Qaramada Midoobay ayaa ka digtay rabshado hor leh oo ka bilaabma Burundi

Madaxa xuquuqda Aadamaha Qaramadda Midoobay Zeid Raad ayaa sheegay inay Burundi qarka u saaran tahay inay ka bilaabmaan rabshado hor leh, kuwaas oo ka bilaabmay go’aanka madaxweynaha ku doonayo muddo xileedkiisa saddexaad.

Sida uu sheegay Madaxa xuquuqda Aadmaha Qaramadda Midoobay  waxa rabshadahan ka masuul ah madaxweyne Pierre Nkurunziza , ciidamda ammaanka oo olole ku beegsanayaa mucaaridka iyo taagerayaashooda iyo garabka dhallinyarada xisbiga talada haya.

“Khatartu aad ayey u saraysaa dhinaca bini aadamnimo, xaalada amaan ee gobolku iyo hor-u-marka, sababtoo ah waxa isa soo taraya rabshadaha siyaasadeed iyo daadinta dhiiga” sidaasna waxa Zeid Raad u sheegay Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay.

Waxa kale Zeid Raad sheegay in xafiiskii diwaan geliyeen dilal tiro badan labadii bilood ee ina dhaafay, kuwaas oo intooda la toogtay intii ay ku gudo jireen mudaharaado lagaga soo horjeeday madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Zeid Raad ayaa ka dalbaday dawladda inay hub ka dhigis ku samayso garabka dhalinyaradda xisbiga talada haya oo qayb weyn ka gaystay dilal mudaharaadayaasha.

Rabshadaha ka socday Burundi ayaa waxay bilaabmeen bishii Abril ka dib markii madaxweyne Nkurunziz musharaxnimada marka saddexaad ee muranka dhaliyey uu ku dhawaaqay.

Wasiirada Bariga Afrika waxay usoo jeediyeen madaxweyne Nkurunziz inuu doorashada dib u dhigo muddo bil iyo badh, hase yeeshee madaxweyne Nkurunziz wali kamuu jawaabin dalabkaasi wasiirada Bariga Afrika.

bandhige@gmail.com