717 xujaaj ah oo ku dhimatay xajka

Ugu yaraan 717 qof ayaa ku dhimatay xajka ka dib markii xujaajtu ay is jiidheen isna cidhiidhiyeen, halka 863 kalena ku dhawaacmeen sida ay xaqiijinayaan saraakiil ka tirsan Boqortooyada Sucuudigu.

Is-jiidhkan xajka ayaa ka dhacay Mina halkaas oo xujaajtu dhagax-tuurka samaynayeen.

Shaqaalaha gurmadka ayaa ku hawllan sidii ay badbaadin lahaayeen dhaawaca, una guri lahaayeen xujaajta dhimatay.

Sannadka ayaa waxa xajka gudanaya ku dhawaad laba milyan oo qof.

Maaha markii ugu horeysay ee dhibaatadani dhacdo, laakiin waa tii ugu weynayd ee soo marta xajka tan iyo 1990-kii markaas oo ay xajka ku dhinteen 1400 oo qof.

Boqorka Sucuudiga Boqor Maxamed Bin Nayef ayaa amray in degdeg loo baadho waxa sababay dhacdan, waxaanu tacsi u diray qaraabada xujaajta dhimatay oo aan wali si sugan loo garanayn waddamada ay u kala dhasheen.

 

xajka 44

xaj66 xaj77

bandhige@gmail.com