Abwaan Cali Sugulle oo ku xanuunsanaya Imaaraadka Carabta una baahan caawimo

Abwaan Cali Sugulle “Duncarbeed” oo caan ku ah suugaantiisii iyo halgannadii kala duwanaa ee uu soo galay ayaa ku xanuunsanaya mandaqadda Cujmaan ee Imaaraadka Carabta una baahan in la caawiyo.

Sidaas waxa shaaciyey Wasiirka Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Cabdillaahi Maxamed Daahir “Cukuse” oo ka mid ah weftiga madaxweynaha Somaliland ee ku sugan Imaraadka Carabta mar uu maanta abwaanka booqasho ugu tagay.

Cajalad muuqaal ah oo la soo geliyey YouTube-ka waxa ka dhex muuqada Abwaan Cali Sugulle oo ay ka muuqato tamar-dari iyo gabow isku biirsaday iyo Wasiir Cukuse oo barbar fadhiya.

Wasiirku wuxu si faahfaahsan u sharxay abaalka uu Cali Sugulle ku leeyahay ummadda iyo dalka iyo in haatan oo uu xanuunsanayo uu dadkiisa uga baahan yahay caawimo.

“Cali Sugulle wuxu ka mid yahay intii horseedday in uu fanku noqdo wax lagu faano, ummadda loogu faa’iideeyo, dhaqanka wax ka tara, diinta wax ka tara, waddaniyadda wax ka tara, gumaysiga la dirira xorriyaddana soo celiya. Wuxu innagu leeyahay wixii uu ina gashaday abaalkeeda. Ilaahay ha inaga dhigo kuwii gacan qabta” ayuu yidhi Md. Cukuse.

Wasiir Cukuse wuxu abwaanka guddoonsiiyey salaan uu uga siday Madaxweyne Siilaanyo oo qudhiisu ku sugan Imaaraadka Carabta hase ahaatee ma uu carrabaabin in xukuumaddu ay qorshaynayso in ay waxtarto abwaanka iyo in kale.

Abwaan Cali Sugulle waxa si gaar ah loogu xusuustaa riwaayaddii “Aqoon iyo Afgarad” ee ay hal-ku-dhegyadeeda ka mid ahaayeen “Af qalaad aqoontu miyaa?” taas oo ay Hadraawi iyo Gaarriye-na wax ka alifeen.

Hoos ka daawo muuqaalka Wasiir Cukuse oo Cali Sugulle booqday iyo mar uu abwaanku ku luuqaynayey heestiisii caanaka ahayd ee “Dhulkayaga waan u dhimanaynaa” taas oo uu warka Raadyow Hargeysa hadda ku soo galo.


bandhige@gmail.com