930 arday oo ka qalin jabiyey Jaamacadda Hargeysa

Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa waxa uu ka gayb galay xaflada qalin jabinta ardayda dhamaysatay Jaamacadda Hargeysa.

Xafladan qalin jabinta Jaamacadda Hargeysa ayaa waxa gayb galay wasiiro, xildhibaano, xubno ka socday xisbiyada Qaranka, Maayirka Hargeysa, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, masuuliyiin ka socday Ha;yadaha maxaliga iyo kuwa caalamiga, waalidiinta ardayda qalin jabinaysay iyo dadweyne kale.

Ugu horeyn waxa ka hadlay xafladan Guddoomiyaha Jaamacadda Hargyesa Mahdi Cismaan Buuri oo ka waramay wakhtigii la aasaasay jaamacadda iyo maanta halka ay marayso. Sidoo waxa uu sheegay in 930 ardayd ay maanta ka qalin jabinayaan jaamacadda qaybaheeda kala duwan.

Madaxweyne-xigeenka, ahna kusimaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” oo isagu soo afmeeray munaasibadaasi ayaa halkaasi ka soo jeediyey hadal isugu jiray hambalyo, bogaadin iyo dardaaran.

Sidoo kale waxa uu amaan u soo jeediyey cidkasta oo gacan ku lahayd horumarka iyo taabo galka Jamaacadda, dhanka kalena wuxuu jawaabo adag ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay qaar ka mida xisbiyada mucaaridka ah oo goobta ka hadlay isagoo kula dardaarmay in ay dadka la hor yimaadaan barnaamij siyaasadeed oo ka duwan ka xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, dalkuna uu maraayo meel aad u wanaagsan xukumadduna ay wax badan qabatay balse waxa dhiman la dhamaystiri doono marka ay wakhtigeeda la gaadho.

qalin jabin 2 qalin 2
bandhige@gmail.com