Afghanistan: Weeraro ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Jalalabad

Ugu yaraan 35qof ayaa lagu diley in ka badan 100 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen weeraro ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Jalalabad ee dalka Afqaanistaan, subaxnimadii Sabtida.

Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhaw goob Bangi ah, Waxaana qof Bom isku soo xirey isku dhex qarxiyey halka laga galo New Kabul Bank branch, sida laga soo xiganayo Booliska gobolka Nangarhar.

ย Qaraxa kowaad markii laga joogo muddo hal saac ah ayaa mid kale ka hor dhacay Bangiga kale ee ย Afghanistan Bank oo 60mitir u jira halka qaraxa kowaad ka dhacaty.

Waxaana jira qarax saddexaad oo isla goobahaas ka dhacay ,waxaana labada qarax ee danbe loo adeegsadey Mootooyin lagu soo xirey bom.

Booliska ayaa sheegay, in ay wadan baaritaan lagu ogaanayo cidda ka danbeysey weerarkan dadka badan kju dhinteen.

Dadka shacabka ah ayaa loola cararay isbitaalada, waxaana dhici karta in dhimashadu kor u kacdo marka la eego tirada badan e qabta dhaawacyada culus.

Banigaga New Kabul Bank ayaa bixiya Mushaharaadka ciidamada Booliska waxaana mararka qaarkood Boolisku u galaan saf dheer.

Afhayeen u hadley ururka Talibaan oo lagu magacaabo Zabiullah Mujahid ee dagaalka kula jira xukuumadda Afqaanistaan iyo ciidamada shisheeye ayaa iska fogeeyey qaraxan, waxaana uu sheegay in ururkoodi aanu qaadin weerarkaas.

Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in ururka ISIS uu sheegtay masuuliyadda weerarkaas.