Af-hayeenka Madaxtooyada oo ka jawaabay go’aankii xisbiyada mucaaridku soo saareen

Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa ka  jawaabay hadallo ka soo yeedhay xisbiyada  mucaaridka ah, ka dib  markii ay sheegeen in aanay aqoonsanayn xukuumadda haatan talada haysa marka la gaadho 26 bishan July haddii aanu madaxweynu dhaqan gelin heshiiskii ay la galeen xisbiyadda.

Af-hayeen Dhuxul ayaa sheegay inay wakhtigan Somaliland ay dhaaftay xiligii ay hadaladu wax yeeli lahaayeen, islamarkaana ay dad shaqsiyaad ahi hadalo iska yidhaahdaan, isaga oo ku tilmaamay dhawaaqa mucaaridka mid aan haba yaraatee waxba ka bedeli doonin go’aanka shacabka reer Somaliland ay ku dhisteen qaranimadooda. Waxaana hadalkii ka mida ahaa:

“Xisbiyadda mucaaridka ahi haddii ay maqif soo saaraan, waxaa ka weyn mawqifka qaranka jamhuuriyadda Somaliland, cid gaar ah oo qarankan shaashayn kartaana ma jirto, waayo waxa ilaashanaya Shacabka jamhuuriyadda Somaliland oo uu uga wakiil yahay xukuumada maanta joogta Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo”.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa kale oo uu sheegay  in shacabka reer Somaliland uu leeyahay aragti midaysa dhamaan danaha umadda reer Somaliland, taasi oo ah tan maanta ay dalka ku hogaaminayso xukuumada maanta tallada haysa ee shacabku soo doortay, aragtidaasi oo ah dalkani in uu nabad noqdo, jiritaankiisa iyo rabitaanka ummaduna in uu meel maro”.

Waxa kale oo intaas ku daray “Laakiin waxaa la yaab igu noqotay, in mar walba xisbiyadda mucaaridku ay ku dhawaaqaan erayo gef ku ah, sharafta iyo Sumcada qaranka, iyaga oo haaatan ku dacwoonaya inay leeyihiin xukuumada waxanu u qabanay wakhti, horta iyagu xukuumadda wakhti uma qaban karaan, awood ay ugu qabtaana uma laha, cid hawalahaa u igmatayna oo u dooratayna ma jirto, markaa waxaanu leenahay xukuumada ahaan , ha is dedejinina”.

Af-hayeenku mar uu ka waramay  arrinta ay inta badan mucaaridku sida aadka ah ugu soo cel-celiyaan ee ah beesha caalamka waxaanu ugu baaqaynaa in ay soo dhex gasho arrimaha Somaliland, ayaa waxa uu ku tilmaamay mid gef iyo karaamo dhac ku ah qaranka, taladda dalkuna aanay ku xidhanayn beesha caalamka oo ay gacanta ugu jirto shacabi weynaha Somaliland.

Dhinaca kale af-hayeen dhuxul, oo  ka war bixiyey in doorshadii shacabka Somaliland ay madaxweyne Siilaanyo ku doorteen ay u ahayd fursad , Waayo Somaliland imika waxay ku talaabsatay horumar aad u balaadhan, sida la ogsoonyahay shantii sanadood ee ay tallada dalka haysay xukuumada Axmed Siilaanyo.

Dhinanac xisbiyadda mucaaridka ayaa xukuumada ku eedeeyey inay wayday heshiishkii ay la gashay.

bandhige@gmail.com