Buugga “Hiilka af iyo dhaqan lumay” oo lagu daahfuray xarunta SONYO

Cabdimajiid Iid Aadan oo ka mid ah ardaydii sannadkan dhammaysatay waxbarashada dugsiga sare ayaa xaflad xalay lagu qabtay xarunta SONYO ku soo bandhigay buug uu qoray uu ugu magac-daray “Hiilka af iyo dhaqan lumay.”

Munaasibaddan waxa Cabdimajiid kala qaybgalay maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsiga sare ee Ilays oo ah kii uu ka soo baxay, tiro ka mid ah qalinleyda Hargeysa iyo waliba arti-sharaf kale.

Warqad xayaysiis ah oo muujinaysa muuqaalka buugga
Warqad xayaysiis ah oo muujinaysa muuqaalka buugga iyo qoraaga

Maamulaha Dugsiga Ilays Cali Diiriye Dugsiiye, ayaa Cabdimajiid ku ammaanay qorista buuggan, wuxuna ka-qaybgaleyaashii oo u badnaa ardayda dugsiyada sare kula dardaarmay in ay badiyaan wax akhriska.

“Qofkii doonaya in uu wax qoro, marka hore waa in uu badsadaa wax akhriska. Aqoonta maanta boqolkiiba soddon waxa lagu helaa wax barasho boqolkiiba toddobaatanna waxa lagu helaa wax akhris.”

Cali Diiriye oo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi “Cabdimajiid markii uu fikraddan iila yimid waxan ku idhi iska daa hadda marxalad kala-guur ah ayaad ku jirtaa. Marka aad imtixaanka dugsiga sare ka gudubto ayaad qori doontaa. Wuu iga aqbalay. Laakiin haddana mar dambe ayuu igu soo noqday wuxuna igu yidhi waan dhammeeyey buuggii. Waanan ku farxay.”

Qoraaga buugga Cabdimajiid Iid Aadan
Cabdimajiid Iid Aadan, qoraaga buugga “Hiilka af iyo dhaqan lumay”

Mustafe Dayib Cabdillaahi oo ah sarkaal ka tirsan maamulka SONYO ayaa isaguna hadal ka jeediyey madasha. Wuxu soo dhaweeyey wuxuna xusay in SONYO ay mar walba barbar taagan tahay da’yarta dhinac kasta oo la eego.

Inta aan ognahay, Cabdimajiid waa ardaygii koowaad ee isaga oo dugsi sare ku jira daabaca buug soona bandhiga.

Muddooyinkii dambe waxa soo kordhayey qalinleyda da’da yar ee soo saarta buugaagta oo ifafaale wanaagsan u ahay in laga gudbayo dhaqankii afka uun laga hadli jiray ee lagu dhaliili jiray bulshooyinka Soomaalida.

Bandhige wuxu inta akhriska jecel ku dhiirigelinayaa in ay Cabdimajiid ka iibsadaan buuggan si ay isaga iyo kuwa ka dambeeya ee wax qori doonaba ay dhiirigelin ugu noqoto.

Mustafe Dayib Cabdiraxmaan, sarkaal ka tirsan maamulka SONYO
Mustafe Dayib Cabdillaahi, sarkaal ka tirsan maamulka SONYO
Maamulaha Ileys
Cali Diiriye Dugsiiye, maamulaha dugsiga sare ee Ileys

 

Bandhige@gmail.com