Taliyaha Ciidanka Qaranku wuxu kormeer ku tagay jiidaha hore ee Sool

Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqalle wuxu kormeerayaa ciidamada Somaliland ee fadhiya jiidaha kulaalaya xadka u dhaxeeya Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland oo ka tirsan Soomaaliya. Sidaas wuxu taliyuhu u sheegay telefishanka ay dawladdu maamusho isagoo fadhiya Xamdi Huteel, Laascaanood.

Taliyuhu wuxu sheegay in uu si gaar ah u booqanayo fadhiisimaha Xuddun, Gambadhe iyo Kala-baydh, taas oo loo qaadan karo in uu muujinayo awoodda ciidanka Somaliland wakhti la werinayo in ciidamo loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin Puntland ay soo ganeen xabbado ka soo dhacay qoryaha lidka diyaaradaha oo aan sababin khasaare mood iyo nool ah.

Laakiin Taliye shaqalle wuxu isagu sheegay in kormeerkani yahay kiisii caadiga ahaa ee uu muddadiiba mar ku tegi jiray aagaggan.

ciidanka-qaranka-somaliland
Sawir hore: qaybo ka mid ah hubka culus ee ciidammada qaranka oo ka qaybqaadanaya xuskii 18ka May

 

Taliyuhu wuxu sheegay in ilaa hadda meelaha uu soo maray ay barwaaqo ka jirtay. “Waxanu soo aragnay dhulal Ilaahay ku soo celiyey quruxdii ay lahaan jireen.”

Taliye Shaqalle wuxu sheegay in dhulkii uu ilaa hadda soo maray ay nabdoonaayeen wuxuna ciidamada qaranka u rajeeyey in ay nabad ku waareen.

“Waxan ciidanka qaranka ku hambalyeynayaa hawsha qaranka ay u hayaan sida xilkasnimada leh ee ay u gudanayaan hadh iyo habeenba” ayuu yidhi taliye shaqalle.

Sida uu weriyey telefishanka qaranku, taliyaha waxa socdaalkiisa ku weheliya saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka qaranka.

Hoos ka daawo muuqaalka warbixinta taliyaha:

bandhige@gmail.com