𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗱𝗵𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗴𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗲 𝗲𝗲 𝘅𝗶𝘀𝗯𝗶𝗴𝗮 𝗞𝗨𝗟𝗠𝗜𝗬𝗘 𝗼𝗼 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗻 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝘂𝗿𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝘅𝗶𝗶𝗻 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝘂𝘅𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻 𝗟𝗮𝗴𝘂 𝗗𝗼𝗼𝗿𝘁𝗮𝘆.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo xidhay shirkii siddeedaad ee golaha dhexe ee KULMIYE oo maanta lagu doortay hoggaan cusub iyo murrashax madaxweyne iyo kuxigeen oo uu xisbigu yeelan doono.

Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maalintii shalay furmay, islamarkaana ay maanta ku sugnaayeen 152 xubnood, ayaa ugu horrayn lagu ansixiyey soo jeedin ah in xogyaha guud ee xisbiga oo marka hore sharci ahaan ku iman jirey magacaabis haatan wixii ka dambeeya ku iman doona codayn, taas oo ku ansixi doonta shirweynaha xisbiga.

Ugu horraynna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa golaha dhexe hortiisa kusoo gudbiyey istiqaaladda uu kaga tegay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo uu muddo soo hayey, taas oo ay goluhu ka aqbaleen, iyada oo sidoo kale goobta lagu ansixiyey soo jeedin ka timi madaxweynaha oo ku saabsanayd in mujaahid Maxamed Kaahin Axmed uu yahay qofka ugu mudan inay noqoto guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa madasha cod aan kala hadh lahayn ugu doortay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo maanta xilkaas si rasmi ah loogu cumaamaday.

Waxa kale oo shirka lagu doortay jagada guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE oo ay ku tartameen Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), waxana jagadaas ku guulaystay siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo helay 168 cod, halka uu Maxamed Ilkacase ka helay 55-cod, waxana ka aamusay 27 xubnood.

Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa isla shirkan maanta ku doortay murrashaxiinta jagada madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE oo loo kala doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay murrashaxa madaxweyne ee xisbiga, halka wasiir Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) loo doortay murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE.

Xubno xisbiga iyo xukuumadda katirsan oo ay kamid yihiin wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xoghayaha garabka haweenka KULMIYE, Marwo Sahra Saleebaan Cawad, Marwo Amaal xaaji Axmed Miisaan, Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal oo katirsan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo halkaas ka hadlay, ayaa hambalyeeyey shirka golaha dhexe ee xisbiga iyo sida habsamida leh ee uu socdo, waxana ay xuseen in madasha lagu lafo guray hawlo tiro badan oo qayb ka qaadan kara sidii uu xisbigu mar kale guul u gaadhi lahaa.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday guulaha taariikhdii guuluhu ku dheehnaayeen ee xisbigu lahaa, isaga oo intaas ku daray inuu kalsooni badan ku qabo in hoggaanka cusub ee xisbigu yeeshay guulo badan soo kordhin doonaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna shirka ka hadlay, ayaa caddeeyey muhiimadda ay leedahay in hoggaaminta xisbiga dhiig cusub lagu shubo, isaga oo taageerayaasha xisbiga iyo xubnaha kale ee hoggaanka ahba ugaga mahadnaqay sidii xilkasnimada lahayd ee ay ula soo shaqeeyeen muddadii uu hoggaaminayey xisbiga guunka ah ee KULMIYE.

Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo loo doortay kursiga guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, iyo Maxamed Cilmi Aadan oo kula tartamay kurisga oo halkaas ka hadlay, ayaa si ballaadhan ugu mahadnaqay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, waxana ay caddeeyeen in tartar xor ahi uu goobta ka dhacay.

Waxa shirka khudbad dhinacyo badan taabanaysa kusoo xidhay guddoomiyaha cusub ee xisbiga loo doortay Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo shirka kusoo xidhay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa dhammaanba xubnaha golaha dhexe ee xisbia KULMIYE ugaga mahadnaqay sida ay codkooda u siiyeen, waxana uu si waafi ah u sharraxay inuu KULMIYE yahay xisbi Dimuqraaddi ah, qarannimada kaalin weyn kasoo qaatay, muddadii uu talada hayeyna horumar ballaadhan dalka ka hirgeliyey.