madaxweyne Siilaanyo waxa xuska 26-ka June kala qayb-galay taliyeyaasha ciidamaa Somaliland

Xaflad la weyneeyey ayaa maanta lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland iyadoo uu goob-joog ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxa xiiso gaar ah lahaa in ay xafladda isugu yimaadeen odayaal iyo masuuliyiintii habeenkii ay Somaliland xorriyaddeeda qaadatay kala wareegay Boqortooyadii Ingiriiska.

Waxa ka mid aha DC-gii (Guddomiyihii Deegaanka Somaliland) ee wakhtigaas lagu wareejiyey xornimada Somaliland Cismaan Axmed Xasan “Indhoole”, Xaaji Cabdikariin Xuseen “Cabdi-Waraabe”, Maxamuud Aadan Dheri, Saxardiid Raage, kuwaas oo dhammaantood ka waramay qiimihii iyo dhadhankii xornimadu lahayd, dareenkii, xamaasaddii iyo sidii uu jawigu ahaa habeenkaas habeennada ka tilmaaman.

Sidoo kale waxa xafladdan ka qaybgalay Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cbadi, Guddoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali, Marwada Koowaad ee Qaranka Amina Sheekh Maxamed Jirde, wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

Cismaan Indhoole xuskii 26-ka June
Cismaan Indhoole waa masuulkii 55 sanno ka hor Ingiriiska ka guddoomay xorriyadda

Kooxaha baanboyda ayaa muusig aad loo xiiseeyey iyo heesta calanka ee Somaliland madasha ka qaaday iyagoo si qurux badan u garaacayey durbaannadoodii jiibta iyo jaanta si wacan iskula helaya.
In kastoo 26-ka Juun ay Somaliland u tahay farxad, waxa ayaan-darro ahayd in ay xornimadaasi ay jirtay 5-maalmood oo kali ah. Waxa foodda innagu haysa 1-da July oo Somaliland uga dhigan maalin murugo- maalintii aynu xorriyaddeena shuruud la’aan Soomaaliya gacanta uga gelinay.

26-ka Juun
Ka bilaw bidix: Cismaan Indhoole, Xaaji Cabdi Waraabe iyo Maxamuud Aadan Dheri oo ka mid ah masuuliyiintii Ingiriiska xoriyadda ka guddoontay 1960

Bandhige@gmail.com