Afqaanistaan: Daalibaan oo weeraray magaaladda Kunduz

Boqolaal ka tirsan dagaalyahanada Daalibaan ayaa dhow jiho ka soo weeraray magaalad Kunduz oo ku taala waqooyi Afqaanistaan, sidaasna waxa sheegay saraakiil ka tirsan ciidamada.

Dagaal xoogan oo dhexmaray xoogaga Daalibaan iyo ciidamada dawlada ayaa waxa xidhmay wadooyinka, ka dibna waxay dadka deegaanku bilaabeen in ay ka qaxeen magaalada iyagoo maraya wadooyinka yar yar.

Ciidamada Daalibaan ayaa dagaalka ka dib waxay ka baxeen laba jidh ee waaweyne ee laga soo galo magaalada, intii ay joogeen magaalada waxay gubeen dhismayaal badan, sidoo kale waxay muddo kooban haysteen cisbitaalka magaalada.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in weerarkani ahaa ki ugu weynaa ee ururka Daalibaan ku soo qaadaan Kunduz.

Kooxdan Daalibaan ayaa weeraro xoogan ku qaaday Gobolka Kunduz tan iyo bilowgii sannadka, halkaas oo ay Ciidamada Daalibaan la midoobeen ururo kale oo xagjir ah.

bandhige@gmail.com